Dooda barnaamijka Isir-raaca Afka Soomaaliga ee Cabdi-Good jeediyo:
Qalinka:
Mowliid Xaaji Cabdi
Run haddii
la eego oo ALLE laga baqo in wax la dhaliilo wax ceeb ah ma ahan, oo waxaa ku
dhisan dunida dhaliil iyo amaan, waxaanse hubaa in Cabdi-Good uu daaha ka rogay
dhako cusub oo ah in la isku dhaliilo qolooca, kufaa-kaca, turaanturada,
hawltal-hamaga, doc-wareenka, gefka, maskax gadoonka, qoorsagaarada, suxulka,
jilibka, teestada iyo haraatida lagu hayo fanka Soomaaliyeed gaar ahaan
heesaha.
Dhaqan
doorsan ka daran ma jiro haddii bulshada laga galo afka oo uu ugu horreeyo
fanka, waxaa Soomaalida ku habsadey qaran jab meel kasta saameeyey kaasi oo
asiibay qayb kasta oo ka mid ah hiddaha, dhaqanka, nolasha ijtimaaciga ah ee
bulshada, kaasi oo si gaar ah xididdada ugu siibay maqaamkii iyo quruxdii fanka
Soomaaliyeed uu lahaa.
Shaki kuma
jiro in loo baahan yahay in la helo hannaan faneed oo badala fanaantii iyo
fankii hore oo dabar go'a ku dhaw oo dadkii hal-abuurka iyo ku-luuqaynta caanka
ku ahaa badankood noqdeen wax dhintey iyo kuwa da'du u run sheegtey, loona
fadhiyo jiil cusub oo badala, waase kee iyo goorma, waa marka la helo fan sal
adag ku fadhiya oo xag luuqad iyo xag dhaqan, haddiise uu noqdo jaantaa rogan
saw daw ma ahan in diirka laga qaado dacdarada iyo diifta muuqata, maxaase loo
diidaya in wixii qaldan la saxo lana dhaliilo.
Anigu
Cabdi-Good waligey ma arkin, mana aqaan shakhsiyan inkastoo aan filayo in uu ku
nool yahay magaalada aan deganahay, haddana dad isyaqaan ma nihin, waxaanse ku
madaxa ugu ruxay sida uu u doonayo in uu u ifiyo boogta u baahan in la daaweeyo
oo haddii aan la daaweyn dacar iyo waabayada ka dhalatada sunteedu sanooyin
badan ayay qaadanaysaa sidii loo dabiibi lahaa.
Midna waa
muhiim in la ogaado qayb ka mid ah xeerarka caalamiga ah ee dadkeenna saxaafada
ku lugta leh saldhig inoo ah waxaa ka mid ah “Xoriyadda hadalka”, haddii
Cabdi-Good fikirkiisa qalooc ama saxnaan uu ka hadlo waxa uu aaminsan yahay
waxay ila tahay in lagu xushmeeyo iyadoo la qiimeynayo xaqa qofka u leeyahay in
uu cabiro waxa maskaxdiisa ku jira balse annagu ka Islaam ahaan aynu ku dabaqno
wixii aan wax u dhimeyn diinteenna Islaamka.
Way dhici
kartaa meelaha qaar in Cabdi-Good uu ku talaxtagay sida ka hadalka ama
dhaliishada ruux qabri ku jira oo ay tahay in qofka dhintey wanaag iyo xumaan
labada wixii uu ka tagey intii uu noolaa uu mudan yahay xurmo maadama ALLE uu
oofsadey ayna gef tahay in xumaan laga sheego, balse macnaha haddii aan u
daadago yaan laga guban in la tilmaamo qalooca iyo boogaha ceebeed ee fankeenna
ku gadaamaan taasi oo noqotey in qof kasta uu microphone qabsado uuna ku heeso
wax kasta oo uu doono tiiyo laga tagey xurmadii, xeerkii iyo xiisihii uu fanku
lahaa.
Cabdi-Good
haddii uu ka badbadiyey eedeymaha qaar waxaa loo baahan yahay in si cilmiyan ah
loola doodo, loo muujiyo waxa ka qaldan, ileyn dunida waxaa ugu xun "Qof
qaldan oo wax qaldan saxaya", haddiise arinku noqdo yasid, xaasidnimo,
yooyootan waxaan hubaa macnaha loo duulayo ee ah afkeenna iyo suugaanteenna
aynu nooleeynayo in ay ku dhamaan doonto "Hal bacaad lagu lisay".
