Nabadda Mudug mudnaan bay leedahay !!
Maalmihii la soo dhaafay xiisad colaadeed, hanjabaad, cirka oo Isbaaro la dhigto, mid kale oo lagu hanjabo, hub urursi, ciidan diyaarin, habar wacasho, hadalo xanaf leh oo aan nabadda u hiilineyn, guluf colaadeed oo loo xusul duubanayo oo aan aheyn danta maatada, ilowsho foolxumadii colaadda, daan-daansi qabyaaldeed, daneysi qabiil iyo qabqable, u fiiro la’aanta inta wiil ku le’day colaad aan dan iyo horumar lagu gaarin, sacabo tummid dad badan oo qaybaaladu indho tirtay, olole qiimaha nabada laga sare mariyey dhiig daata,iyo bawdo qaawis laga qoomameeyo aakhirkii ayaa ka soo yeeraya gobolka Mudug, tiiyoo siyaasiyiinta maamulada Puntland iyo Galmudug garabka Cabdi Qaybdiid u xiiso qabaan inay dhiiga labada shacab si macno la’aan ah ku daato.
Gaalkacyo waxay ku naaloonaysay wada-deganaasho nabadeed oo dhinacyadaasi ku heleen heshiiskii nabadeed ee Gaalkacyo colaadeedii lagu soo afjaray ee ay garhayeenka ka ahaayeen Jen. Caydiid iyo Col.C/laahi Yuusuf kuwaasi oo baahida nabadeed ee bulshadii ay kala matalayeen dareemay uggana qiimo badnaatey in dhiigu sii shabkaxleeyo, walow siyaasad isu soo dhawaansho oo ku saleysnayd damac isbahaysi siyaasadeed ee labadaasi marxuum lahaayeen uu ka dambeeyey inay nabadda qaataan.
Laakiin damac siyaasadeed ama bisayl siyaasadeed kuu doonnaba ha ahaadee labadaas siyaasi waxay keeneen caqli ay ku kala badbaadiyaan dadkooda ayna u horseedaan in si nabad ah Gaalkacyo heshiis colaadeeda lagu dhameeyo la iskuna raaco qodobo dhawr ah oo la isku afgartay walow aad moodo in qodobadaasi qaarkood ay si rasmi ah u fuleen halka kuwa kale fulintooda mar dambe aanay dhaqan galin sida ciidamada in magaalada aanay soo galin oo sadexdii dhinac heshiiskaasi ku lugta lahaa ciidamadooda ay joogaan sadex barood oo kala duwan sida ay qalinka ku duugeen Gen. Caydiid, Col. C/laahi Yuusuf iyo Cali Ismaaciil Giir.
Inkastoo ay dhaceen falal kala duwan oo amni xumo oo dhinacyadaasi si kala gooni ah u dhexmarey iyo kuwa iyaga dhexdooda ka dhex dhacay garabyadaasi haddana Gaalkacyo waxay u muuqatey in heshiiskaasi ay ku gaartey nabadda iyo horumarka maanta ka muuqda, waxaase had iyo gooraale wadnaha farta lagu hayey in colaadu si fudud ku bilaabato maadama ay xooggan tahay kala aragti duwanaanshaha siyaasadeed ee u dhaxeeya labada dhinac ee ay Gaalkacyo u qaybsan tahay.
Heshiiska lagu soo afjaray colaada Gaalkacyo ee dhacay 1993-kii waa mudo laga joogo 21 sano wuxuu ahaa mid keenay in magaalada si nabad ah loogu wada nolaada oo qolo kasta siyaasadeeda iyo horumarkeeda ku saleyso qaybta ay ka maamusho magaalada iyadoo dhinaca kale in uu xushmeeyo ay aheyd qodobadii heshiiskii Gaalkacyo.
Isbadalo kala duwan oo dhanka maamuladda iyo siyaasada ku saleysnaa ee ku dhacay maamuladii kala duwanaa qaybaha Gaalkacyo hoostagayeen waxay Gaalkacyo mar kasta ku fadhiday nabad aan cago adag ku taagneyd, balse baahida loo qabo nabad ay ahayd waxa keenay in Gaalkacyo si deg deg ah u xaliso wixii wax u dhimaya heshiiskaasi.
