Qaybtii 2-aad Dhaawicii Qalbiga !! ( Sheeko ku saabsan qiimaha samirka & xanuunka qiyaanada)
Qaybtii
2-aad
"Halkaas marka ay xaaladu taagan tahay aniga wali jacaylkii iggama salguurin wali waxaan u dhawraa oo aan u kool-kooliyaa sida Sebi aan dhalay, inkastoo nolashadeydu isu badashay niyad xumo, waxaanse had iyo goor isku adkeeyaa inaan dulqaad muujiyo" ayey tiri Caaliyo oo kursiga barkintiisa xusulka (suxulka) ku haysa illin qafiif ah ayaa indhaheeda ka soo tifqaysa waxayse ku masaxaysaa garbasaarka dacalkiisa.
Caaliyo hadda waxay eegaysaa cirka waxaad moodaa inay xidigaha nuurka badan ee cirka EEBE ku taxay tirinayso waxaase ay doonaysaa in qalbi adayg iska baarbaarto, cabaar haddii ay indhaha marba doc ugu wareejinaysay oo ay cirka u eegaysay ayey xoogaa waxay jaleecday Dayaxii oo madaxa kala soo baxay dhanka Bari waa 15-aad iftiin saa'id ayuu la soo baxay laakiin iftiinkaas xagga Caaliyo wuxuu yahay mugdi.
Neeftuur sanqartiisa la moodo Aar Liibax oo arooryo toosay ka sheekadii ayay dib u sii ambaqaaday waxay leedahay.
"Saygeygu wuxuu dareemay jawiga badalan ee aan ku jiro wuxuu isku dayey inuu uu dajiyo uunna dib iigu soo celiyo deganaantii iyo farxadii, hayeeshee taasi ma noqon mid sii raagta".
(Dulucda Sheekada waa tan)
Facebook & fashilkii:
Caaliyo waxa ugu weyn ee qalbigeeda gubay ee ay la madluun noqotay waxaa sabab u ahaa fashil Facebook-ga ka dhacay kaasi oo qarxiyey qumbalad sir ah oo Saygeeda uu muddo daboolka saarayey.
Goor casar ah oo guriga ay wada joogaan Caaliyo iyo ilmaheeda oo fasaxa Iskoolka lagu jiro Ducaale'se maqan yahay ayaa wiilka ugu weyn ilmaha uu u kacay inuu xoogaa waqtiga ku dillo Internet-ka wuxuu kumpuyutar qolka fadhiga yaal uga jiraa Facebook wuxuu kula sheekaysanayaa asxaabta ay iskoolka yihiin.
Qosol iyo qaraaxo ayuu wiilku ku jiraa haddii uu cabaar ku sii jiiday Shaashada miiska saaran ayuu bilaabay inuu xoogaa sheekadii joojiyo wuxuu u jeedaa sawirka Aabihiis oo la sawiran laba imood, ilmuhu ma ahan kuwa isaga isku hooyada yihiin ee uu yaqaan, waxaase uu gartay wiilka Aabihiis la sawiran oo ay isku Iskool xili hore ahaayeen.
Wiilku wuxuu la yaaban yahay sababta Aabihiis ula sawiran yahay wiilka kale iyo gabadha, haddana wuxuu ka shakisan yahay sida ay u yihiin isku magaca labada Ardaa magac (Profile Name).
Sawirka Ducaale wiilka kula jiro waa sawir xusuuseed qoys wuxuu la galay wiilka xili uu noqday xiddiga Iskoolka waana hadiyad xusuus ah.
Hadii sawirkii uu mudo ku dheygagnaa (eegayey) si aan libiqsi lahayn, wuxuu furayaa qaybta chatinng-ka wuxuu salaan ka dib waydiinayaa Aabihiis halka ay isku arkeen iyo waxa isku keenay inay sawir isla galaan.
Wiilkii kale salaan gudoon ka dib wuxuu si fudud ku bixiyey jawaab fashil dhalisay oo gurigii jawigiisii badashay, wuxuu yiri " Waa Aabahay annigana waan ogohay inuu yahay Aabahaa laakiin waligey kuuma sheegin inaan walaalo nahay waayo Aabe wuxuu markasta I oran jiray "Xamsa ha isku sheegin inaad walaalo tihiin".
Wiilkii kale oo isna lagu magacaabo Hanad wuxuu leeyahay " Hooyadey ayaa igu qasabtay inaan runta kuu sheego oo aan sawirka Aabaheen halkan soo dhigo sidaa ogow dad walaalo ah ayeynnu nahay barasho wanaagsan".
Xamsa waa wiil degan waxba sheekada ma sii badin isagoo koob shaah ah oo miiska u saarnaa eegaya inuu idleystay (dhameystay) iyo in kale ayuu ogaaday inuu ka laacay koobkii intuu maanta ku jiray sheekada.
Isagoo yaaban oo su'aalo madaxiisa ku wareegsanayaan ayuu istaagay wuxuu u socdaa dhanka Jikada wuxuu rabaa inuu Hooyadiis su'aalo sababta iyada iyo Aabe uga dabooleen in ilmo kale la dhasheen.
Hooyadiis oo casho dabka u saaran dultaagan ayuu la hadlayaa wuxuu yiri " Hooyo wax ma ku waydiin karaa adigoo iga raali ah?".

Waa socotaa.........
Qaybta midig ee blog-ga ka dheeho qaybaha kale ee sheekadan adigoon ka bixin boggan, haddii ay macquul noqoto waxaan ku talo jiraa inaan buug iyo filim ka sameeyo qisada sheekadan idinka ALLE.
Fiiro gaar ah: aragtidaada ku aadan sheekadan qaybta hoose ee falcelinta (commens-ka ka soo qor ra'yigaagu waa muhiim.
Waad mahadsantihiin
Comments
Post a Comment