Soomaalidu cashar fiican ayay ka qaadan karaan go'aankan (FAALO QIIRO XAMBAARSAN)
Qalinka: Mowliid Xaaji Cabdi
Todobaadkan
waxaa dunidu si weyn uggu dhegtaagay dhawaaqa ka soo yeera dadka gobolka
Scotland ee dalka Boqortooyada UK, kuwaasi oo u codeynayey in Scotland ku sii
ahaato baaqi ka mid ahaanshaha midowga UK iyo inay noqoto dal madaxbanaan oo ka
go’a dalkaasi intiisa kale, xiisaha arintan laheyd waxa weeye go’aanku ma aheyn
mid dadka reer Scotland dibadda looga keenay wuxuu ahaa mid iyagu go’aanka aayo
ka talintooda gacantooda ku jiray oo haddii ay ku gaaraan inay midnimada UK ku
sii jiraan go’aan lagu xushmeeyo, haddii ay diidan oo ay dalbadaan dal
madaxbanaan lagu ixtiraamo go’aankaasi ayna qaadato xukuumada Westminster ee ku
dhisan boqortooyada midowday ee jirey in ka badan 300 oo sano.
Maalimadii
shalay dadka reer Scotland
waxay u dareereen goobaha codbixinta waxaa markii ugu horeysay taariikhada UK la
sharciyeeyey in ay codeyn karaan dhalinyarada gaar ahaan kuwa da’doodu tahay
16-ka sano kuwaasi oo madaxa loo saaray inay go’aan ka gaaraan aayaha dalkooda.
Laba olole
oo caan baxay oo diidmo iyo ogolaanshaha aayaha Scotland ku saleysan ayaa
xoogeystey todobaadyadii la soo dhaafay waxaana labada olole hormuud u ahaa dad
u dhashay Scotland oo ku kala aragti duwan ubucda codbixinta qolada lagu
magacaabo Better together ama wadajir bay ku wanaagsan tahay, waxay ku
doodayaan inay tahay lama taabtaan midnimada boqortooyada UK ee sadexda qarni
jirta, isla markaana ay ku wacan tahay wadajirku danta dadka ku dhaqan
boqortooyada UK ee ku kala cirqi ama isir biyo shubanaya English, Scottish,
Irish-ka qaybta waqooyiga iyo Welesh-ka.
Qolada
gooni u goosi doonka ee doonayey inay Scotland noqoto wadan madaxbanaan oo aan
London laga maamulin ee la magac baxay Yes Scotland (Scotland Haa), waxay ku
doodayaan inay xaq u leeyihiin inay aayahooda ka tashadaan oo ay noqdaan wadan
madaxbanaan, ayna ku qadeen wax badanna ku waayeen ka mid ahaanshaha
boqortooyada UK, waxay kaloo ku doodayaan inay u wanaagsan tahay danta dadka
iyo dalka Scotland inay noqdaan wadan gooni u taagan oo ka tashada aayahiisa.
Loolalnku
si ilbaxnimo iyo xadaarad ku dheehan tahay ayaa loo dooday, waxaa la doonayey
in laga gado dadka Scotland
ee codka ugu dambeeya iska leh in qolo waliba ku qanciso waxa ay ku doonayso in
uu meel maro hamigeeda ayna ku helaan guusha natiijada aftida cod bixinta.
Inkastoo
codbixinta Scotland ee laga cabsi qabay araxda inay ka jabiso midnimada mid ka
mid ah wadamada ugu awooda, siyaasada iyo saameynta balaaran Yurub iyo aduunka
intiisa kale, haddana natiijada
soo baxdey ee saaka lagu dhawaaqay waxay neef weyn ka fujisay wadamo badan
Yurub ha u badnaadeen’e oo wixii ka soo baxa Scotland gaar ahaan qolaha gooni u
goosi doonka haddii uu meel maro qorshehooda ay ku soo xigi lahaayeen dalal
door ah oo iyaguna uu ku furmo wabi gobollo iyo dad u istaaga aayo ka
talintooda.
Cadaadis
& balanqaadka sad dheeri ah
Dadka reer
Scotland walow lagu qanciyey in la siin doono awoodo dheereaad ah oo dantooda
ay ku meel mariyaan, si kalena loogu goodiyey inay la kulmi doonaan cawaaqib xun
oo ka dhasha natiijada goosashada hadii ay u codeeyaan, haddana waxaa cadaadis
badan ka soo fuulay Boqortooyada, xukuumada UK, xisbiyada siyaasada, shirkadaha
ganacsiga iyo shakhsiyaad caan ah oo u dhashay Scotland iyo midowga Yurub.
