Posts

Showing posts from 2014

Soomaalidu ma calan bay leedahay?

Image
       Qalinka:Mowliid Xaaji Cabdi Su’aashan marka qofku arko wuxuu niyada iska leeyahay calankii buluuga ahaa xidigta shanta gees lahaa aaway?, mise waa riyoonayaa oo calan ma jiro?mise wuxu ninku soo qorayo ayaa qubxi iyo naxli ah? Haddaba inta aanay su’aalahaasi maskaxdaada ku soo dhicin iswaydii horta inta calan ee dalka gobol, degmo iyo tuulo suran, waxaan ku soo dhawnahay inaan ka calamo badanno 52 gobol ee dalka Mareykanka oo ay ku nool yihiin dad ka badan 313 milyan oo qof, kuwaasi oo leh diimo kala duwan, kala midab duwan, kala dhaqan durugsan, kala cirqi ama isir duwan, laakiin waxay innagu dhaamaan haddii runta la isagu tago hal calan oo ah kan diilamaha cas iyo xidigaha badan leh olo ay isugu biyo shubtaan, cudud ciidan, lacag, hal baasaboor, dawlad dhexe oo awood leh, baarlaman, gole sare, garsoor, iyo hal aragti oo ah “Ameerikaan ayaannnu nahay “ taasi oo ah mid ka dhaxeysa. Saaka markii aan salaada subax tukaday ka dib oo aan indha-indha...

Nabadda Mudug mudnaan bay leedahay !!

Image
Qalinka: Mowliid Xaaji Cabdi Maalmihii la soo dhaafay xiisad colaadeed, hanjabaad, cirka oo Isbaaro la dhigto, mid kale oo lagu hanjabo, hub urursi, ciidan diyaarin, habar wacasho, hadalo xanaf leh oo aan nabadda u hiilineyn, guluf colaadeed oo loo xusul duubanayo oo aan aheyn danta maatada, ilowsho foolxumadii colaadda, daan-daansi qabyaaldeed, daneysi qabiil iyo qabqable, u fiiro la’aanta inta wiil ku le’day colaad aan dan iyo horumar lagu gaarin, sacabo tummid dad badan oo qaybaaladu indho tirtay, olole qiimaha nabada laga sare mariyey dhiig daata,iyo bawdo qaawis  laga qoomameeyo aakhirkii ayaa ka soo yeeraya gobolka Mudug, tiiyoo siyaasiyiinta maamulada Puntland iyo Galmudug garabka Cabdi Qaybdiid u xiiso qabaan inay dhiiga labada shacab si macno la’aan ah ku daato. Gaalkacyo waxay ku naaloonaysay wada-deganaasho nabadeed oo dhinacyadaasi ku heleen heshiiskii nabadeed ee Gaalkacyo colaadeedii lagu soo afjaray ee ay garhayeenka ka ahaayeen Jen. Caydiid iyo Col.C/...

Soomaalidu cashar fiican ayay ka qaadan karaan go'aankan (FAALO QIIRO XAMBAARSAN)

Image
Qalinka: Mowliid Xaaji Cabdi Todobaadkan waxaa dunidu si weyn uggu dhegtaagay dhawaaqa ka soo yeera dadka gobolka Scotland ee dalka Boqortooyada UK, kuwaasi oo u codeynayey in Scotland ku sii ahaato baaqi ka mid ahaanshaha midowga UK iyo inay noqoto dal madaxbanaan oo ka go’a dalkaasi intiisa kale, xiisaha arintan laheyd waxa weeye go’aanku ma aheyn mid dadka reer Scotland dibadda looga keenay wuxuu ahaa mid iyagu go’aanka aayo ka talintooda gacantooda ku jiray oo haddii ay ku gaaraan inay midnimada UK ku sii jiraan go’aan lagu xushmeeyo, haddii ay diidan oo ay dalbadaan dal madaxbanaan lagu ixtiraamo go’aankaasi ayna qaadato xukuumada Westminster ee ku dhisan boqortooyada midowday ee jirey in ka badan 300 oo sano. Maalimadii shalay dadka reer Scotland waxay u dareereen goobaha codbixinta waxaa markii ugu horeysay taariikhada UK la sharciyeeyey in ay codeyn karaan dhalinyarada gaar ahaan kuwa da’doodu tahay 16-ka sano kuwaasi oo madaxa loo saaray inay go’aan ka gaaraan aaya...

Amisom ma kufsi haween ayay u timid mise kaalmo nabadeed ?

