Ku darso intaad ka ogtahay: Dhufayskii Saddam Xuseen Qaybtii 6-aad


                                                Diyaarinta: Mowliid Xaaji Cabdi

Waa Kuma Samir?

Samir wuxuu dalka Ciraaq isaga baxay sanadkii 1991-kii, isagoo ka tagay waalidkiis, afar wiil iyo sadex gadhood oo la dhashay. Samir wuxuu ka mid ahaa kumanaan dhalinyaro Shiico iyo Kurdiyiin ah oo ka dib dagaalkii Gacanka qayb ka noqday kacdoon ka dhan ah Saddaam Xuseen ka dib balanqaad ay ka heleen xulufada Mareykanka uu hogaaminayey.

Wuxuu galay wadanka Sacuudiga oo qoxootinimo uu ku joogay sadex sano ayuu halkaasi joogay ka hor intii aanu tagin wadanka Marenka wuxuu ka shaqeyn jiray shirkad farsamaysa haamaha Gaaska bishii March 2003 ayuu ka warhelay ogaysiis ku aadan in loo baahan yahay qof tujumaan ahaan ula shaqeeya ciidamadda loona qaadi doono dal dibada ah.

Waa kuma Alaa Namiq?

Markii ay Baqdaad u gacan gashay xulufadii Mareykanka Saddaam Xuseen wuxuu u baxsaday gobolka Salahdin oo ay ka tirsan magaalada Tikrit ahna halka ay ku dhashay ayna ku xoogan yihiin qabilkiisa Tikriiga, waana halka uu u gartay inay tahay Meesha uu ku badbaadi karo, wallow aanu ku badbaadin oo laga soo qabtay godka la magac baxay “Godka caaracaarada”.

Saddaam si wayn ayuu u kala yaqiin deegannada gobolka iyadoo ay socotay iska caabin xoogan oo ay wadeen xoogaga xisbul Bacath-ka, maleeshiyada Fidaayiinta iyo kooxo qaba’il ahaan u taageereyey, wuxuuna si toos ah u hogaaminayey kacdoon hubaysan oo ujeedkiisu ahaa in ay dib u qabsadaan magaalada Baqdaad.

Sidoo kale gobolka waxaa ku sugnaa ciidammo xoogan oo xulufada Mareykanka ah iyo waliba kuwa Kurdiyiin ah oo taagaareyey.

Saddaam wuxuu baadi goobayey goob uu ku amaan galo wuxuu u tagay guri iyo beer uu lahaa nin ay qaraabo ahaayeen in muddo ahna u ahaa darawalkiisa gaarka ah oo lagu magacaabo Alaa Namiq wuxuu ka codsaday in uu siiyo gabbaad, ninkaasi wareysi uu bixiyey wuxuu ku sheegay in uu aqbalay in Saddaam uu siiyo meel uu ku noolaado si qarsoodi ah.

“Markii uu ii yimid oo iga codsaday caawimaad waxaan u sheegay inaan diyaar u ahay, waxaanse ku iri” ‘Waxaa dhici karta in lagu qabto oo lagu dilo’

“Sababta aan u siiyey gabbaadka waxay tahay in dhaqankeenna Carbeed iyo Islaamka uu qabo in qofku haddii uu u baahan yahay caawimaad la taageero, sidaa ayaan ku caawinay, aniga iyo walaalkey Qais ayaa gacanteenna godka ku qodnay” ayuu yiri Alaa oo u waramayey wargeyska Washington Post.

Inkastoo Alaa uu sidaa sheegtay haddaan buugga Saddam Hussein: The American Cell uu qoray Khalil Al-Dulaimi oo ahaa qareenkii difaacayey Saddam Xuseen ilaa iyo intii laga daldalay wuxuu ku sheegay in Saddam uu ugu sheegay xabsiga in Alaa Alaa Namiq uu qayb ka ahaa mu’amaradii lagu soo qabtay.

Laakiin arinkaasi waxaa sidoo kale ka horimaanaya in Alaa Namiq markii la qabtay Saddam isagana lagu xiray xabsiga Abu-Ghuraib ee magaalada Baqdaad halkaasi oo muddo 6 bilood ah lagu hayay, laguna sameeyey jirdil xoogan oo ku aadanaa in uu sheego waxa uu ka ogyahay hubka wax gumaada ee Saddaam lagu tuhmayey in uu haysto.

