Qaybtii 7-aad Dhaawicii Qalbiga !! ( Sheeko ku saabsan qiimaha samirka & xanuunka qiyaanada)

                                 Waxaa Qoray: Qoraa Sare Mowliid Xaaji Cabdi

Qaybtii 7-aad:


Inkastoo Ducaale uu wehelu noqdey kadeed iyo culeys badan oo uu garan la’yahay waxa isku soo beegay dhacdooyinkan nolashiisii badalay, haddana dhanka Caaliyo niyad sami xageedda ma jirto waxay dareemaysaa in caruurtii ay dhashay ee ay u soo dhimanaysay in ka badan 15 sano ay baylah yihiin oo ay meel cidlo ah uga tagtay wallow ay Aabahood la joogaan, haddana dareenka Hooyonimo ma ahan mid ka guuray wax siinta iyo isku filnaanshaha dhaqaale uma ahan wax u badali kara kaalinta Hooyo, waana taasi midda aanay ka ladin.

Arooryo hore oo ay shaqo lahayd ayay u soo kacday Salaada subax markii ay tukaday Caaliyo kama kacin Masalihii (Salligii Salaada) ee ay ku tukanaysay waxay ku jirtaa tasbiix iyo ducooyin, waxaa qalbiga ku soo maaxatay inay wanaagsan tahay inay samir nafteeda ku xakamayso, innay ILAAHAY xaggiis oo aanay wax ka qiimo badan oo la weheshado jirin u samirto reerkeeddna uggu laabato cafisnna u fidiso Saygeeda.

Caaliyo ilmo ayaa indhaheeda ka da'aysa way qushuucsan tahay go’aan isbadal nafteed, qoyskeeda iyo mustaqbalka ninkeeda taabanaya ayay doonaysaa inay qaadato iyadoo aan marayn wax kale oo aan ka ahayn inay xusuusnaato dardaarnka Rasuulkeenna Muxamed Nabadgalyo & Naxariis EEBE dushiisa ha yeelle ee ku aadan samirka iyo muhiimadiisa.

Xaaji Warsame oo isnna salaad subax u soo kacay ayaa wuxuu arkay Caaliyo oo meeshii ay ku tukutay fadhida dhulkana hoos u fiirinaysa, inta ku soo dhawaaday oo uu jilbo laabtay oo uu gacantiisa midig madaxa ka saaray Caaliyo wuxuuna leeyahay “Aabe ma xanuun ayaa ku hayaa, maxaa kugu dhacay saaka sow shaqo ma lihid”?.

Caaliyo oo indhaheeda ilmo ku wareegsanayso ayaa Aabeed waxay ku leedahay “Aaabe macaane may wax xanuun ah imma hayyaan aniga ayaan halkan ku fakarayey, waxa iigu weyn ee aan ku fakarey waa ilmahayga oo aan ka maqanahay laba bil iyo dheeraad, waxaan dareemayaa inaan ahay Hooyo xun, wallow Hooyo xun aanay jirin, haddana isku arki mayo qof khayr leh”.

Caaliyo oo hadalkii aan dhameyn ayaa Xaaji Warsame wuxuu ka warhelay Xaajiyo Suuban oo sheekada ku soo biirtey wuxuu Caaliyo ku leeyahay “Aabo samirka iyo dulqaadka wax ka wanaagsan ma leh waan kugu xushmeynaynaa go’aankaaga, balse waxaa haboon inaad samirto oo ILAAHAY aad u samirto, midna ogow maanta Ducaale haddii uu dambi kaa galay ILAAHAY ayaa ka gooyey oo dhibaatada uu ku jiro adigu war uma haysid”.

Xaaji Warsame wax faahfaahin ah ma siin Caaliyo oo ku saabsan arinta Ducaale ,wuxuu diidan yahay inuu culeyska ku sii badiyo gabadhiisa uuna si degan wax uga dhaadhiciyo. Hooyo Suuban waxay baritaareysaa (taageeraysaa) hadalka Xaaji Warsame iyadoo leh “Hooyo khayr qabtooy Aabe warkiisa maqal, iskana samir oo ilmahaaga ku laabo reerkaagana ha dumin, oggow wax aan faa’ido ahayn ku heli maysid haddii aad samirto”.

