Saxaafadeenna ma ka khibrad xumaa mise waa ka intaas ?
Qalinka: Mowliid Xaaji Cabdi
Saxaafadda waa tiir ka mid ah
tiirarka bulsho ku taagan tahay, haddii ay toosto bulshadaasi dhinac kasta way
ka toostaa, haddiise ay cayn wareegto bulshadunna waxay noqotaa jaantaa rogan
oo kama soo harto maadamma ay tahay muraayadda bulshadu iska dhex aragto haddii
qaloocatana waa halka laga yiri "Haddii awrku heeryada cunoo hiigoo rarridiisa haamaha ku raran buu ka dhiggaa haarro iyo boogge" waayo horumarka ummadi ku
tilaabsato waxaa qaybta ugu balaaran ka ah saxaafadda.
Soomaaliya mudo
24 sano ah waxaa kobac xoogan ku yimid qaybaha kala duwan ee saxaafadda waxaa
kordhay warbaahinta gaarka loo leeyahay iyo kuwa ku hadla afka maamulo tiiyoo
ay hareer socoto xiriirrada bulshada ee xiligan duniddu ka gaartey horumarka oo
ay bulshadda iyo saxaafadda Soomaaliyeed iyadunna la jaan qaaday, waxaase garab
yaal turaanturadda iyo hawltal hamiga ay ku socoto saxaafaddu halkii laga
filayey rubac qarni inay ku talaabsato horurmar dhinac kasta ah ayaad moodaa
inay joogto heerkii bilowga heer aqoon iyo tayyo taasi oo ay ugu wacan tahay
arrimo badan oo isbiirsaday.
Arimaha duxda ka siibay
saxaafadeenna waxaa ugu weyn nidaam dawladeed oo dalka oo dhan ka jira oo
meesha ka maqan kaasi oo qayb ka noqon lahaa saxaafad tayo leh xag aqoon iyo
qalab, amnni dalka oo dhan aan ka wada jirin oo ay u dheer tahay saxaafadda
dil, xarig, cabsi galin iyo caburin joohto ah oo lagu hayo, khibrad yari
haysata dad badan oo saxaafadda ku dhex jira jirriida hoosena ku haysa aqoon,
qabyaalad dadka saxaafadda ku lugta leh in badan oo ka mid ah madax martey
mihnadii saxaafadeednna ku ilaawa danaha qabiil ee beesha uu ka soo jeedo,
taasi oo keenta in ruux saxafi madaxbanaan isku tilmaamaya uu haddana isku
badalo afhayeen beeleed ama daafaca danaha beesha muruq iyo maal isugu geeya,
dadka iska leh qaybaha warbaahinta oo qaarkood hawshan ganacsi biday balse
aqoon iyo ehel midna aan u ahayn.
Haddii aan ka soo dego
arardhigga qormada unna soo dhaco dulucda waxyaabaha igu dhaliyey inaan ka wax
kaqoro waxaa igu dhaliyey arimo aan u arko haddii wax laga sheego armay sidan
xaalkeennu dhaami lahaa oo lagu baraarugu lahaa aanse xusee dhaliilaha iyo
haaraha ceebeed ee saxaafadeenna xiligan ka muuqda hal qoraal laguma soo koobi
karo, balse waxaan si kooban u soo qaadanayaa dhawr qodob oo aan kala soo baxay
warar ama dhacdooyin dhawaanahan taagnaa.
Aan ku horreeyee dhawaan waxaa
geeriyootey ALLAHA u raxmadee Saado Cali Warsame oo dadka Soomaaliyeed si weyn
u garanayeen sheeko dheer iigama baahnaa qofka ay aheyd si koobanse waxay aheyd
fanaan Soomaaliyeed oo caan ahaa oo qof kasta oo Soomaali ah yaqiin sidoo kale
xubin ka mid ah Baarlamanka Soomaaliyeed, intii laga hadlayey geerida Saado
Cali haddii war laga sameeyey, haddii barnaamij looga hadlay ama haddii
qoraallo laga qoray waxaan ka waayey hal arrin oo aniga ii aheyd muhiim dad
badanna sugayeen, kana mid ah rukniyada warka uu ku taagan yahay, waxay
tahay marka uu dhaco war caynkaasi ee war laga sameeyo marka laga soo tago
cidda uu saameeyey, meesha uu ka dhacay, xiliga uu dhacay iyo sababta uu dhacay
waxaa soo raaca naaxnaaxin ama faahfaahinta warka oo ah inaad sawir guud ka
bixiyo shakhsiga sida da’diisa, caruur haddii uu dhalay ama ka tagey iyo xag
qoys ama lamaane.
