Boqorkii Jaahilka ahaa & labadii nin musaafurka ahaa (Sheeko kaftan dhable siyaasadeed)
Qalinka: Mowliid Xaaji Cabdi
Sheeko aan ku saleeyey siyaasada xiligan ka taagan Soomaaliya waan kaftan dhable dhanka siyaasada ah.
Laban nin oo
saaxiibo ahaa ayaa maalin maalmaha ka mid ah waxay isku afgarteen inay cilmi
aduun iy oo mid aakhiro baadi goobaan si ay noloshooda wax ugga badalaan,
labada nin waxay ku gaareen go’aan xitaa haddii ay safar dheer ku qaadato
doonista cilmiga inay ubbada(buraashada) u biyeystaan oo ay cagta maalaan,
socod ayey bilaabeen wax ay socdaanba waxay maalinkii dambe ku soo dhaceen
degmo uu maamulo nin Boqor dah oo lagu tiriyo in uu yahay nin Jaahil ah oo
xukun jaceyl oo qofkii xukunkiisa soo faragaliya qoorta u dheereeyaa.
Labada nin
waxay habeenkii ku hoydeen degmadii waagu markii uu baryey waxay dadkii degmada
su’aaleen meel cilmi diin laga barto iyagoo u sheegay inay yihiin cilmi doon,
dadkii ay la kulmeen ayaa u sheegay deegaan caan ku ah barashada diinta
tilmaanna way siiyeen. nimankii waxay u dhaqaqeen meeshii cilmiga lagu sheegay
waxay socdaanba goobtii ayey gaareen waxay horey ka bilaabeen cilmi diin
barashadiis.
Muddo haddii
ay diin barasho ku jireen oo ay garowsadeen inay maqaam fiican ka joogaan
cilmigii ay u soo safreen ee diinta ayey subixii dambe isku yimaadeen waxaa
dhexmartey sheeko ku saleysan waxa xigga ee qorshahoodu yahay. Labadii nin ka
mid ah ayaa saaxiibkiis wehelka ay ku ahaayeen safarka diin barasho doonka ayuu
ku iri
“War
cilmigii aynnu u soo safarnay dhammeynay’e aynnu deegaankeenii dib uggu
laabanno si waxa aynnu barannay aan dadkeenii ugu faa’ideyno”.
Kii kale
ayaa saaxiibkiis ku yiri “Saaxiib war aan ku siiyo annigu waxaan rabaa inaan
cilmiga diinta ee aan bartey ku darsado
cilmiga siyaasadda ee adiggu ma iggula jirtaa mise waad iska taggeysaa?”.
Ninkii kale
wuxuu saaxiibkiis u sheegay in cilmiga diin ee uu bartey ay uggu filan tahay
isla markaanna aanu doonneyn aqoon kale, uuna subixii u baxayo deegaankii uu ka
yimid, sidaasina ayey labadii nin isku macsalaameeyeen.
Ninkii baxay
wuxuu sii marey degmadii uu xukumayey Boqorkii xukunka jeclaa ee Jaahilka ahaa,
wuxuu degmadii tagey maalin Jimce ah oo saalada jimce la tukanayo, wuxuu tagey
Masjidka ugu weyn magaalada si uu uggu tukado salaada, markii salaadii la
dhameeyey ayaa waxaa khudbad meeshii ka jeediyey Boqorka deegaanka xukumay,
boqorku wuxuu khudbadiisa ugga hadlay arimmo diini ah laakiin khaladaad badan
ayaa ku jiray hadalkiisa laakiin culimo iyo caamo cid ka hadli kartaa ma jirto
waxa boqorku dhabqinayo oo nin walbna naftiisa ayuu la cabsadey.
Ninkii
safarka ahaa ee cilmiga diiniga soo bartey ayaa u adkeysan waayey waxa boqorku
isku walaaqayo, markaas ayuu inta istaagey gacanta taagey, boqorku wuxuu u
haystaa in ninku uu su’aal waydiinayo, khudbadiisii ayuu joojiyey markaas ayuu
yiri “Ninka istaagayow warkaaga soo daa”, ninkii ayaa hal mar la soo wada
eegay, boqorkiina xaggiisa ayuu soo eeggayaa wuxuu hadalkiisii ku leeyahay
ninku“Boqorow labo kala daa xukunkaaga adag iyo aqoon daradaada diimeed, waxa
aad sheegayso wax diin sal iyo raad ku leh ma ahan, dadkanna ka daa qubxiga iyo
naxligga aad diinta ugga dhiggayso”, ninkii oo aan hadalkii dhameyn ayaa
boqorkii inta qaylo cirkaas ka yeeriyey wuxuu amray ciidankiisii inay ninka
Masjidka banaanka ugga bixiyeen god dheer oo xabsi ahna ku tuuraan waliba
jirdil uggu daraan.
Ninkii oo
sidii kubad u duubaan ayaa qadaadka inta la qabtey god dhulka hoostiisa ku yiil
oo wixii boqorka wax ka sheega lagu rido shalow lagu siiyey.
Muddo afar
sano ah ka dib ayaa ninkii kale ee waaggii ku harey barashada cilmiga
siyaasadda markii uu dhameystey waxbarashadiisii wuxuu go’aansadey in uu dib
ugu laabto dhulkii uu ka soo hayaamay, socdaalkiisii wuxuu ku sii maray
degmadii boqorkii uu ka talinayey, war uma hayo ninkii ay saaxiibado ahaayeen
uu xiran yahay oo uu eersadey afkiisa, si la mid ah ninkii ay saaxiibada
ahaayeen habeenkii markii uu magaalada ku hoyday ee uu isku diyaariyey in uu u
ambabaxo deegaankiisii ayuu ka hor wuxuu aaday Masjidka waxaa masjidka ku
sugnaa boqorkii deegaanka, sidii caadada aheyd markii salaadii laga baxay
boqorku wuxuu jeediyey khudbad uu dadkiisa kula hadlayey.