Todobaadkan hadalo iyo hanjabaad salka ku haya in colaadu mar kale dib u qaraxdo ayaa ka soo yeeray Gaalkacyo ka dib markii maamulka Puntland uu ku dhawaaqay in wax duulimaad ah aanu ku soo degi karin garoon laga hirgaliyey qaybta Gaalkacyo ee hoostaga maamulka Galmudug, iyadoo isbaaro cirka loo dhigay diyaarad lagu waday inay soo qaado Cabdi Qaybdiid oo ka mid ah labada nine ee sheegta madaxweynaha Galmudug, arintaasi waxay keentey in Cabdi Qaybdiid oo jeediyo hanjabaad in uu isna xirayo garoonka Gaalkacyo ee ku yaal dhanka Puntland , taasi oo dhalisay in Puntland diyaariso ciidan iyo gaadiid dagaal oo ay kaga hortagto hadalada Col. Cabdi Qaybdiid.
Sidoo kale ciidamo ka kala yimid degmooyinka iyo tuulooyinka hoos taga maamulka Galmudug ayaa iyaguna lagu soo daad gureeyey magaalada Gaalkacyo qaybta Koonfureed si ay uga hortagaan guluf weerar oo dhanka Puntland uga yimaada.
Talaabooyinkan isbiirsaday waxay keeneen in xiisada colaadeed ay cirka isku shareerto qarkana loo saaran yahay in si fudud oo aan laga fiirsan ay ku bilaabto colaadu, balse su’aalaha la iswaydiinayo ayaa ah natiijada ka dhalan karta colaadan loo durbaan tumayo iyo masuuliyada bilowga colaadan laga yaabo inay galaafato nabadii Gaalkacyo ee 1993-kii la udub dhigay.
Marka laga hadlayo shaqeynta caqli saliim ah waxaa la gudboon waxgaradka, culima’udiinka, ururada bulshada iyo cid kasta oo nabadda u hiilinaysa inay meesha ka saaraan heerkan colaadeed ee maraya figtii ugu sareysay ayna bulshadooda ka badbaadiyaan cawaaqib xumada ka dhalan karta colaadan.
Colaadan oo laga yaabo inay dano siyaasadeed ka leeyihin dhinacyada siyaasadeed ee ku lugta leh waxaa dad badan shaki ka qabaan inay salka ku hayso laba qodob oo kala ah.
Puntland oo doonaysa in ay carqaladayso shir lagu wado in dhawaan uu ka furmo magaalada Cadaado ee gobolka Galguduud kaasi oo la doonayo in lagu dhameystiro qorshihii maamul u sameynta Gobolada Dhexe kaasi oo qabanqaabadiisu haatan ka socoto deegaankaas.
Qodobka labaad ayaa ah in Cabdi Qaybdiid oo ka mid ah labada nin ee isku haysta madaxweynenimada Galmudug in uu ku helo taageero siyaasadeed iyo mid ciidan isagoo ku beerlaxawsanaya dadka reer Galmudug in Puntland ay diidan tahay garoonka diyaaradeed ee laga dhisay duleedka Magaalada Gaalkacyo qaybta Galmudug, arinkaasi oo laga yaabo in uu ku helo damaciisa siyaasadeed.
Loogama baran colaada Soomaaliya ee beelaha ku saleysan in qolo ay ku gaarto guusha ay doonayso mar kastana waxaa u been sheega danta iyo xaalada dagaal iyadoo uu ku soo dhamaado dagaalku dhimasho, dhaawac iyo barakaca dadka shacabka ah tiiyoo ay u sii dheer tahay in wiilasha dagaalada lagu shubo sida xaabadii in uggu dambeyn dhaawacooda iyagoo qaarkood dareen beeleen ay daawo iyo dabiib dantu ugu biyo shubato qoysaskooda halka siyaasiyiintii iyo dadkii durbaanka tumayey aanay dan iyo heelo ka galin ayna dhici karto in qaarkood ilmahoodu dibaha u joogaan ayna waxbarasho iyo nolal wanaagsan haystaan.
Si kastaba arintu ha ahaatee marka laga soo tago danaha shakhi ama maamul iyo awr ku kacsiga durbaanka colaadeed ee labada dhinac tumayaan waxaan shaki iyo dood ku jirin in Mudug gaar ahaan magaalada Gaalkacyo ka soo kabatey colaad ba’an oo naf iyo maal badani ku dhamaaday, iyadoon aanu jirin wax guul ah oo la taaban karo oo dhinac ku faani karo in uu ka gaaray dagaaladii ugu xumaa ee deegaankaasi ka dhacay 20 sano ka hor.
Ugu dambeyntii reer Mudug dagaal waxa uu galo iyo waxa uu gudo way ogyihiin 100-kii sano ee ugu dambeysya taariikhda aan gobolkaasi ka hayo waa dagaal iyo xifaaltan siyaasadeed, dantuna waxay ku jirtaa nabadda oo laga wada shaqeeyo lagana gudbo qab weynida ku dhamaan karta “Dhabaq dhabaq hore dhabanno hays dambey leedahay”.
Comments
Post a Comment