Docda kale
haddii Cabdi-Good uu tafaxaytey in uu wax ka sheego miraha ama qaabka loo
sameeyey heesaha cusub ee tifaftir la'aanta loo duubo ma waxaynu leenahay
odeygu waa saxan yahay ee aynu la saxno waxa qaldan, mise xaalad iyaduba
qaloocneyd aynunnu sii qaloociinaa.
Saxaafada
iyo dadka fanka ku jira ha noqdaan kuwa heesaha ama kuwa miraha sameeya waxaa
looga fadhiyaa inay qayb weyn ka qaataan badbaadinta afkeenna salguurku ku
socdo, isla markaana qof kasta sida uu uga qayb qaadan karo uu uga qayb qaato
sidii loo badbaadin lahaa dhaxal guurka ku soo fool leh afka Soomaaliga, ileyn
50 sano ka dib waxaa la heli doonaa 4 milyan oo Soomaali ah oo aan isfaheymeyn.
Tusaale
arrinkaasi wuxuu yahay 2-da milyan ee caruurta Soomaaliyeed ee qurbaha ku
dhashay ama kuwa ku koray,2-da milyan ee kale ee ku dhalan doona ama ku koraysa
ee ku kula nool min Australia ilaa Minnesota
haddii ay kulmaan ma waxay kula tahay inay isku fahmi doonaan
af-Soomaali taasi waa habeenkii xalay ahaa ee tagey, waayo anigu waxaan
marqaati ahaa magaaladan London Iskool aan subax ilmaha geystey waxaa i soo
jiitay hooyo iyo wiil yar oo ay dhashay oo ilmuhu ku hadlo af-ingiriis
hooyaduna ku hadlayo af-Soomaali, markaas ayaan niyadda waxaan iska iri
"Hadii wiilkan iyo hooyadiis oo hal guri kuwada nool ay isku fahmi waayeen
hal luuqada, talow maxay nooqon doonaan ilmaha ku dhashay ama ku koray Denmark,
Finland, Sweden, Australia, Holland, Germany, Sacuudiga, Mareykanka, iyo meelo
kale".
Ka waran
4-taas milyan oo isugu tagta Soomaaliya ma waxay kula tahay inay luuqad isku
fahmi doonaan?, taasi waa mid ka dhan su'aal waa maya.
Dadkeenna
wax qora iyo kuwa hadalka wax ku haga xilka inoo yaal waa sidii loo badbaadin
lahaa afkenna dabar go'aya ee laga yaabo in uu raaco luuqadaha dabar go'ay ama
dhintey, halkii aynu isku eegan laheyn hebel ama heblaayo barnaamijkiisu waa
qaldan yahay iyo waa saxan yahay.
Cabdi-Good,
talada u taal waxay tahay inta uu kadaba meeraysanayo wax ka sheega fanka waxaa
isagana la gudboon in uu kaalintiisa ka qaato badbaadinta afka Soomaaliga, waa
halka ay Soomaalidu ka tiri “"Ninka casirkii isaga sheegay cishihii ceebi
ma qabato" oo uu magaca barnaamijkiisa ku saleeyo waxa uu ka hadlayo balse
tunka aanu ku dheganaan heesaha macno la'aanta ah., macne ahaan in barnaamijka
Isir-raaca afka Soomaaliga uu aqoontiisa afka Soomaaliga uga faa'ideeyo
horumarinta iyo badbaadada afka Soomaaliga.
Talada ugu
dambeysa waxay tahay xushmo waa wax ugu weyn ee qofka bini'aadamka ah deeqda
waxaa haboon in la isku xushmeeyo mihnada iyo shakhsiyada qofka, Cabdi-Good
dabcan waa nin da'a ah qofkana waa lagu xushmeeya da'ada, waa nin intii ku
filan sida aan ka arkay barnaamijyadiisa wax badan ka fahamsan afka Soomaaliga,
wax badanna looga faa'ideysan karo, in lagu xushmeeyo aqoontiisa intii ay
doonto ha la ekaatee waa lama huraan,
isaguna uu ixtiraamo hal-abuurada iyo fikrad curyaasha Soomaaliyeed mid
dhintay iyo mid nool dhaliishiisuna ay noqotaa mid aqoon, cilmibaaris iyo
cadaalad ku saleysan.
Waad
Mahadsantihiin:
Wixii aad ka
qabto qoraalkan talo iyo tusaale waad ku soo gudbin kartaa barta facebook-gan
ama qaybta hoose ee fal-celinta (comments)
Mowliid Xaaji
Cabdi.
Comments
Post a Comment