Tusaale ahaan
Maxkamad ayaa xukuntey nin lagu
eedeeyey in uu bangi dhacay
Warka tusaalihiisu wuxuu noqonayaa
Warka tusaalihiisu wuxuu noqonayaa
Maxkamdda deegaanka qorac iyo qansax ayaa xukun 15 sano ah ku riday nin todobaadkii hore loo xiray fal bangi lagu jabsaday, kaasi oo uu qirtey ka dib markii xeer ilaainta deegaanka ay ku soo oogtay dambiyada boob hanti dawladeed. Ninkan oo lagu magacaabo Yaxaas Waraabe Liibax (Halkaasi waxaa ku haboon) oo da’diisu tahay 35 sano jir wuxuu maxkamdda horteeda ka qirtey in uu falkaasi geystey ee dhaca bangigga.
Marka laga soo sheekeeyo qodobada loo cuskaday xukunka, eeda xeer ilaaliyaha, qareenka difaacayey eedeysanaha, gogol dhigga warka, magaca iyo darajada qofka xukunka riday, gunaanadka warka waxaa qayb ka ah xusitaanka in qofka la xukumay uu yahay qof kaligii noole ah, xaasle ama caruur leh iyo taariikh hore oo dambiyo haddii ay jireen.Halkaasi waxaa qofka dhageystaha, daawadaha iyo akhristuhu uu ka helayaa macluumaad dhameystiran.
Hagaag, haddaba aan sheekada u
soo noqdee anigu shakhsiyan uma hayn xogta da’da Saado Cali iyo nolasheeda qoys
waxayna ii laheyd xiiso maadamma wararka iyo barnaamijyada laga sameeyey intaba
lagu xusay inay fanka ku jirtey mudo ku dhaw 40 sano .Way dhici kartaa in dad badan
su’aal iska waydiiyaan maxay tahay sababta Ninkan uu su’aalahan isugu
mashquuliyey laakiin ujeedada aan raad guray waxay tahay inaan ifiyo waxyaabaha
ka dhiman saxaafadeenna ee loo baahan yahay inay ku baraarugsanaanno hawl u
qabo sida ay tahay ama iskaga har oo macnuhu inaan bulshada loo soo gudbin war
lug maqan tahay oo madaxiina laadlaado.
Waxay iga tahay tusaale u baahan in wiilasha iyo gabdhaha saxaafadda ku cusub ay helaan macluumaad ay ku saleeyaan hawlahooda, kuwii ka horreyeynna ku dhiiri galiyo macnaha war uu leeyahay, ogow arintan uma gaar aha warbaahinta gudaha xitaa hay’addaha warbaahineed ee waa weyn ee dibadaha ka soo hadla way hareer mareen inay na deeqsiiyaan warkan.
Waxay iga tahay tusaale u baahan in wiilasha iyo gabdhaha saxaafadda ku cusub ay helaan macluumaad ay ku saleeyaan hawlahooda, kuwii ka horreyeynna ku dhiiri galiyo macnaha war uu leeyahay, ogow arintan uma gaar aha warbaahinta gudaha xitaa hay’addaha warbaahineed ee waa weyn ee dibadaha ka soo hadla way hareer mareen inay na deeqsiiyaan warkan.
Dhimashada wareed way ka duwan
tahay xayeysiis
Qodoba labaad ee igu dhaliyey qoraalkan wuxuu yahay waxaan daawaday mid ka mid ah Telefishinadda Soomaaliga ma doonayo inaan xuso magaca Tv-ga iyo wariyaha waxaanse jeclaan lahaa maamulka iyo wariyihii arintan saameyso inay dib u eegaan arinta aan ka hadlayo aysanna u dhigan dhaliil ee ay u qaataan sixid iyo wax isu sheeg.
Qodoba labaad ee igu dhaliyey qoraalkan wuxuu yahay waxaan daawaday mid ka mid ah Telefishinadda Soomaaliga ma doonayo inaan xuso magaca Tv-ga iyo wariyaha waxaanse jeclaan lahaa maamulka iyo wariyihii arintan saameyso inay dib u eegaan arinta aan ka hadlayo aysanna u dhigan dhaliil ee ay u qaataan sixid iyo wax isu sheeg.