Walwalka
cahdigii duuga ahaa
Midowga
Yurub wuxuu wadnaha farta uga hayey inay Qaarad Yurub dib ugu laabato Waqtigii
madoobaa ee hore (old dark age) kaasi oo ahaa xiligii Yurub ay kala qaybsaneyd,
cadaawada xunna u dhaxeysay, isla markaana nacaybka uu ahaa mid figta sare joogay.
Walacaa
uggu weyn wuxuu ka imaanayey wadamada Spain, Faransisika, Germany, Holand iyo
Austria, kuwaasi oo laga dareemay sanadihii la soo dhaafay dhaqdhaqaaqyo u
qowmadiyadeed, tusaale ahaan gobolka Catalonia
ee caasimadiisu tahay Barcelona oo ay ku nool yihiin 7.5 milyan oo qof oo ka
badan dadka ku nool qaar ka mid ah wadamada xubanaha ka ah midowga Yurub in
mudo ahba waxay ugu jireen halgan dheer sidii ay uga go’i lahaayeen dalka Spain
intiisa kale, waxayna isha ku hayeen natiijada ka soo baxda codbixinta
Sctotland.
Faransiiska
wuxuu sidoo kale qaybay walaac uu kala mideysan yahay dhaqdhaqaaqa gobanimo
doonka ah ee gobolka Basque ee ka mid ah Faransiiska iyo Spain inay dhiirigaliso hadii Scotland u
codeyso madaxbanaani buuxda.
Sidoo kale
gobolka Flanders ee waqooyiga Beljim ee ku
hadla afka Jarmalka waxay u guuxayaan in mudo ah inay ka go’aan Beljim intiisa
kale, waxayna ku naaloonayeen mudooyinkii ugu dambeeyey iyagoo helay awoodo ay
ku maamulaan dhulkooda sida sameysashada sharciyada gobolka iyo Baarlamaan
hoose.
Gobolada
ku yaal Koonfurta Talyaaniga ee loo yaqaan Mezzogiorno eedhaca Koonfurta
Talyaaniga ee lagu tiriyo inay ka khayraad yar yihiin gobolada kale ee
waqooyiga Talyaaniga ayaa loo arkayey inay ku yihiin dulsaar Talyaaniga intiisa
kale waxaana jiray inay u arkayeen in dhaqaalaha wadanka si siman aan loogu
faa’ideyn guud ahaan wadanka oo reer Waqooyigu isku koobeen ka faa’ideysiga
dhaqaalaha dalka.
Dalka
Jarmalka qudhiisa gobolka qaniga ah ee Bavaria
ee magaalada Munich ka tirsan yahay iyo gobolka
kale ee Hesse labadan gobo oo ka mid ahaa Jarmalkii Galbeed waxay u arkaan in
dhaqaalahooda lagu biilo qaybta Bari
ee Jarmalka ee faqurada ah, taasi oo halis weyn ku haysta midnimada Jarmalka.
Xisbiyada
mayalka adag oo Yurub ka noqday tusbax afka laga furay
Arimahan
oo cabsi weyn ku hayey Yurub iyo soo shaac bixida xisbiyada mayalka adag ee
wadaniyadu ku fogtahay ee dhawaan taageerada xoogan ka helay doorashooyinkii ka
dhacay dalalka Holand iyo Austria waxay walbahaar ku haysay in Yurub midnimada
ay ku sameystey hal lacag, hal Baarlaman, hal madaxweyne, hal xuduud in ay
dhaawac ku keento Scotland oo madaxbanaani qaadata, waana midda keentey in
cadaadiskii la saarey dadka reer Scotland ay u codeeyaan inay ka sii mid
ahaadaan boqortooyada UK.
Wadajir
bay ku biyo cabtaa
Qodobada
loo cuskaday in lagu ilaaliyo midnimada boqortooyada UK ee boqolaal sano
jirsatey waxaa ka mid ahaa in dadka UK ku wacan yihiin inay wadajirkooda
adkeystaan, iyagoo u soo qaatey tusaale inay cadowga iska difaaci karaan
wadajir, inay ugu guuleysteen dagaaladii 1-aad iyo 2-aad iyadoo dadka
British-ku garbaha isku hayaan, iyadoo dhaqaale iyo cudud ciidan ay ku heli
karaan haddii ay midnimadooda adkeeyaan.
