Dalkan & dadkan ayaa la isku haystaa (Yaa u maqan oo aynnu sugaynnaa ?)
Qalinka: Mowliid Xaaji Cabdi
Soomaaliya waxay leedahay xeeb dhirirkeedu dhan yahay 3333 KM waxaannaa ay leedahay baddaha Badweynta Hindiya & Badda Cas waa dhul Istaraatiiji ah oo kullaala marin biyoodka muhiimka ah ee Bab el Mandeb kaasi oo ay maraan gaadiidka ka gudbaya Suez Canal, badda intaasi la’eg cid ma jirto waardiyeyso, wixii la doono ayaa lagga sameeyaa ciddii doontaan sida ay rabbto ayay uggu gooshtaa.
Sanad kasta baddaha Soomaaliya waxaa si sharci daro ah looga kaluumaystaa kaluunka nooca qaaliga ah ee Tuna & Aargoosatada, Soomaaliya halkaasi waxay ku waydaa 300 milyan oo doolar oo sanad kasta ay ka heli laheyd kaluumaysigaasi.
Sida ku cad warbixin dhawaan ay baahiyeen quburo baaritaan ku sameysay kaluumaysiga sharci daradda ah, Maraakiibta xeebaha Soomaaliya loogu kaluumaysto waxaa ka mid ah kuwa dunida mamnuuc ka ah in lagu kaluumaysto waxay jiidaan shabaag qaarkood la’egyihiin afar garoon kubad ciyaareed cabirkooda ama 13 diyaaradaha Jumbo Jet cabirkooda, Waxay qaban karaan 500 tan oo kaluun ah.
Sida ku cad warbixintii ugu dambeysay ee United Nations Population Fund,Soomaaliya oo idil waxaa laga diiwan galiyey 429 umuliso taasi macnaheedu wuxuu yahay in 1000 haween ah ee foolanaya ay ku soo aadayso 1 umuliso.
Mid ka mid ah 12-kii haween uur leh ayaa u dhinta Soomaaliya xaaladdo la xiriira uurka
kiiskii ugu horeeyey ee caabuqa (Viruska) dhaliya cudurka dilaaga ah ee HIV waxaa laga helay Soomaaliya sanadkii 1987-dii, laakiin mudadaasi wixii ka dambeeyey waxaa kordhay dadka qaba cudurkaasi.
Sida warbixinadii ugu dambeeyey ee lagu sameeyey tirakoobka dadka qaba cudurka Adis-ka Soomaaliya waxay mareysay sanadkii 2009-kii, 34 kun oo qof, waxaa la saadaalinayaa in sanadkan (2013) ay tiradu gaarto 55 kun oo qof, sanadkii 2009-kii waxaa la diiwan galiyey 1600 oo xaalad dhimasho cudurka AIDS-KA.
Maamulka Isbitaalka Madiina dhawaan (2013) waxay sheegeen in 100 qof ay ka heleen dhawaan cudurka HIV/AIDS, mudo bilooyin ah gudahood.
65% Caruurta Soomaaliyeed ma helaan waxbarasho aasaasi ah
Sanadkii 2010 sida ku cad warbixintii United Nations Children's Fund ilamaha ka yar 5-ta sano oo ay ku jiraan kuwa dhinta xilliga dhalmada waxay gaartey Soomaaliya 180 dhimasho 1000 ilmo waxaana lagu tilmaamay Soomaaliya meesha ugu badan dunida.
37% ayaa Soomaalida wax qori kara waxna akhrin kara.
Hawada Soomaaliya waxaa maalin kasta ku goosha 90 diyaaradood oo ay ka mid yihiin diyaaradaha waa weyne e Air France, Emirates, El Al (Isra’il Airlines) iyo kuwa kale, waxaa halkii flight uu bixiyaa qarash lacageed oo gaaraya $ 275 USD, hadii dhaqaalaha hawada Soomaaliya ka soo xaroota oo ay haatan maamusho Qaramada Midoobay la isku geeyo sanadkii waa $ 400 milyan oo doolar, mushaarka ugu badan ee ay qaataan shaqaalaha Soomaaliya bishii waa 1000 doolar halkaasi ka garo inta lacagtaasi kaga soo aadaa dadkii lahaa, xafiiska iyo xarumaha laga hago hawada Soomaaliya waxay ku yaalaan Nairobi.
Fiiro gaar ah: sida qorshuhu yahay 31-ka bisha December 2013 ayaa la leeyahay Soomaalida waxaa lagu soo wareejin doonaa maamulka hawada dalkooda laakiin taasi ma ahan mid la hubo.
Soomaaliya oo leh xuduud dhuleed oo gaaraysa 2366 km ayna la leedayay Jibuuti 58 km, Itoobiya 1626 km, Kenya, 282 km ma jirto cid ilaalisa waxaana ay baylah u yihiin xuduudaha intaasi le’eg in wax kasta isaga gudbaan dambiile, hub, cudurro, daroogo, koontarabaan, dad tahriibin (Human Trafficking) iyo wax kasta oo ka soo horjeeda sharciyadda caalamiga ah.
Sida ku cad warbixinadii ay baahisay hay’adda UNEP (United Nations Environment Programme) laga soo bilaabo 1992-dii Soomaaliya waxaa lagu duugay ama lagu daadiyey biyo badeedkeeda sun, haraagaha Kiimikada Nuclear-ka, qashinka warshadaha, baaritaan socdey mudo 5 sano sanadkii 1997-kii waxaa lagu cadeeyey in shirkaddo reer Yurub ah, ganacsato Soomaali & Ajanabi isugu jirta iyo Siyaasiyiin Soomaali ah ay ku lug lahaayeen qorshe malaayiin doolar ku kacay oo sun iyo kiimiko lagu aasay Soomaaliya.
