Qaybtii 9-aad Sheeko: Dhaawicii Qalbiga !! ( Sheeko ku saabsan qiimaha samirka & xanuunka qiyaanada)
Waxaa Qoray: Qoraa Sare Mowliid Xaaji Cabdi
Qaybtii 9-aad
Ducaale wuxuu u mahadceliyey Caaliyo sida ay u qaadatey
go’aanka geesinnimada ah, unna samirtey wuxuu sheegay inaannu garan karin wax
uu uggu abaalgudo balse wuxuu u soo qadimay in uu diyaar u yahay in uu furo
Zakiya uunna Caaliyo ku qanciyo sidaasi, haddii ay ku tahay raali.
Caaliyo go’aankaasi way ka hortimid waxay sheegtey in aanay
guriga ku imaan in la furo Zalika oo ilamahaasi meel cidlo ah ku soo dhacaan
waxay xustey in ILAAHAY dartiis ay samir u qaadatey aynna diyaar u tahay in ay
ku taageersto Ducaale nolashiisa, Zakiya-nna tahay qof lala qabo oo ay ixtiraam
iyo wanaag u hayso si kasta oo aanay isku aqoon.
Ducaale inta istaagey oo uu labada gacmood kaga qabtey dhabadhanada Caaliyo ayuu wajiga ka dhunkaday wuxuu ku leeyahay “ Ma garan karo wax aan kuuggu abaalgudo, waxaan ahay qof dambi kaa galay oo nolashaada qalqal galiyey, waxaan ahaya kan la aaminay ee dayacay aaminnimadaas, waxaan ahay qof xun oo aan ku wanaagsanayn aaminaadda iga raali noqo, inna cafi, ILAAHAY-nna abaal iyo ajar ha kaa siiyo wanaaga iyo samirka”. Habeenkii sidaa ayaa lagu kala seexday oo qalbi iyo niyad isku caafimaad qaba ay weheliso.

Caaliyo oo labadeeda gacmood ku haysa gacmaha Ducaale
korkeeda ayaa cod xabeeb leh ku tiri “Aamin xabiibi, Mahadsanid”.
Zakiya kaligeed ayey ku jirtaa qolka Isbitaalka ay ka jiifto
waxaa u shidan Tv loogu tala galay in ay isku maaweeliso waxaa sidoo kale loo
ogolyahay inay isticmaasho telefoonkeeda, waxaa soo wacaysa Cayni oo saacado ka
hor ugga tagtey Isbitaalka waxay u wadaa war iyo xan daray ah (xan cusub),
waxaa looga naxsaday in war iyo fadhi meesha aannu u oolin oo Caaliyo gurigii
ku soo laabatey aynna heshiiyeen iyada iyo Ducaale, waxaa kale oo loo sheegay
in caawa ay isla joogaan.
Zakiya dhiigeedda meel laga saro ma leh, carrada iyo xanaaqa
ay qabtay awgeed waxaa laga dareemay qolka la socodka bukaanka (Patient Monitor
Room), waxaa ku soo yaacay laba kalkaaliso waxaa laga warhelay in ay telefoon
ku hadlayso si degan ayaa looga wareystey waxa ku dhacay waxay u sheegtay in
war aanay ku farxnin loo soo sheegay, cabaar ayaa la dajiyey waxaa loo sheegay
inay joojiso isticmaalka telefoonka aynna is ilaaliso maadama la ogaaday hadda
in dhiigeedu uu kacay, taladii ayay qaadatey waxaynna damisay telefoonkii balse
walwalka iyo sida xaalada nafteeda ku dambaynayso waxaa uga daran arrinta
Caaliyo.
Xili saq dhexe oo hurdo macaan Caaliyo u baxayso ayaa Ducaale
uu soo kacay wuxuu ku jiraa fakar, isagaa fadhiya ayaa Caaliyo indhaha kala
qaaday waxay aragtey in Ducaale uu fakar ku jiro jiifka inta ka soo kacday iyadoo
qaarka dambe wali ka jiifta balse inta sare la soo kacday oo dhabarka gacanta
ka saartey Ducaale ayay leedahay “ Xabiibi maxaa kuggu dhacay oo aad xiligan u
kacday ma xanuun ayaad dareemaysaa mise wali waxaa ku gubaya wixii aad igu
sameysya, annigu sidaan kuu sheegay ILAAHAY samirkiisa ayaan kaashaday ee
isdaji, iska oo jiifo saacadaha hurdada kaaga dhiman”.
Ducaale arrinta ay ka hadlayso Caaliyo waxaa u sii dheer
dhibaatada haysata gaar ahaan Isbitaalka lacagta looga baahan yahay ee Zakiya
subaxnimada lagu qalayo, lacagtii maxkamadu u qabatey ee 50-ka kun ee doolar oo
waqtigii ay ka dhiman tahay 15 cisho iyo guri la’aanta iyo dhaqaalo la’aanta
haysata ilmaha Zakiya.Isagoo hadal ugu jawaabin Caaliyo ayuu ugu baaqayaa inay
iska seexato, laakiin Caaliyo way dareemaysaa dabeecada Ducaale marka ay wax ka
qaldan yihiin waayo ku dhawaad 20 sano ayay nolasha wadaageen. Hadalkii ayay
mar kale ku sooceliysay waxayna ka codsatey in uu la wadaago dhibka hurdadda u
diiday.
Caaliyo qof wararka baadi goobta ma ahan wax badan oo aysan
ogayn oo Ducaale iska badalay nolashiisa ayaa ka qarsoon gaar ahaan shaqadii in
uu lumiyey, daynta lagu leeyahay, gurigii ilmaha Zakiya deganaayeen in lagala
noqdey, maxkamadda lacagta ka sugaysa iyo lacagta Zakiya qaliinkeeda looga baahan
yahay, intaasi oo xaaladood wax ay ka hayso oo xog ah ma jirto, balse Zakiya
iyadoo Isbitaal ku jirta ayay wararkii ugu dambeeyey fadhiga ku helaysaa.
Ducaale wuu ogyahay kalsoonida ay Caaliyo isku qabeen ka hor
fashilkii Facebook-ga si cad ayuu uga sheegay Caaliyo xaaladiisa wixii la soo
gudboonaaday ilaa maalintii ugu dambaysay ilaa iyo maanta, Caaliyo yaab iyo
amakaag ayaa u yimid, si fiican ayay sariirta inta uga soo kacday oo ay ka soo
istaagtey dhankii ay jiiftey oo ayay dhulka inta fariisatay ka soo horjeesatey
Ducaale.
Wajigeeda waxaa laga dareemayaa yaab iyo waxoogaa walwal ah,
iyadoo kor u soo eegaysa Ducaale ayay soo jilbo joogsatey daanka inta gacanta
ka saartey ayay leedahay “Waxba ha walwalin Xabiibi anigaa garabkaaga jooga,
ilamahayga Aabahoodow meel aan kaaga harayo ma jirto, subaxnimada waxa ugu
horeeya waa in aad Bangigeyga ka soo bixiso lacagta qaliinka walashey Zakiya,
qof aad wax u waydiin karto ma jirto iyo dayn aad raadin karto, lacagta
maxkamadda 15-ka cisho waxaan ku bixinayaa inaan iibiyo dahabkeyga oo dhan, ama
aan amaah (depotsit ) dhigo sharciga dhulalka banaan ee aan leeyahay, arinta
ilmaha Zakiya guri kiro ah ku jiri maayaan, guri ayaan uga qaaday shirkadda
cusub ee hadda bilwoday guryo dhisidda anigaa ayaa bixinaya bil kasta lacagta
ilaa aad shaqo ka helayso, intaasi sow kaama qaadi karto walwalka iyo
walbahaarka”?.
Ducaale wuu malaysan la’yahay hadalada Caaliyo sariirtii uu
fadhiyey ayuu inta ka soo kacay oo uu Caaliyo isla soo simay ayuu labada
gacmood ka soo qabtey wuxuu leeyahay “Qof kaa bini’aadamsan waligay nolasheyda
arki maayo, ma aqaan waan ku iraahdo ama kugu tilmaamo waxaan dhihi karaa
waxaad tahay caawimaad & raxmad ILAAHAY ii soo diray, ILAAHAY abaalkaaga ha
kaaga dhigo Jannada aduunkana magac iyosharaf”.
Caaliyo waxay ugu warcelisay “Intoo kale Qalbi, waxba ma ahan waan isku leenahay wanaagga iyo isu gargaarida, waayo waa arrin Diini ah inaan is-kaalmeynno iskuna ixsaan falno”
Nabarkii walalka ayaa ka soo go’ay Ducaale, subaxnimadii intii aanu bixin ayay Caaliyo u diyaarisay Jeeg Bangi oo ay ku qoran tahay 10-kun oo doolar, waxay ugu talagashay lacagta inta kale in Zakiya isku baxnaaniso waayo Ducaale ayaa u sheegay habeenimadii innaanay shaqeyn, Ducaale 8500 wuxuu ku bixiyey Isbitaalka 1500 ee soo hartey wuxuu ugu riday Zakiya Boorsadeeda u taal qaybta wax dhigashada Isbitaalka.