Soomaalidu
maxay ka baran karaan casharkan
Haddii
ummadda Sctoland inteeda codeysay oo dhan 4 milyan oo ruux ay kala bar u
codeeyeen inay ku sii ahaadaan baaqi midnimada UK iyagoo eegaya danaha
mustaqbalka dambe iyo quruxda wadajirka maxaan haddaba ka Somaali ahaan ka
qaadan karnaa oo cashar ah ?.
7 milyan
oo Soomaali ma fahmi kartaa waxa ay fahmeen 70 milyan oo reer UK ah ?
Shaki iyo
dood kuma jirto qiimaha iyo wanaaga ay leedahay midnimadu iyo iskaashiga
bulsho, ummada UK oo tiro ahaan ka badan 70 milyan dhinac walba oo ka mid ah
horumar dad ku tilaabsado gaaray haddii ay ku go’aan ku gaareen inay cududooda
lakala dhantaalin oo ay ku wanaagsan tahay wax-wadaqabsiga saw carash wanaagsan inoomaha
aha in Soomaalida oo ka yar 10 milyan ee horey guumaystayaashii reer Yurub u
kala qaybiyeen xiliganna ku sugan marxad aad u qalafsan oo ay dhici karto in
dalku u kala gogo’o gobollo iyo tuulooyin ayna meesha ka baxday himiladii
hogaamiyeyaashii xoriyadda Soomaaliyeed dhiigooda u huray ee aheyd in la helo
ummad & dal Soomaaliyeed oo mid ah.
Dagaalo
socday kuwaad 100 sano & barbardhiga in ka yar 30 sano
Saw cashar
iyo cibro qaadasho inooma ahan in dadka reer UK ee ay dhexmareen dagaalo aad u
qaraar oo mudo sanooyin ah socday sida dagaalkii English-ka iyo Scottish-ka ee
naf iyo maal badan galaaftey kana badan inta uu socday dagaalka sokeeye ee
Soomaaliya, kana balaaran khasaaraha nafeed eeuu galaaftey inta dhinac iska
dhigeen colaadii iyo nacaybkii 300 sano ka hor dhisteen cudud dawladeed, markii
maanta la damcay in la dhantaalo midnimadas iyadoo cid kale la waydiin dadka
reer Scotland u istaageen inay wax la qaybsadaan walaalooda kale ee UK wax
kastana ay kala qiimo iyo qaayo waynaatey wadajirka iyo midnimda?.
Hogaamiyeyaal
himilo dheer leh ayaa ah xalka Soomaaliya
Maxaynu u
la’nahay hogaamiyeyaal himilo fog leh oo ku hogaamiya ummadda Soomaaliyeed dariiq
isa-saamixid, Samir, tanaasul, caqli saliim ah, dib u heshiisiin, nabad iyo
midnimado, kuwaasi oo meesha ka saara cudurka qabyaalada, cuqdada, xasdiga,
shisheeye dugaalsiga, Soomaali nacaybka, midinimo ka cararka, qolo-qolo
jacaylka kuna qanciya maskax gaabanaha ka door bidaya helitaanka Soomaali weyn
iyo in la isku calool fiyoobaado cadow wehelsiga iyo u madax ruxida danleyda
Soomaali inay ku sii jirto dariiqan qodxaha iyo dhagxaanta badan ee halaqa iyo
abeesooyinku malabsanayaan.
Ugu
dambeyntii Soomaaliya waxay u baahan tahay xal deg deg ah inta dalku aanu ku
dhicin godka dheer ee haatan qaarka dambe uu la galay, kaasi oo qaarka sare
kaliya uu hadda u baahan yahay in la qabto oo la badbaadiyo, waxaana xalka ugu
dhaw uu yahay cafis, cadaalad, tanaasul, Soomaalinimo, DIINTA ALLE oo loo
nodqo, dib u heshiisiin iyo nidaam dawladeed oo sal-balaaran loo wada guntado,
lana fahmo in Soomaalidu cadowtinimada ay isku qabto ay ka weyn tahay tan ay u
qabaan gafanaha iyo hororka u hamuunta qaba inaanay Soomaali waligeed heshiin
dibna loo helin nidaam dawladeed iyo Soomaali Axyaa wadani ku hadal qabsata.
Waad
Mahadsantihiin:
Comments
Post a Comment