Qaybtii 10-aad Dhaawicii Qalbiga !! ( Sheeko ku saabsan qiimaha samirka & xanuunka qiyaanada)

                                  Waxaa Qoray: Mowliid Xaaji Cabdi


Qaybtii 10-aad ee ugu dambaysay:


Gudoomiyaha Gudiga Isbitaalka ayaa ka codsaday inay fariisato Caaliyo iyadoo xooggaa yaab ahi ka muudo hase yeeshee iska dhigaysa qof dhoolo cadeynaya ayaa salaan iyo mahadcelin ka dib kursigii loogu baaqay fariisatey waxaa hadalkii qaatey Gudoomiyaha gudiga Isbitaalka oo ah qof ka mid ah saamilayda wuxuu leeyahay “Caaliyo maalin wanaagsan aad bay farxad inooggu tahay inaad maanta halkan kula kulanto intan oo qof oo ah tiirarka Isbitaalka adigunna aad ka mid tahay, waxaan halkan kuugu yeernay inaad kuggu wargalinno inka dib markii aan qiimaynnay shaqo wanaagaagga , asluubtaada, dad la dhaqankaaga, mudada aad shaqadan ka soo shaqeynaysay, aqoontaada iyo qibrada durugsan ee aad u leedahay hawshan in laguu magacaabo Maamulaha Guud ee Isbitaalka”, isagoon hadalkii dhamayn Gudoomiyihii ayaa sacab hal mar waxaa ku dhuftay dhamaan dadkii goobta fadhiyey, waxay iyadoo dhoolo cadeynaysa si farxad ku jirto u tiri “Aad baad u mahadsan tahay gudoomiye, adikunna sidoo kale waad mahadsantihiin”. 

"Adigaa mudan" ayaa qof walba isagoo qosol yar ku larayya u sii raaciyey.

Gudoomiyihii wuxuu Caaliyo u sheegay in ka hor inta aanay qaban masuuliyada Isbitaalka ay shirkadda Isbitaalka leh bixin doonto waxbarasho dhanka maamulka la xiriirta oo ah koorso heer caalami ah oo la qaadanayo mudo 6 bilood ah, qarashka ku baxayanna ay bixin doonto shirkaddu mudadaas inta ka horaysay waxay la shaqeyn doontaa waxbarashada xiliyada aanay ku jirin maamulaha xafiiska banneynaya sidoo kale laga bilaabo bishan waxay qaadan doontaa mushaarka loogu tala galay maamulka Isbitaalka taasi oo ah in ka badan 45% intii ay qaadan jirtay, waxaa kale oo loogu bishaareeyey inay shaqadeedu tahay shaqo joogto ah (permenant Job), marka ay u baahato ay ka tagi karto haddii ay doontana ku biiri karto gudigga maamulka.

Shirkii ayaa sidaa ku soo dhamaaday Caaliyo farxad ayay qollkii kala soo baxday ka dib mahadcelin ILAAH sida uu ugu sahlay fursadan, qofkii ugu horeeyey ee ay wacday wuxuu ahaa Ducaale iyadoo la wadaagtay farxadda iyo guusha ILAAHAY u siiyay, isagunna wuxuu ugu hambalyeesi qalbi furnaaan, si lamid ah ayay waalidkeed ugu sheegtay, iyaguna si diiran ayay talaabadaas u soo dhaweeyeen uguna duceeyey iyagoo uggu sii daray in tani tahay “badalka ALLE uu ugu badalay samirkeeda iyo dulqaadkeeda”.

Zakiya waqtigii qaliinka ayaa la gaaray waxaa saacad ka dib dhakhaatiirkii ku guuleysteen in ay si nabad ILAAH ku kala keeno iyada ilmihii ay siday oo noqday gabar, labadooduna caafimaadkoodu uu taam yahay, maalintii labaad waxaa laga soo bixiyey Isbitaalka.

