Qaybtii 8-aad Dhaawicii Qalbiga !! ( Sheeko ku saabsan qiimaha samirka & xanuunka qiyaanada)
Waxaa Qoray: Qoraa Sare Mowliid Xaaji Cabdi
Qaybtii 8-aad:
Xaaji Warsame intii aannu guriga imaan waxaa ka soo hormartey Caaliyo oo ku socotaa sidii balantu ahayd in guriga ay ugu imaan doonto Ducaale iyo waalidkeed, balse waxay u timid Hooyo Suuban oo xaaladda ugga warantey iyo waxa soo kordhay, waxay u sii raacisay “Hooyo macaan waxba ha ka xumaan ka soo qaad adiga oo Isbitaal ku jira oo fool ku hayso sow in Saygaaggu kula joogo kuumma ahaataan daruuri”.
Su’aashaas Xaajiyo Suubaan waydiisay Caaliyo si degan ayay ugu jawaabtey Hooyadeed iyadoo tiri “Hooyo waan ogahay miskiinta ILAAHAY ha u fudadeeyo waan dareemi karaa foosha iyo xanuunkeeda”.
Inkastoo ay Caaliyo sidaasi ku jawaabayso haddana qolkii Isbitaalka wax ka duwan ayaa ka socda Zakiya iyo labadii gabdhood ee saaxiibadeed ahaa xanuunka iyo foosha uma qiimeysnna waxaa u qiimaysan xaaladda shakiga dhalisay ee laga yaabo inay soo korortey wallow aanay hayn xog iyo macluumaad faahfaan, hase yeeshee nux-nuxdu waxay ku qotontaa in Zakiya ay go’aan qaadato haddii ALLE kala keeno oo aanay aqblin in Caaliyo dib ula midowdo Ducaale. Sheekadu waxay dhacaysaa xili Ducaale uu ku maqan yahay xafiiska dhakhtarka Isbitaalka ee u xilsaaran xaalada Zakiya.
Xaaji Warsame gurigii ayuu ku soo laabtey wuxuu kula kulmay Caaliyo iyo Xaajiyo Suuban oo sheekaysanaya, haddii la is-nabdeystay waxaa lagu gaaray go’aan in Caaliyo ay israacaan gurigeedanna geeyaan sidii ayaa lagu soo baxay. Caaliyo waxay ku soo laabatey gurigeedii ay ka maqnayd laba bilood in ka badan ilmaheedii oo ay la joogto Ducaale hooyadiis ayey u yimaadeen salaam dabadeed sheekada qoyska ayaa waalidiintu ka wada hadleen iyadoo Xaajiiyo Mako (ducaale hooyadiis) ay mahadcelin iyo duco isagu dartey reer Xaaji Warsame iyadoo ah Aabe iyo Hooyo Ducaale maadama Aabihiis Col. Farey uu ku dhintey xili hore.
Dhakharkii Zakiya xaaladeeda gacanta ku hayay wuxuu sheegay in ay u baahan tahay qaliin, qaliinkaasina uu yahay mid aad u culus oo nafteedu ay tahay 50% badbaada ilmaha ama iyada hadii aan ALLE sahlin, looban baahan yahay qarash lacageed oo ku dhaw $ 8500, lacagtaasi oo horumaris ah, qaliinkuna dhici doono beri subax 9-ka subaxnimo.
Ducaale wax dhaqaale ah gacanta kuma hayo wuxuu niyada ku hayaa in saaxiibadiis uu dayn waydiisto si gabadha iyo ilmaha caloosha ugu jira loo badbaadiyo, waxaa loo sheegay in Isbitaalka uu u hayyo adeeg dhameystiran aanna loo baahnayn in qof la joogo habeenimada Zakiya, sidaasi darteed ay iska baxaan gabadhaha saaxiibadeed ah iyo Ducaale.
Zakiya magaalada wax ehelkeed ah uma deganna Hooyadeed iyo Aabaheed iyadoo yar ayay dhinteen waxaa soo korsatey ayaydeed iyaduna waxay dhimatey laba sano ka hor, waxa kaliya ee ay u haysataa miciin waa asxaabteeda iyo Ducaale. Gabar ka mid ah gabadha ayaa lagu balamiyey in ay ilmaha la sii joogto oo ay badasho qof kale oo guriga ilmaha ku sii hayey markii Isbitaalka loo soo waday Zakiya.
Ducaale sidii ayuu ku soo baxay, wuxuu hadda baadi goob ugu jiraa helitaanka lacagta 10-ka kun doolar ku dhaw ee subaxnimada laga rabo, asxaabtiisa kuwii uu ku kalsoonaa ee uu is oran karay waxaad ka heli kartaa Dayn ayuu cagta soo mariyey laba qof oo uu ku xisaabtameyey mid dalka wuu ka maqan yahay oo safar ayuu jiraa, midnna wuxuu u balanqaaday qarashka kalabar uunna siin doono beri 8-da subaxnimo.
Reer Xaaji Warsame iyo Duq Mako sheekooyinkii ayaa la dheeraaday habeenimo ayaa la joogaa, iyagoo wali gurigii la jooga ayaa Ducaale yimid, salaan ka dib Xaaji Warsame oo oggaa xaaladda gabadha Isbitaalka la dhigay (Zakiya) ayaa ducaale ka wareystey waxa ay ku sugan tahay, Ducaale wuxuu u sharaxayaa Hooyadiis iyo Caaliyo waalidkeed (reer Xaaji Warsame) xaalada Zakiya iyo in ay qaliin beri galayso inkastoo sheekada aanay qayb ka ahayn Caaliyo oo ay ka maqan tahay goobta sheekada haddana waxay maqlaysaa wadahadalka waalidiinta iyo Ducaale “ILAAHAY ha u fudadeeyo” ayuu qof kastaa geestiisa u yiri.
Xaajiyo Suuban ayaa iyadoo wadasheekaysigii socdo waxay u kacday dhanka qolka Jiifka waxay u tagtey Caaliyo iyadoo ka dalbatey inay ugu timaado qolka fadhiga oo lagu wada dhan yahay, sidii ay Caaliyo ku timid oo markii ugu horreysay ay indhaha isa saareen Ducaale mudo sadex bilood ku dhaw, sheekooyin ay la socdaan dardaaran waalidnimo iyo duco ayaa lagu kala tagay, waxaana Xaaji Warsame uu horey u sii qaaday Duq Mako oo uu geeyey gurigeedda maadama ay ahayd xili habeen ah.
Gurigii Caaliyo ka maqnayad waxaa dib ugu soo laabatey farxadii iftiin aan ahayn kan korontada ayaa ka baxaya waayo waa guri Hooyo ka maqnayd oo ay timid farxad iyo rayn rayn ka dib sidii ayaa lagu kala hoyday oo ilmihii qolalkooda kala aadeen Ducaale iyo Caaliyo-na qolkoodii u abaareen.
Ducaale wuxuu u mahadceliyey Caaliyo sida ay u qaadatey go’aanka geesinimada ah, una samirtey wuxuu sheegay inaanu garan karin wax uu ugu abaalgudo , balse ,sidee & maxay ku qanci doontaa Caaliyo !?

Qaybta midig ee blog-ga ka dheeho qaybaha kale ee sheekadan adigoon ka bixin boggan, haddii ay macquul noqoto waxaan ku talo jiraa inaan buug iyo filim ka sameeyo qisada sheekadan idinka ALLE.
Fiiro gaar ah: aragtidaada ku aadan sheekadan qaybta hoose ee falcelinta (commens-ka ka soo qor ra'yigaagu waa muhiim.
Waad mahadsantihiin:
Comments
Post a Comment