Hadda sheekadii ayaa joogsatey Xaaji Warsame iyo Xaajiyo Suuban waxay u kaceen Salaadii, Caaliyanna wali kama kicin meeshii ay fadhiday, waxay ku tukudeen meel u dhaw halkii ay Caaliyo fadhiday, haddii duco iyo qushuuc ALLE muddo lagu jiray, waxay Caaliyo u soo dhawaatey Hooyadeed & Aabaheed iyadoo labadeeda gacmood u kala qabisay jilbaha Hooyo iyo Aabo ayaa iyadoo ilmo ka da’ayso waxay tiri “ILAAHAY dartiis, xushmeyn aan idinka xushmaynayo, ilamahyga awgood waxaa aqbalay taladiinna, waxaan ku laaban doonaa gurigeyga, si la mid ah sidii aan nolasheyda ahaan jirtey ayaan isku qasbayaa,waxaan cafin doonaa Ducaale, wallow ay iiga baahan tahay waqti dheer in kalsoonideydu ay soo laabato, intaasi iigu duceeya Hooyo iyo Aabo”.

Xaaji Warsame & Xaajiyo Suubaan isku si ayay hal mar ula soo booqdeen “Maashaa ALLAAH, waan ognahay inaad tahay qof Ixtiraam leh oo diin leh, qof akhlaaq wanaagsan go’aanka aad gaartey ILAAHAY ha kaa abaalmariyo hana kuugu badalo nimco aduun iyo Janno, waxaad naga furatay culeys iyo walwal”.

Caaliyo iyo Waalidkeed waxaa lagu ballamay maanta marka ay shaqada ka soo laabato in guriga ay uggu yeeri doonaan Ducaale arrinta bishaarada ahna loogu sheegi doono sidaasina ay isku raaci doonaan. Xaaji Warsame wuxuu wacay Ducaale in maanta uu guriga qadada ugu yimaado oo uu kala hadli doono arimaha Caaliyo.

Caaliyo waa qof kali socod ah ma jirto wax sheeko wadaag ay la tahay hablo ma jiraan saaxiibaddeed waa ilamaheeda iyo Saygeeda, waxay dareemaysaa in caawa ilamaheeda ay la hoyon doonto oo go’aankeeda marnna shaki iyo tashwiish ma galin.

Ducaale xiligii loogu tala galay ayuu yimid, si sharaf leh oo ay ku dheehan tahay soo dhaweyn salka ku haysa dhaqanka Soomaaliyeed ee xididnnimada ku qotomma ayaa loo soo dhaweeyey, inkastoo uu isagu culeys iyo gef u gaystey gabadhooda haddana reer Warsame go’aankoodu waa xurmo iyo qadarin. Markii la dhameystey cunto cunkii ee la galay sheekooyin goos goos ah ayaa Xaaji Warsame wuxuu uga waramay Ducaale go’aanka ay iskeed u gaartey Caaliyo kana dhashay wadatashigii iyo waanadii ay mudooyinkan ku waraabinayeen mirihiinna ay noqdeen in ay samirto oo ay ILAAHAY xagiisa ugu dulqaadato wax kasta oo ay tirsanayso.

Ducaale waxay ula mid tahay go’aankaasi maalintii ay isguursadeen ee Aabaheed uu ka aqbalay doonistiisii Caaliyo hal mar ayuu ku soo booday Xaajiga iyo Xaajiyada madaxa ayuu mid kasta ka shumiyey, wuxuuna ugu duceeyey in uu ILAAHAY ajar ka siiyo wanaagga iyo dadnimadood, "Aamiin" ayaa looga godoomay iyo "adigana sidoo kale" waxaa kale oo loogu sii kabay waanno iyo wacyigalin la xiririirta siddii labada reer uu wada dhaqi lahaa aynna ku talinayn in uu furo xaaskiisa kale ee Zakiya, balse waxay xuseen inaannay kala hadlayn Caaliyo arinta Zakiya oo iyada ay go’aanka leedahay aynna ku xushmeynayaan go’aankeeda. Balse Xaaji Warsame wuxuu Ducaale kula dardaarmay in uu labada qoys isku keeno isbarro uunna isagu masuuliyadda uu dusha u ridatay xalinteeda qaybtiisa uu qaato.