Alaa Namiq waxaa la iska soo daayey markii dambe isagoo maqaaxi heer hoose ka furtay gobolkaas halkaasi oo uu ka raadsado nolol maalmeedkiisa.

Qareen Khalil Al-Dulaimi wuxuu ku qoray in Saddam Xuseen intii uu ku jiray xabsiga ee su’aalaha lagu sameynayey uu mar kasta ka codsan jiray in waxa uu u sheego uu qoro, isagoo sidoo kale u soo dhiibi jiray qoraallo gabyo iyo xusuus qor ah wuxuuna ka codsan jiray in uu qoro had iyo goor.

Waxyaabaha la yaabka lahaa ee uu sheegay waxaa ka mid ahaa buu yiri Khalil Al-Dulaimi in Saddam uu sheegay in markii ciidamadda Mareykanka y qabanayeen uu haystay hub balse uu go’aansaday inaannu dagaalamin isagoo xusey in uu doonayey in uu ku dhinto sida hogaamiye laakiin aannu noqon sida askari is dila ama la dilo.

Khalil Al-Dulaimi waxaa kale oo uu sheegay in Saddam intii xabsiga uu ku jiray uu ku dhami jiray hab ka duwan sida maxaabiista wuxuu diiday in dharkiisa lala dhaqo dharka maxaabiista kale, isagoo sheegay in uu jeclaa in isagu uu gacantiisa ku dhaqdo, taas oo ay ugu waynd isagoo ka cabsi qabay in uu ku dhaco cudurka AIDS-ka iyo cuduradda kale ee galmada laga qaado.

“Maxay tahay waxa kaliya ee Ameerikaanka iyo kuwa soo duulay ay u keeni karaan dal ay qabsadeen oo aan ka ahayn cuduro qatar ah” ayaa wargeyska Al-Hayat ee London ka soo baxa ka soo xigtay Saddam.

Buugga uu qoray Khalil Al-Dulaimi oo ka kooban 480 bog waxaa saadkii 2009 lagu daabacay magaalada Khartuum ee dalka Suudaan, waxyaabaha la yaabka leh ee laga soo xigtay waxaa ka mid ahaa in xagaaggii 2006 Saddaam ay u qorsheysnayd in uu ka baxado xabsiga iyadoo la diyaariyey weerar ay qaadaan kooxaha daacada u ah oo ay ka mid ahaayeen ilaaladiisa, isagoo qorshaha ay ugu jirtay in uu baxsado gobolka Anbar uuna isku daba rido kooxaha iska caabinta, balse qorshahaas wuxuu dhicisoobay ka dib markii rasaas ka dhacday xabsiga iridkiisa wax lagaga badalay xaaladda amaanka oo aad loo adkeeyey.

Buugga Khalil Al-Dulaimi waxaa kale oo oo ku xusan in Saddam markii la daldalayay ee loo sii waday xarunta sirdoonka ee lagu daldalay lagana qaaday xabsiga uu ku jiray uu codsaday inaan indhaha laga xirin si uu u daawado magaalada Baqdaad saacadihii ugu dambeeyey nolashiisa waxaana uu yiri;

“Waxaan doonayaa in indhaha magaalada Baqdaad ay arkaan wiilkeeda, kaas oo muddo sanooyin ah qurxiyey si waynna u dhisay”.

Buugga waxaa kale oo ku xusan in Dawladii Ciraaq ee xilligaas ay diiday codsi ka yimid Mareykanka oo ahaa in dib loo dhigo daldalaada Saddaam Xuseen, iyadoo xukuumaddu ka cararaysan in Saddaam sanadkaas ka dib uu noqon lahaa 70 jir ayna ka soo horjeedo sharciga in qof 70 jir ah la daldalo.

Sidoo kale Khalil Al-Dulaimi wuxuu ku xusay buugiisa in Saddam daldaladiisa ay kaalin wayn ku lahayd xukuumadda Iiraan, iyadoo waliba ka shaqeysay in lagu daldalo xaruntii ciidamadda sirdoonka ee uu ka hagi jiray dagaalkii 8-da sao ee Ciraaq & Iiraan.
Saddaam cuntadii ugu dambeysay ee uu cunay ka hor dilkiisa waxay ahayd Bariis, Hilig digaac, koob biyo kulul iyo Malab.