Wariyuhu wuxuu ka hadlayey
dhimashadii Saado Cali wuxuu isuggu geenay qol Studio Tv xayn fanaaniin ah oo
uu doonayey in uu ka wareysto aqoontii, wadashaqeyntii, shakhsiyadii ay u
laahayeen Saado Cali iyo waliba dareenka dilkeeda, markii uu wariyihii bilaabay
horudhaca sheekadiisa waxaa ugu horreyn aan dareemay horta haba yaraatee inaanu
ku jirin wax qushuuc ah oo muxuu qushuucu yahay?.
Waxaad ka hadlaysaa waa geeri warka geeridu wuu ka duwan yahay inaad ciyaar tabinayso ama aad iidheh akhrinayso bal ka waran haddii qofka aad ka hadlayso waaliidkiis, caruurtiis ama qof kale oo ehel ah uu ku daawanayo ama ku dhageysanayo isaguna wuu ilmeynayaa adiguna waad is xariifinaysaa, warkii ayaan u sii dhag raaricyey si wacanna indhaha ugu sii qabtey waayo Fanaaniinta meesha fadhiday ayaan dooanyey inaan ogaado dareenkooda iyo xogtooda, wariyihii markii uu bilaabay in uu xuso magacyadii dadkii martida u ahaa kama duwaneyn in uu joogo Tiyaatar sida uu magacyada fanaaniinta ugu dhawaaqayo ama xallada (cusbeynayo) ugu yeelayo halkaasi waxaa ka maqan rukni warku uu lahaa oo ah in xaalada warka inay wariyaha jawigiisa ku xiran tahay.
Waxaad ka hadlaysaa waa geeri warka geeridu wuu ka duwan yahay inaad ciyaar tabinayso ama aad iidheh akhrinayso bal ka waran haddii qofka aad ka hadlayso waaliidkiis, caruurtiis ama qof kale oo ehel ah uu ku daawanayo ama ku dhageysanayo isaguna wuu ilmeynayaa adiguna waad is xariifinaysaa, warkii ayaan u sii dhag raaricyey si wacanna indhaha ugu sii qabtey waayo Fanaaniinta meesha fadhiday ayaan dooanyey inaan ogaado dareenkooda iyo xogtooda, wariyihii markii uu bilaabay in uu xuso magacyadii dadkii martida u ahaa kama duwaneyn in uu joogo Tiyaatar sida uu magacyada fanaaniinta ugu dhawaaqayo ama xallada (cusbeynayo) ugu yeelayo halkaasi waxaa ka maqan rukni warku uu lahaa oo ah in xaalada warka inay wariyaha jawigiisa ku xiran tahay.
Bal u fiirso sida ay u kala duwan yihhiin Wael Al-Dahdou oo ah wariyaha Tv-ga Jasiira ee Gaza ee ilmado ka qubatey isagoo si toos u soo tabinyey war ku saabsan xasuuqa Gaza ay Isra’il ka geysanayo iyo Cassam Shawaal oo qaybta ciyaaraha Jasiira/Being ka qayliya waxay ku kala duwan yihiin marxaladda war tabinta.
Tusaale kale waxaad tahay wariye waxaad dul timid gaari kaa horeeyey oo docda inta u dhacay dadkii saarnaa meyd iyo dhaawac yihiin, ama dhulgariir ayaa inta dhacay wuxuu ka dhigay wax dhintey dadkii meeshaas ku noolaa, guryihii, gaadiidkii iyo deegaankii oo dhannna cagtuu mariyey warkaasi side u soo tabin laheyd? Ma qushuuc bini’aadamtinimo ayaa muujin laheyd mise tsida inaad tabinayso tartanka gawaarida Formula 1-da ayaad microphone-ka uga soo hadli laheyd? Waa adiga dareenkaaga.
Arrinta kale ee xusida mudan
waxay tahay saxaafadda waajibkeeda waxaa qayb ka ah inaanay abuurin cadowtinimo
iyo xasarad, waxaanse u aheyn marqaati Idaacaddo, website-yo iyo Tv-yo warka
dhimashada Saado Cali uga faa’ideystey kicin bulsho iyo abuurid cuqdad kuwaasi
oo ka baxay xayndaabkii ummadda Soomaaliyeed u baayhneyd ee ahaa isku soo
dhaweynta, dhayida boogaha & dakharadda qabyaaladu ku reebtay.
Ugu dambeyntii waxaynu u baahanahay inay sariig isku yeelno oo aynu
bulshadeenna dayacan, diifaysan, daruxumaddu haysto u damqanno, oo aynu
dariiqada toosan ku duwno inagoo doorkeennu noqonayo damiirkeenna ku
saleynaynna xirfad iyo aqoon.
Waad Mahadsantihiin.
Comments
Post a Comment