Waano iyo dardaaran waalidnimo markii ay soo idlaatey waxaa la sugayaa Caaliyo inay shaqada ka timaado, iyadoo sidaasi loo joogo ayaa telefoon wuxuu u soo dhacay Ducaale waxaa loo sheegay in xaaskiisa Zakiya Isbitaalka la keenay aynna tahay fool loona baahan yahay in uu si deg deg ah ku yimaado, Arintii ayuu la wadaagay reer Warsame iyo in uu u baahan yahay inuu Isbitaalka tago.

Ducaale gaari ma wato oo gaarigii uu ku socon jiray shirkadii uu ka shaqeyn jiray waa tii ay la wareergtey, Xaaji Warsame ayaa yiri “Adeer inna wad waan is-raacaynnaa oo anigaa ku geynayaa Isbitaalka”, sidii ayaa lagu soo ambabaxay oo Isbitaalkii lagu yimid.

Xaaji Warsame waa dhaqan yaqaan wuu dareensan yahay in ay ku tahay gef iyo ceeb in inta Isbitaalka keeno Ducaale aannu u tagin gabadha ku jirta Isbitaalka, isaga iyo Ducaale ayaa isa soo raacay qolkii ay ku jirtey Zakiya, waxaa la jooga laba haween oo ay saaxiibo yihiin iyo qof kalkaaliso ah, markii laga warhelay in Xaaji Warsame la socdo Ducaale hal mar ayay is eegeen Zakiya iyo gabdhihii kale oo Zakiya xanuunka foosha iyo dariiqa sugaya waxaa ugga daran inay Caaliyo guriga ku soo laabato oo ay heshiiyaan iyada Ducaale, waxay taasi ka dareemaysaa isla socodka Xaaji Warsame iyo Ducaale.

Arrinta meesha ka socoto iyo baaqa hablaha Ducaale iyo Xaaji Warsame waxba kama oga xaalada Zakiya ayay ka wareysteen gabadha kalkaalsida ah taasi oo u sheegtey in waqtigeedu wali yahay balse laga yaabo inay u baahato qaliin laakiin go’aanka uu leeyahay Dhakhtarka oo arki doona saacad ka dib.

Halkaas markii ay arintu joogto Ducaale wuxuu fasaxay Xaaji Warsame isagoo u sheegay in uu ku filan yahay arrimaha kale uuna iska baxo maadama uu yahay qof waayeel ah, Xaaji Warsame Zakiya oo sariirta saaran tahay ayuu inta madaxa ka taabtey wuxuu si degan ku yiri “ “Aamin Adeer” ayay ugu warcelisay, Zakiya oo kor u soo eegaysa Xaaji Warsame........

Waa Socotaa........


Qaybta midig ee blog-ga ka dheeho qaybaha kale ee sheekadan adigoon ka bixin boggan, haddii ay macquul noqoto waxaan ku talo jiraa inaan buug iyo filim ka sameeyo qisada sheekadan idinka ALLE.

Fiiro gaar ah: aragtidaada ku aadan sheekadan qaybta hoose ee falcelinta (commens-ka) ka soo qor ra'yigaagu waa muhiim.

Waad mahadsantihiin.

Comments

Popular posts from this blog

Qaybtii 1-aad: Dhaawicii Qalbiga !! ( Sheeko ku saabsan qiimaha samirka & xanuunka qiyaanada)

About Mowliid Haji Abdi

Dalkan & dadkan ayaa la isku haystaa (Yaa u maqan oo aynnu sugaynnaa ?)