Wargeyska Familgia Cristiana ee ka soo baxa dalka Talyaaniga wuxuu daabacay 1998-kii in shirkaddo Talyaani & Swiss ah ay ku lug lahaayeen suntan lagu aasay Soomaaliya, iyadoo waxyeeladeedii ay hadda soo baxayso.
Jaamacadda American University of Washington ee dalka Mareykanka 1996-kii waxay sheegtey in halkii tan ee Kiimikada lagu aaso 3 kun doolar wadamada horey marey halka dalalka soo koroya loo xisaabiyo 5 doolar kuwaasina waxaa ka mid ah Soomaaliya.
Waxyeeladda ka dhalatey kiimikada, sunta lagu daadiyey Soomaaliya iyo hubka dagaalladda loo adeegsado waxaa laga dareemay qayb kasta oo dalka ka mid ah sida cuduro aan horey loo aqoon,ilmaha ku dhalanaya xaalladaha aan caadiga aheyn sida afka, indhaha, addimada (Lugaha & gacmaha) iyo meelo, waxaa ugu dambeysay ilo dhawaan ku dhashay Muqdisho oo sanka iyo afka isku furan yahay, lehna afar luguud, afar gacmood faro badan, suulasha lugaha oo qaar maqan yihiin iyo calaamaddo kale oo badan.
Soomaaliya oo leh 52 kun oo dhul geedo ah sida ku cad warbixintii World Bank ee sanadkii 2000-dii, 80% geedihii muhiimkaa ahaa sida quracda waxaa loo adeegsadey dhuxul loo dhoofiyo wadamada Khaliijka, dhuxusha loo bixiyey dahabka madow halkii Markab ganacsi ahaan wuxuu dhan yahay 1 milyan oo doolar.
Guud ahaan shaqo la’aanta dadka Soomaaliyeed ee gudaha dalka ku dhaqan haysta ayaa ah mid aad u sareysa da’ada 15 ilaa 64 sano jir 54% waa shaqo la’aan, da’ada ka badan 47 sano 47% waa shaqo la’aan, sida ku xusan warbixintii ugu dambeysay ee ay ka heshay daraasad la sameeyey hay’adda UNDP.
Soomaalida qaxootiga ku ah wadamada Kenya, Itoobiya & Yemen waxay tiradoodu kor u dhaafaysaa 1 milyan, wadanka gudihiisa waxaa ku barakacay 1.3 milyan oo qof.
Sida ay sheegtey UNHCR 3.7 milyan oo Soomaali ah una dhiganta ku dhawaad kala bar dadka Soomaalida ayaa u baahan gargaar deg deg ah oo cunto.
Xerada qaxootiga ee Dhadhaab ee dalka Kenya oo loogu tala galay 90 kun oo qof waxaa haatan ku jira 400 kun oo qof oo qaxooti Soomaali ah waana kaamka qaxooti ee dunida ugu weyn.
Sanad kasta boqolaal Soomaali ah oo tahriib ku jira ayaa naftooda ku halliga baddaha Liibiya & Talyaaniga u dhaxeeya, kuwa Yemen & Soomaaliya u dhaxeeya iyadoo ay sii dheer tahay kuwa ku dhinta dhulalka Saxaraha iyagoo socod ku maraya.
Wadanka caynkaasi ah oo dhibkaasi ka taagan yahay, darxumadaasi haysato, 23 sano oo nidaam la’aan ah & 30 oo aanay jirin nidaam dalka ku hagay cadaalad, sinaan & horumar wuxuu sugayaa hogaamiyahaasha & siyaasiyiinta iyagu isku mashquulsan, bulsho qabiilku kaga qiimo badan yahay qaranka.
Siyaasi kasta wuxuu eegayaa dantiisa, tan qabiilkiisa, qabiil kasta wuxuu eeganayaa danahiisa, Madaxweyne, Ra’isalwasaare, wasiir, xildhibaan, Ganacsade, sarkaal, oday dhaqameed, indheergarad maxaa u diiday in dalka loo damqado oo aan dhexdeena is eegan oo aynu meel kale indhaheennu u jihaysmaan ?.
Tusaale ahaan xukuumadii, Baarlamankii, maamuladii dalka, siyaasiyiintii xilligan waxay ku jiraan tartan siyaasadeed oo aan la aqoon halka uu salka dhigan doono, cid danaha Soomaaliyeed ka hormarinaysa tooda ma muuqato.
Waa su’aal dalkan yuu sugayaa, yaa dalkan u maqan, yaa u damqanaya, yaa u diirnnaxaya, yaa iska leh, yaa dantiisa u hiillinaya, yaan qabiilka eegin oo dan qaran u istaagi, yaa dhibaatada iyo darxumadda ka damqan, yaa xilka saaran dhibkan sidii looga bixi lahaa, yaa wacyigalin ummadeenna, yaa wadaniyad muujin, yaa inta dhibaato ee kor ku xusan, daqarada, haaraha innaga muuqda innaga dhayi, yaa dalka iyo dadka u kici, yaa qabiil eegin oo qaranka qiimeeya, yaa tanaasul, is-cafis, dib u heshiisiin iyo midnimo maradda u xiran, yaa cadaalad & sinnaan ku hogaamin bulshadan, yaa dadkan kala irdhoobay boggooda bogcad isku marin, yaa diifta ka tiri, yaa dawladnimo loo dhan yahay, loo siman yahay, hogaan wanaagsan, maamul caadil ah inoo horseedi, yaynu sugaynaa ...?????????????
Comments
Post a Comment