Caaliyo sidii ay balanta ku qaaday waxay u tagtay shirkad guryaha iibisa waxay u gaysay lacagtii horumarinta aheyd ee laga rabay iyo dukumiintyadii looga baahnaa,waxay shirkadda ka soo qaadatey naqshadda iyo ciwaanka guryaha hadda u diyaarsan, guriga markii ay timid waxay Ducaale u dhiibtey dhamaan xogtii iyadoo ka codsatey in uu Zakiya wado uunna geeyo guryaha kii ay doontanna ka qaato dookheeda. Way awooday Caaliyo inay guri uun iska soo qaado furihiisa balse waxay ilaalinaysay shakhsiga dookhiisa sidaasi ayay ugu wargalisay Ducaale in Zakiya dookheeda ciyaarto.


Ducaale mahadcelin uu u jeediyey Caaliyo wuxuu aaday gurigii Zakiya markii uu u tagey wuxuu ku arkay guriga Cayni iyo hablo kale oo la joogo, markii uu qolka soo galay dhamaantood way baxeen , wadasheekaysi ka dib wuxuu ku wargaliyey in loo baahan yahay marka ugu horeysa ee ay dareemi karto socod inay soo eegato guri ay ku noolaadaan,balse Zakiya arin kale ayaa u taal oo ah innaanay u muuqan qof guusha reerka ku soo korortey ee guri ay leeyihiin ku aadayaan waxaa uga daran arinta Caaliyo, waxay ka codsatey in uu u sharaxo mowqifkiisa iyo wixii go’aan ah ee uu ka gaaray arintaasi.

Ducaale si degan oo qancsi huwan ayuu ugu sharaxay Zakiya in go’aanka Caaliyo ay iyadu gaartey aynna samir iyo dulqaad sameysay uuna ku faraxsan yahay maadama ilmihiisa ay muhiim u tahay hooyadood, wuxuu kaloo u sheegay inaanay waxba iska badali doonin guurkooda (Zakiya & Ducaale), laakii arintaasi Zakiya way ka biyo diidan tahay waxayna taagan tahay “Waan ka soo tashanayaa”, waa hagaag iyo hagaag ayaa lagu kala tagay.


Mudadii maxkamaddu u qabatey Ducaale in uu ku soo xareeyo lacagtii shirkadu ku lahayd waxaa ka dhiman sadex maalmood, Caaliyo waxay la hadashay Aabaheed Xaaji Warsame waxay u sharaxday dhibaatada arinta maxkamadda waxay sheegtey inay heli karto 30 kun oo doolar, balse looga baahan yahay 20 kun oo kale aysanna hayn qarashka intaasi la’eg haddii aanay iibinayn dahabkeeda iyo hantida kale ee ma guurtada ah ee ay leedahay.

Xaaji Warsame wuxuu u balanqaaday Caaliyo in uu siin doono 20 kun oo doolar oo uu ugga soo qaadi doono shirkad uu ku jiro balse iyada iyo Ducaale looga baahan yahay in lacagtaasi ku soo celiyaan mudo laba sano ah; “aad baan u mahadsantahay Aabe ayay uggu jawaab celisay, waxay noola mid tahay inaad na siisay kharka ALLAHA ku siiyo Aabe ayay ku macsalaameysay”.

Zakiya waxay ku wargalisay Ducaale inay diyaar tahay oo ay tagi doonto guryaha shirkaddu ugu tala gashay inay guri ka xulato ee ay Caaliyo masuuliyadiisa dusha u ridatay, markii la diyaar garoobay ayay is raaceen waxaa lagu socdaa waa gaarigii Caaliyo, Zakiya way dareensan tahay waana ay dhibsanaysaa laakiin qaliinkii iyo fooshii xanuunkii ka soo gaaray awgiis way ku qasban tahay in ay gaari gaar ah raacdo oo aanay ka bixi karin gawaarida dadweynaha, markii la tagay guryihii kii ay doonaysay ee dookheeda ahaa ayay dalbatey furihiinna isla markii ayaa lagu wareejiyey.

