Soomaalidu ma calan bay leedahay?
Haddaba inta aanay
su’aalahaasi maskaxdaada ku soo dhicin iswaydii horta inta calan ee dalka
gobol, degmo iyo tuulo suran, waxaan ku soo dhawnahay inaan ka calamo badanno
52 gobol ee dalka Mareykanka oo ay ku nool yihiin dad ka badan 313 milyan oo
qof, kuwaasi oo leh diimo kala duwan, kala midab duwan, kala dhaqan durugsan,
kala cirqi ama isir duwan, laakiin waxay innagu dhaamaan haddii runta la isagu
tago hal calan oo ah kan diilamaha cas iyo xidigaha badan leh olo ay isugu biyo
shubtaan, cudud ciidan, lacag, hal baasaboor, dawlad dhexe oo awood leh,
baarlaman, gole sare, garsoor, iyo hal aragti oo ah “Ameerikaan ayaannnu nahay
“ taasi oo ah mid ka dhaxeysa.
Saaka markii aan salaada
subax tukaday ka dib oo aan indha-indhaynayey wararka dalkii hooyo iyo kuwa
dunida ku soo kordhay saacadihii jiifka aan ku jiray waxaa meelihii aan eegay
ka mid ahaa barta facebook, wixii iigu badnaa wuxuu ahaa calanka Soomaaliya oo
dad badan soo qoreen “Hambalyo”, kuwa kale oo ku badashey sawir muuqaalka
(profile picture) iyo kuwa badan oo ku
soo liqdaaray ardaaga la isku arko (Home Status), iyadoo qaarkood calanka dhar
ahaan ugu labisan yihiin, hadalka maalinta calanka Soomaaliyeed ee October 12
aad eyey u badney waxaase niyada iiga soo dhacay oo “oo kaalay maradan buluuga
ah ee la diirtay, haddana la jeexjeexay, oo kaaga darane laga kala yaacay oo
marooyin kale laga door biday maxaa saaka laga dhibayaa oo looga dhiggayaa
calan dad leh”?.
Su’aashaasi markii ay igu
soo maaxatay ayey haddana igu dhalatey inaan qormo kooban ka qoro oo dadka bal
su’aalo “Soomaalidu ma calan bay leedahay”?
Sababta su’aasha igu
dhalisay waxaa ka mid ahaa; waxaad moodaa in xuska iyo xushmada calanka inay ku
kooban tahay oo kaliya 12-ka October oo shaley ama beri aan dan iyo heelo laga
laheyn ama laga lahaan doonin oo qofkii maanta hadal hayaa berri calanka
beeshiisu sameystey la arko isagoo ku duuban oo xaflad la taagan ama isku soo
sawiraya, isagoo iska hilmaamay calankii uu October 12-keedii geerarka iyo
oohinta uu isaga keenayey.
Dhibka ugu weyn ee arintan
horseedka u ah waxay tahay ilbaxnimo aan moodnay in calamada wadamada reer
Galbeedku gobol gobolka u sameysteen aan ku dayanno si loo minguuriyo in gobol
kasta uu calan yeesho, waxaase dadka arintan gadaal ka riixaya ka muuqata
inaanay akhrin ama baarin taariikhda dalalkaasi iyo wixii keenay in calammo
kala gooni ah la sameysto.
Ugu horeyn dadka hadda
inagu shubaya in gobol kasta iyo tuulo kasta oo ka mid ah dalka calan gaar ah
sameysato waxay tusaale u qaataan oo ay xusaan “Dalka Mareykanka gobol kasta
calan buu leeyahay”.
Hagaag ma xuma in Taxes
iyo New York oo Mareykanka ah calan gooni ah kiiba uu leeyahay laakiin waxay
ilowsan yihiin Soomaalideenna la jilbaysan kala qaybinta iyo kala qoqobka in
askariga Mareykanka ah marka uu tago Afgaanistaan, marka uu tago Ciraaq ama
hadii uu tago Haiti tuutaha uu sito calanka dalkiisa ayaa garabka uga dhegan ee
kan Taxes iyo New York uguma dhegana.
Si kale aan kuu
fahamsiiyee haddii aad u qaadato in shaqadaasi ay tahay mid dibada wadanka ah
oo dalka gudihiisa ay xoog ku leedahay adeegsiga calanka gobolada, waxaan kaloo
kuu soo bandhigayaa cadeyn kale, ciyaaraha kubada cagta ee gobolada
Mareykanka ee loo yaqaan MSL (Major
league soccer) hadii ay ciyaarayaan LA Galaxy ama New York Red Bulls calanka
Los Angles iyo kan New York garabka uguma dheganee kan wadanka ayaa u suran
gacanta midig, waliba ogow waxay matalayaan gobollo, ogaan lahaayaa, yaa yiraahda tuulada reer Qansax iyo reer Maygaag
ayaa kubad wada ciyaaru lahaa mid kasta maryo calan la iigu sheegay ayey funaanadaha
ku soo xardhan lahaayeen, iyagoo ka faani lahaa calanka maanta loo
marxaboonayo.
Tusaale haddii aan innooga
dhigteen gobol hebel dalkaasi calan ayuu gaar u leeyahay haddana maxaad u soo
minguurin waydeen arimaha kor ku xusan sheekadu ma la jiifaayanaa banaan, la
joojiyaana banaan baa.?.
Docda kale dadkan kala
diimaha, dhaqanka iyo luuqadaha duwan ee malaayiinta qof ee tusaalaha ay
innooga dhigayaan dadka la ordaya in tuulo kastaa calan gooni ah yeelato waxay
iska indho tirayaan colaadihii xumaa ee ka dhacay shucuubtaas sida dagaaladii
Waqooyiga iyo Koonfurta Mareykanka, dagaaladii Yurub, dagaaladii Scotland iyo
England, kuwii 1-aad iyo 2-aad, ee ay ku nafta waayeen malaayiinta qof, kana
badan iska daa inta Soomaali dagaalada sokeeye kaga dhimat’e xitaa dadka
Soomaalida dhimatey iyo kuwa nool.
Bal u fiirso Yurub oo ay
ka dhex dhaceen colaadihii ugu xumaa dunida ayaa maanta midowday oo sameystey
hal midow (Midowga Yurub), oo leh calan guud, Baarlaman, lacag, madaxweyne iyo
shuruuc kale oo badan oo ay ogaadeen inay midnimada ku haboon tahay, markaa
ayaa Soomaalida oo dagaalada sokeeye ee danaha fog laga leeyahay dhexmareen ee
ay ku dhinteen in ka yar 200 kun waxay hadda ku sugan tahay in iska daa waxwada
qabsi qofkii qof ka soo horbaxa sida Dad qalatadii la isku soo boodo.
Ugu dambeyntii xuska iyo xushmadu calanku waxaan doodi ka
jirin inaanay laheyn maalin u gaar ah laakiin uu yahay calanku sumad ku suntan
qof kasta oo Soomaali ah meeshii uu doono ha ku noolaadee ama jinsiyadii uu doono
ha qaatee, oo jacaylka loo muujinayo aanu ku ekaan maalintan 12-ka October ee
calan dhar ahaanta loogu labisanayo berina calan gobol loo muraaro dilaacayo
sheekaduna waxay ku soo biyo shubanaysaa “Calanka ciyaarta halaga daayo”.
Mahadsanidiin:
Halkan ku soo qor aragtidaada mahadsanid
ReplyDelete