Ducaale gaari la’aan ayuu ahaa waxaase Caaliyo ay siisay
furaha baabuurkeedii iyaduna waxay sheegtey in isticmaalayso gaadiidka
dadweynaha ee basaska, markii ay tagtey shaqadeedii Kalkaalisnimada Isbitaalka
gaarka loo leeyahay ee ka mid ah Isbitalada ugu casrisan dunida ee lagu sameeyo
qaliimada wadnaha (Department of Cardiothoracic Surgery), waxaa xafiiskeeda u
taal waraaq wargalin ah oo loogu sheegayo in ay ballan la leedahay Gudiga maamulka
Isbitaalka galabta 3-da galabnimo.
Ma oga balantu waxa ay ku saabsan tahay waxaase ay qabtaa walwal ku aadan shaqadeedda saacada ayay haddba eegaysaa ma garan karto waxa lagu orran doonno saacadii balanta markii la gaaray waxay tagtey xafiiska maamulka Isbitaalka (board of Directors), waxaa miis wareegsan fadhiya 7 xubnood oo Isbitaalka gudiga maamula ah oo ay ku jiraan 4 qofta ee iska leh Isbitaalka , qof markii dambe ay ogaatey in uu yahay Qareenka Isbitaalka (Lawyer), Hantidhawrka (Auditor), iyo madaxda waaxyaha Isbitaalka.

Waa Socotaa.......
Qaybta
midig ee blog-ga ka dheeho qaybaha kale ee sheekadan adigoon ka bixin
boggan, haddii ay macquul noqoto waxaan ku talo jiraa inaan buug iyo
filim ka sameeyo qisada sheekadan idinka ALLE.
Fiiro gaar ah: aragtidaada ku aadan sheekadan qaybta hoose ee falcelinta (commens-ka ka soo qor ra'yigaagu waa muhiim.
Waad mahadsantihiin:
Fiiro gaar ah: aragtidaada ku aadan sheekadan qaybta hoose ee falcelinta (commens-ka ka soo qor ra'yigaagu waa muhiim.
Waad mahadsantihiin:
Comments
Post a Comment