Ducaale ilaa iyo hadda uma sheegin in guriga ay shirkadda ka iibisay Caaliyo wuxuu doonayaa in jawi degan uu arinka ugu sheego Zakiya, wallow Zakiya iyana wadato go’aan kale oo arintu waa “Laba kala bariday kala war la’a”.markii arintii la soo dhameeyey ee lagu balamay xiligii la guuri lahaa Ducaale wuxuu soo aaday xaafada Caaliyo isagoo beri isku diyaarinaya in uu maxkamadda lacagteedeediiu shubo arintaasi oo ay Caaliyo ugu soo sheegtey telefoon in dhamaan qarashkii ay diyaarsay intii ka dhinnaydna Aabaheed ay ka soo qaaday. Ducaale sidii ayuu ugu gudbiyey lacagtii shirkadda waxaana ka degay culeys aad u weyn oo halis ku ahaa mustaqbalkiisa dambe ee shaqo.

Caaliyo inkastoo arintaasi ku guulestey oo ay dib u soo celisay rajadii Ducaale iyo qoyska Zakiya, haddana geesta kale waxaa ka socda kulan ay leeyihiin Zaliya, Cayni iyo Qamar oo ah saaxiibadeed waxaa aad loogu riixaya Zakiya inay diido in heshiiska Caaliyo iyo Ducaale uu dhaqan galo, iyagoo u sheegay inay dalbato furiin ama Caaliyo la furo, arintaasi kama waaban ee sidii lagu soo siiyey talo bixinta ayay ula timid Ducaale, hase yeeshee Ducaale gaashaanka ayuu u daruuray dalabka Zakiya ee ku aadanaa in la furo ama Caaliyo meesha ka baxdo.

Ducaale wuxuu u sharaxayaa Zakiya dadaalka ay sameysay gaar ahaan kan la xiriira badbaada nafteeda xiliggii ay ku jirtey Isbitaalka, guriga ay iibisay iyo daynta ay ka bixisay ee uu u mudan lahaa xabsiga, iyagoo hadalkii wata ayaa waxaa Ducaale soo wacday Caaliyo oo ka codsanaysa in ay soo aragto gabadha lala qabo ee umusha ah, waa wax aad u kala duwan kulanka u socda Zakiya iyo Ducaale iyo qorshaha Caaliyo ee samaanta iyo bini’aadamtimada xambaarsan wuxuu ka codsaday in uu ku soo celiyo wax yar ka dib isagoo ula jeeda si aanay u dhicin wax dhib ah in uu Zakiya u sharaxo socdaalka ay doonayso inay ugu timaado Caaliyo.


Zakiya waxay galaysaa fakar iyada u gaar ah waxaa galay damiir qofnimmo iyadoo nafteeda ku canaanatey in qofka ay liddiga ku tahay ee ay hadda dhibkeeda ka shaqeynaysay ay intaasi oo wanaag ah u sameysay gaar haan bixinta qarashkii lagu badbaadiyey nafteeda iyo ilmaha ay dhashay, waxay Ducaale u sheegtey inay diyaar u tahay kulankeeda waliba ay jeclaan lahayd inay u tagto iyada, balse Caaliyo ayaa diiday oo sheegtey in ay iyado dalabka imaanshaha lahayd aynna galabta ugu imaanayso gurigeeda.

Galabnimadii Caaliyo oo ay lasocdaan ilmaheedii ayaa guriga Zakiya ee cusbaa waxaa lagu soo dhaweeyey jawi farxad iyo ismarxabayn huwan, balse arimahaasi uma cuntamayaan Cayni iyo Qamar oo waxay ku kala tageen Zakiya inay tahay qof aan damiir lahayn oo is dulaysay, laakiin waxay u sheegtey inay kala dooranayso iyaga iyo Caaliyo ayna dooranayso qofta nafteeda badbaadisay ee awooda u lahayd in ay Ducaale u taagto labada farood ee furiinka iyo ama inay iyadu (Zakiya) baxdo.


Gabadhii Zakiya dhashay waxaa loo bixiyey Caaliyo taasi oo ah sharaf lagu sharfayo Caaliyo.

Ilmihii ayaa la is baray Zakiya iyo Ducaale waxay u soo hoydeen oo ay jilbo qabsi iyo cafis dalbasho u galeen Caaliyo iyaduna si dadnimo iyo sharaf ku jirto ayay uga gudoontay waxaana lagu balamay in ilamaha si fiican loo wada koriyo, la isku noqdo dad iskaashada, is-xiriiriya isku xiran waana lagu ducaystay.