Image
 Qalinka: Mowliid Xaaji Cabdi Fadeexo ceebeed, dambi culus, mahadho aan harrin, yax-yax, dullinimo, bah-dilid, gaboodfal, jirka ganacsi dumar iyo inkaar culus ayaa todobaadkan ka soo yeertey Soomaaliya, waxay qaylo dhaan ka timid hay’ad u dooda xuquuqd aadmiga oo lagu magacaabo Human rights watch, tiiyo qaylo culus ka soo saartey kufsiga ay ku kacayaan ciidamada Afrika ka socda ee Soomaaliya ku sugan kuwaasi oo haween caruur dhaley, kuwa gashaanti ah iyo saqiiro isugu jira dharka ka dhigay ka dibna xoog iyo xeelad ku kufsaday. Dhaqanka Soomaalida kufsigu wuxuu ka joogaa heer foolxumo oo reero isku baabi’i jireen tiiyoo colaada ka aloosanta gabdho abaahiska ay socon jirtey mudo aad u fog. Kufsiga hadda la soo wariyey wuu ka duwan yahay kufsigii iyo xoog ku galmoodkii ka dhex dhici jirey Soomaalida hadda waxaa ceeb iyo dambi dusha u saaran yahay ciidamada Afrikaanka ee Soomaalida aan lagala tashan imaanshahooda kuwaasi oo falalkooda dhaqanka xun ee cudurka iyo fasahaa...

Dooda barnaamijka Isir-raaca Afka Soomaaliga ee Cabdi-Good jeediyo:

Image
Qalinka: Mowliid Xaaji Cabdi Run haddii la eego oo ALLE laga baqo in wax la dhaliilo wax ceeb ah ma ahan, oo waxaa ku dhisan dunida dhaliil iyo amaan, waxaanse hubaa in Cabdi-Good uu daaha ka rogay dhako cusub oo ah in la isku dhaliilo qolooca, kufaa-kaca, turaanturada, hawltal-hamaga, doc-wareenka, gefka, maskax gadoonka, qoorsagaarada, suxulka, jilibka, teestada iyo haraatida lagu hayo fanka Soomaaliyeed gaar ahaan heesaha. Dhaqan doorsan ka daran ma jiro haddii bulshada laga galo afka oo uu ugu horreeyo fanka, waxaa Soomaalida ku habsadey qaran jab meel kasta saameeyey kaasi oo asiibay qayb kasta oo ka mid ah hiddaha, dhaqanka, nolasha ijtimaaciga ah ee bulshada, kaasi oo si gaar ah xididdada ugu siibay maqaamkii iyo quruxdii fanka Soomaaliyeed uu lahaa. Shaki kuma jiro in loo baahan yahay in la helo hannaan faneed oo badala fanaantii iyo fankii hore oo dabar go'a ku dhaw oo dadkii hal-abuurka iyo ku-luuqaynta caanka ku ahaa badankood noqdeen wax dhintey iy...

Boqorkii Jaahilka ahaa & labadii nin musaafurka ahaa (Sheeko kaftan dhable siyaasadeed)

Image
                                        Qalinka: Mowliid Xaaji Cabdi Sheeko aan ku saleeyey siyaasada xiligan ka taagan Soomaaliya waan kaftan dhable dhanka siyaasada ah. Laban nin oo saaxiibo ahaa ayaa maalin maalmaha ka mid ah waxay isku afgarteen inay cilmi aduun iy oo mid aakhiro baadi goobaan si ay noloshooda wax ugga badalaan, labada nin waxay ku gaareen go’aan xitaa haddii ay safar dheer ku qaadato doonista cilmiga inay ubbada(buraashada) u biyeystaan oo ay cagta maalaan, socod ayey bilaabeen wax ay socdaanba waxay maalinkii dambe ku soo dhaceen degmo uu maamulo nin Boqor dah oo lagu tiriyo in uu yahay nin Jaahil ah oo xukun jaceyl oo qofkii xukunkiisa soo faragaliya qoorta u dheereeyaa. Labada nin waxay habeenkii ku hoydeen degmadii waagu markii uu baryey waxay dadkii degmada su’aaleen meel cilmi diin laga barto iyagoo u sheegay inay yihiin cilmi doon, dadkii ay...

Saxaafadeenna ma ka khibrad xumaa mise waa ka intaas ?

Image
Qalinka: Mowliid Xaaji Cabdi Saxaafadda waa tiir ka mid ah tiirarka bulsho ku taagan tahay, haddii ay toosto bulshadaasi dhinac kasta way ka toostaa, haddiise ay cayn wareegto bulshadunna waxay noqotaa jaantaa rogan oo kama soo harto maadamma ay tahay muraayadda bulshadu iska dhex aragto haddii qaloocatana waa halka laga yiri "Haddii awrku heeryada cunoo hiigoo rarridiisa haamaha ku raran buu ka dhiggaa haarro iyo boogge" waayo horumarka ummadi ku tilaabsato waxaa qaybta ugu balaaran ka ah saxaafadda. Soomaaliya  mudo 24 sano ah waxaa kobac xoogan ku yimid qaybaha kala duwan ee saxaafadda waxaa kordhay warbaahinta gaarka loo leeyahay iyo kuwa ku hadla afka maamulo tiiyoo ay hareer socoto xiriirrada bulshada ee xiligan duniddu ka gaartey horumarka oo ay bulshadda iyo saxaafadda Soomaaliyeed iyadunna la jaan qaaday, waxaase garab yaal turaanturadda iyo hawltal hamiga ay ku socoto saxaafaddu halkii laga filayey rubac qarni inay ku talaabsato horurmar dhinac kasta ah...