Amisom ma kufsi haween ayay u timid mise kaalmo nabadeed ?
Qalinka: Mowliid Xaaji Cabdi
Fadeexo ceebeed, dambi culus, mahadho
aan harrin, yax-yax, dullinimo, bah-dilid, gaboodfal, jirka ganacsi dumar
iyo inkaar culus ayaa todobaadkan ka soo yeertey Soomaaliya, waxay qaylo dhaan
ka timid hay’ad u dooda xuquuqd aadmiga oo lagu magacaabo Human rights watch,
tiiyo qaylo culus ka soo saartey kufsiga ay ku kacayaan ciidamada Afrika ka
socda ee Soomaaliya ku sugan kuwaasi oo haween caruur dhaley, kuwa gashaanti ah
iyo saqiiro isugu jira dharka ka dhigay ka dibna xoog iyo xeelad ku kufsaday.
Dhaqanka Soomaalida kufsigu wuxuu ka
joogaa heer foolxumo oo reero isku baabi’i jireen tiiyoo colaada ka aloosanta
gabdho abaahiska ay socon jirtey mudo aad u fog.
Kufsiga hadda la soo wariyey wuu ka
duwan yahay kufsigii iyo xoog ku galmoodkii ka dhex dhici jirey Soomaalida
hadda waxaa ceeb iyo dambi dusha u saaran yahay ciidamada Afrikaanka ee
Soomaalida aan lagala tashan imaanshahooda kuwaasi oo falalkooda dhaqanka xun
ee cudurka iyo fasahaadka huwan ay Soomaalida u horseedeen siyaasiyiinta iyo
kooxaha fashilka siyaasadeed iyo kan wadaninimo uu ka dhamaaday ee xalka looga
la’yahay Soomaaliya.
Kuma koobna eedu Al-Shabaab oo kaliya
in dalka loo loogo cadow kala duwan oo ay ka mid tahay kufsiga hadda taagan ee
gabdhaha da’doodu ka yar tahay 15-ka raggu faylka ka galayaan, waxaa eedeeda
iyo dambigeeda dusha u saaran yahay oo aanay sinnaba uga harreyn inta siyaasi
sheegata ee haatan xil sare iyo mid hoose ka haysa maamul dawladeed iyo mid
gobol oo inay isku tanaasulaan oo ay heshiiyaan xal-na u helaan khilaafkooda
siyaasadeed iyo is eeg-eegashada qolo qolada ku saleysan ay noqotey mid gabi
dheer ka dhacday, horseedna ka dhigtey foolxumadan, kuwa kale oo horay dhacay
iyo kuwa cusub oo soo socda inta lagu jiro dullimadan.
Ka sokow haween kufsiga ay ku kaceen
ciidamada AMISOM waxaa hareer socota cawaaqib xumada caafimaad ee ka dhalanaysa
kufsiga haweenka ha ahaado mid xoog iyo mid xeelad kale loo adeegsaday, waayo
ciidamada ka socda Afrikaanka dalalkooda waxaa si ba’an u saameeyey cudurka
dilaaga ah ee AIDS-ka shaki iyo doodna kama jiro in ciidamadaasi ay ka buuxaan
kuwa cudurka la nool ayna tahay macquul inay ku talaalaan hablaha ay xoogeen
ama kuwa shilimaadka hunguri xeryahooda ugu dhacay.
Deeq bixiyeyaashu qayb ayay dambigan
ka yihiin
Dalalka deeqaha bixiya ee magaca
Soomaaliyeed ku bixiya dhaqaalaha ay isticmaalaan ciidamada AMISOM waxay qayb
ka noqon doonaan cawaaqibka iyo xisaabtanka ka imaan doona kufsiga hablaha
Soomaaliyeed, maadama dhaqaalihii laga ururiyey dadkooda canshuurta bixiya ee dawladahoodu
siiyeen ciidamada AMISOM lagu dhibaateeyey laguna kufsaday haween ay ka mid
yihiin gabdho saqiiro ah taasi oo ah dambi caalami ah una baahan xisaabtan iyo
dad u dhaqdhaqaaqa ilaa cadaalada la horkeeno manaxayaasha ku kacay falalkan
bini’aadamtinimada ka dhanka ah.
Ciidamada Gafanaha ah ee hilbaha hablaha Soomaaliyeed fiiqanaya waxaa looga fadhiyaa dawladaha ay ka socdaan in wadamada deeqaha bixiyaa ku cadaadiyaan in la mariyo jidka cadaalada ayna mutaan wixii ay kasbadee.
Wadamada midowga Yurub, Mareykanka,
kuwa kale ee reer Yurub, kuwa Islaamka iyo guud ahaan dalalka deeqaha ku bixiya
hawlgalka AMISOM waxaa looga fadhiyaa inay ku cadaadiyaan dawladaha ciidankoodu
ku sugan yihiin Soomaaliya inay banaanka soo dhigaan saraakiisha iyo ciidamada
ku kacay falalkan cawaanimada ah ee lidiga ku ah xuquuqda aadmiga.
Dawlada Soomaaliya
Daah ma saarna in xiligan Soomaalidu
meel kasta oo ay joogto nimaad dawladeed oo wax diidi kara waxna dhaliili kara
aanu u jirin, isla markaana siyaasi kasta uu fiirsanayo dantiisa gaarka ah iyo
hamigiisa xukun, balse dawlada haatan u magacaaban dalka waxaa looga fadhiyaa
inay arrinkan si adag uga istaagto go’aan cad ayna bareeraheeda muujisaa ayna
dalbataa sidii cadaalada loo horkeeni lahaa dambiilayaasha ku kacay falalkan
foosha xun, ayna taariikhda isku qoraan ragga hogaamiya qaybaha dawlada.
Shacabka Soomaaliyeed
Shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo
uu joogo waxaa laga doonayaa inay arintan u istaagaan ayna qaadaan talaabo
kasta oo ay ku muujinayaan caradooda ayna u xirtaan marada sidii cadaalada loo
horkeeni lahaa cawaanta gabdhaha Soomaaliyeed sharaf dilka kula kacay.
Dadka qurbaha ku sugan, ururada
xuquuqda aadmiga u dooda, kuwa haweenka, kuwa bulshada, fanaaniinta iyo
saxaafadda waxaa looga baahan yahay inay qaadaan olole lagu muujinayo baahida
in cadaalada la horkeeno gaboodfalkan ka dhanka ah hablaha Soomaaliyeed, isla
markaana looga hortagi lahaa kuwa soo socda ee ay ku kacayaan ciidamada seetada
iyo dabarka aan laheyn ee ku caweynaya cawro-feydka haweenka Soomaaliyeed.
Erey naaxinta:
Gaboodfal =Tacadi
Dabar ama seeto= xarig ama xakameyn
cawro-feyd= dhar ka qaadid xoog ah
Gafane= dhiqle noole xoolaha sida geela jirka ka cuna
Gaboodfal =Tacadi
Dabar ama seeto= xarig ama xakameyn
cawro-feyd= dhar ka qaadid xoog ah
Gafane= dhiqle noole xoolaha sida geela jirka ka cuna
Mowliid Xaaji Cabdi:
Comments
Post a Comment