Khalil Al-Dulaimi wuxuu ku sheegay buuggiisa in Saddam markii la geeyey goobta daldalaada aanauy ka muuqan wax cabsi ah, isagoo si geesnimo leh u fuulay halkii laga soo laadlaadiyey ee xariga qoorta loo galiyey, wuxuu sheegay in uu akhrinayey qur'aanka isla markaana uu laba mar Ashahaatay.

Al-Rubaie, oo ka mid ahaa dadkii marqaatiga u ahaa daldalaadii Saddam wuxuu sheegay in ku celcelinayey "Ha dhacaan kuwa soo duulay" laakiin Al-Rubaie wuxuu waydiiyey Sadaam in ay jirto wax cabsi ah ama qoomamo ah, laakiin Saddaam wuxuu ku jawaabay;

"Maya,Waxaan ahay dagaalyahan, wax cabsi ahna ma qabo, nolashayda oo dhan waxaan ku soo jiray Jihaad, iyo la dagaalanka gardarada, qof kasta oo dariiqaas qaatana wax cabsi ah ma qabo"

Xilliga lagu soo beegay daldalaada Saddam Xuseen waxaa kale oo ay ku sii shubtay basiin colaada u dhaxaysa Suniyiinta & Shiicada oo waxaa la daldalay maalinta Ciidul Adxa ay u dabaaldegayeen Muslimiinta oo ku beehnayd 30.12.2006.

Waxaa lagu aasay Tuulada -Al-Awja oo 13KM Koonfurta ka xigta magaalada Tikrit halkaasi oo ah meeshii uu ku dhashay 1937-dii, gabadha uu dhalay Raghad Saddam Hussein ayaa xiligaas codsatay in Aabaheed lagu aaso wadanka Yemen ilaa iyo inta Ciraaq la xoreynayo.

Raghad waxaa qabi jiray Hussein Kamel Hassan al-Majid oo ay Saddam ahaayeen ilmo adeer labaad waxaana isaga iyo walaalkiis Saddam Kamel oo isna qabay gabadha kale ee Saddam dhalay ee Rana la dilay sanadkii 1996-kii, ka dib markii ay ka soo laabteen wadanka Jordan oo ay xaasaskooda ula baxsadeen iyagoo lagu eedeeyey khiyaano ka dhan Saddam Xuseen, iyadoo Hussein Kamel Hassan al-Majid uu u gudbiyey macluumaad sir ah oo ku saabsan hubka Kiimikada ee Ciraaq Qaramada Midoobay, Sirdoonka Mareykanka & Ingiriiska ee CIA-da & MI6.

DHAMAAD:

Tixraac:
Buugga Saddam Hussein: The American Cell (Waxaa qoray Khalil Al-Dulaimi -Qareenkii Saddam)

Wargeysyada Al-Hayat, Washinhton Post & Telefishinka Al-Carabiya, baraamijka Panorama ee BBC World.

Mahadnaq: Waxaan aad ugu mahadclinaya ALLE SWT oo ii suurtafliyey inaan xogtan aan la wadaago asxaabteyda iina sahlay qorista, dabagalka, akhtinta iyo ururinta xogta macluumadkan aadka u badan, marka waxaan u mahacelinayaa xaaskeyga qaaliga Sirad Saafi oo igu gacan siisay qormooyinkan, gaar ahaan waqtiyada qorista iyo diyaarinta xogtan kaalinteydii qosyka iyo teedda isku darsatay.

Waxaa kaloo aad ugu mahadcelinayaa asxaabteyda sida wayn qormooyinkan ugu taxnayd si waynna iigu dhiirigaliyey qorista, anigoon mid mid idiin xusi karin aad baad u mahadsantihiin ALLAHA idin barakeeyo.

Comments

  1. salaan gobeed mr mowliid howl culus ayaad umada u haysaaa

    ReplyDelete

Post a Comment

Popular posts from this blog

Qaybtii 1-aad: Dhaawicii Qalbiga !! ( Sheeko ku saabsan qiimaha samirka & xanuunka qiyaanada)

About Mowliid Haji Abdi

Dalkan & dadkan ayaa la isku haystaa (Yaa u maqan oo aynnu sugaynnaa ?)