Lix bilood ka dib Caaliyo waxay madax ka noqotay Isbitaalkii oo si buuxda loogu wareejiyey maamulka shirkadda Isbitaalka leh ayay ka codsatey in mudo sanad ah loo hormariyo mushaarkeeda waxaana ay lacagtii u dhiibtay Ducaale oo uggu sameeyey shirkad ganacsi oo ay saamigga wada leeyihiin Caaliyo 50%, Ducaale 40% iyo Zakiya 10%, iyadoo ujeedada ay sidaasi u sameysay ay tahay in xaq ku yeeshaan shirkadda ilmaha Zakiya.

Shirkadu waa shirkad ganacsi waxaa maamule ka noqday Ducaale, waxay kaloo shaqaale ahaan loo qoray Zakiya, ka dib markii ay Caaliyo gaysay Iskool dadka waa weyn wax lagu baro kana bixisay dhamaan qarashka lagu baranayo koorsooyinka aasaasiga u ah shaqada shirkadda oo deg deg ah (Intensive courses for public administration).
DHAMAAD:


Ujeedada sheekaddu waa muhiimada ay leedahay in nolasha qofka aad la wadaagto, qofka xiriir ganacsi, bulsho ama balan kale idinka dhaxeyso inaadan kula kicin nooc kasta oo qiyaano ah. In ay wanaagsan tahay qofka aad kala tashato nolashiisa waxa taabanaysa ee aad ku kacayso.

Qiimaha samirka uu u leeyahay bini’aadamka aynna u fiican tahay in qofku aannu ku kicin wax cadowtinimo ama aargoosi ah.

Qofka oo haysta nolol nooc kasta oo raaxo ah in ay si fudud meel aannu filayn ka soo wajihi karaan aafooyin kala duwan oo salka ku hayya qiyaanada, beenta iyo xumaanta qof kuu daacad ah aad kula kaco waanna halkii laga yiri “Ku aaminaa lama qiyaano”.

Wanaaga ay leedahay in qofku waxa uu awoodo inuu ku caawiyo qof kale oo u baahan isagoo aan u sameynayn is-tus tus balse ay ka tahay sadaqo iyo ILAAH raali ahaanshihiisa.


Foolxumada ay leedahay dadka la isku daro, oo laga dhex shaqeeyo, iyo sida aanay u guulaysan karin isku dirka, xanta iyo xumaantada dadka nolashoodu is taabanayso( is-khuseyso) laga dhex sameeyo ha ahaato dad is-qaba, walaallo, waalid, saaxiib, shirko ama ehel.

Go’aanka qofku uu u qaato dhanka wanaagga isagoo ogg in la xumeeyey uunna ku badalo wanaag taasi oo ah arimaha ugu waa weyn ee dadka farxadda badan ee guuleystey caado iyo dhaqan wax u ah.

Aaaminsanaanta ALLE, diin ku dhaqan, dhaqan wanaag iyo xurmo oo ah qofka bini’aadamka waxa uu u nool yahay ee ah inuu u shaqeysto aakhiro uuna dareemo in dunidu tahay maalmo kooban.
Waad mahadsantihiin.
Si gaar ah waxaan ugu mahadcelinayaa walaalaha iyo ehelka sida weyn iigu dhirigaliyey qorista iyo dhamaystirka sheekada gaar ahaan xaaskeyga qaaliga ah Siraad Saafi oo igu garab taagnayd waqti badan oo shaqadeyda iyo tan qoyska anigoo ku jira aan sheekadan ku jiray qoraalkeeda.


Tilmaan: Sawirka warbixinta la socda wuxuu ka turjumayaa Qalbigii dhaawacmay ee haaraha iuo daqarada badani soo gaareen oo bogsaday ayna ka dhexmuuqdaan gacmo isa-salaamaya ahna heshiis oo ah waxa ugu qiimaha badan nolasha.

Comments

Post a Comment

Popular posts from this blog

Qaybtii 1-aad: Dhaawicii Qalbiga !! ( Sheeko ku saabsan qiimaha samirka & xanuunka qiyaanada)

About Mowliid Haji Abdi

Dalkan & dadkan ayaa la isku haystaa (Yaa u maqan oo aynnu sugaynnaa ?)