Khubadii uu
boqorku jeedinayey oo gabo-gabo ah ayaa ninkii musaafurka ahaa ee cilmiga
siyaasada bartey inta istaagey gacanta kor u taagey, boqorkii ayaa khudbadiisii
inta hakiyey ninkii u soo jeestey xaggiisa, ninkii ayaa boqorka ka codsadey
inta uu hadalka dhameyn ee dadku fadhiyaan masjidka in hadal jeediyo, boqorkii
ayaa ninkii ka ogolaaday in uu hadlo.
Ninkii wuxuu
uggu horeyn u mahadceliyey boqorka sida uu ugga ogolaaday in isagoo khudbad
jeedinaya uu inta u joojiyo uu hadalksa siiyo, ka dibna wuxuu yiri “Boqorow nin
ILAAHAY aqoon iyo xikmad isaggu kaa daray ayaa tahay, waliggey ma arkin boqor
kaa qiimo badan, wallee dadka aad hogaamiso dad ka nasiib badan ma jiraan,
laakiin mid kale aan kuuggu daree waxaa nasiib leh ninka Masjid afar jimce
salad kuggula tukado khudbadaada qiimaheeda iyo wanaageedanna dhageysta”.
Boqorkii
hadalka ninka aad ayuu ula dhacayaa wuxuuna eegayaa sida dadku uggu dheg
taagayaan hadalka ninka, boqorku aad ayuu isagga helay, wuxuu ku faraxsan yahay
nin aan magaalada ku noolaan jirin oo safar ah in uu hal maalin oo kaliya uu
wanaaggiisa ku qiro, wuxuuna hoosta iska leeyahay “Wallee kani waa kii iisii
dheereyn lahaa inaan xukunkan majaraha u sii hayo oo boqortooyadan sii hayyo
illaa aan ka geeriyado”.
Ninkii wuu
sii hadley wuxuuna leeyahay “Boqorow nasiib ayaan leeyahay maanta inaan
dhageysto khudbadaada wax iigga qiimo badan ma leh, laakiin mid ayaan oran
lahaa dadkaagga halkan ku sugan, waxaa anigga igga nasiib badan oo cawo iyo
ayaan leh ninka madaxaaga shumiya ama taabta, ninka taabta taajka boqortooyada
ee kuu saran wacade kaasi nasiibkiisu waa in uu kaa dhaxlo xikmadda maskaxdaada
ku dihan”.
Ninkii oo
aan hadalkii dhameyn ayaa hal mar dadkii inta wada istaageen ciidan iyo shacab
waxay ku wada carareen boqorkii iyadoo qof kastaa leeyahay “Yaan laggaaga
horeyn madaxa taabashada boqorka”, dadkii tiro awgeed way isjiireen waa la
isdardaray, oday kii ahaa, kii xoog yaraa ama ilmo wixii masjidka ku jirey
dusha ayaa looga baxay oo qaarbaan nafta lala soo rogin, boqorkii ayaa dushiisa
la isku hillay (buuxiyey), boqorkii meel uu ka neefsado ayuu waayey ilaa naftii
ka baxdey, dadkii cid cid celisaa ma jirto illeyn xikmad ku sheeg ayaa boqorka
looggu sheegay mid kastaana wuxuu aaminay hadalkii ninka.
Mudo haddii
boqorkii lagu xoonsanaa ayaa dadkii gadaal u degeen mise boqorkii waa meyd,
dadku boqorka dhimashadiisu waxay u yeeshay waji kale waayo markii hore waxay
ka cabsi qabeen in boqorka qofkii aan taaban madaxiisa ee iska fariista in loo
qaadan doono in uu yahay “dib u socod” ama uu boqorka yasayo, isgarbiska iyo
isbuurashada waxaa qayb ka ah cabsi laga qabey boqorka, laakiin markii la
ogaaday in uu dhintey waxaa dadkii maankooda ku soo dhacdey kadeedkii boqorku
dadka deegaanka ku hayey, hal mar ayaa ninkii cilmiga siyaasada soo bartey
laggu soo yaacay, waxaana la yiri adiggu noo noqo boqor, maadama caqli fiican
oo aan boqorka uga takhluusnay aad inoo keentey, kaasi oo aan hal qof inoogga
dhiman.
Ninkii sidii
ayuu boqor ku noqdey dadkii xabsiyada ku jiray oo dhan ayuu siidaayey mise
wuxuu ku arkay ninkii ay saaxiibada ahaayeen oo raameystey tinta iyo garka ku
baxay awgeed, ninkii xabsiga laga soo daayey ee arkay saaxiibkiis oo boqor ah
ayaa waydiiyey“Sida ay uggu suurtagashay in uu noqdo boqor waliba isagoo aan
deegaanka dagganeyn oo musaafur ah, isla markaana boqorkii xukunka adkaa uu
ugga qaatey jagadii boqortooyada”.
Boqorkii
wuxuu saaxiibkiis si kooban uggu yiri “Cilmigii siyaasada ee aan bartey ayaan
boqorka u adeegsadey , isagaana xabsiga kaagga soo saarey ee wasiir inta noqoto
shaqadaada qabso”.
Mahadsanidiin:
Mahadsanidiin:
Comments
Post a Comment