Ku darso intaad ka ogtahay: Dhufayskii Sadaam Xuseen.Qaybtii 4-aad



                                               Diyaarinta: Mowliid Xaaji Cabdi.

Ciidankii way aamuseen waxaa la wada sugayaa hadalka wuxuu u muuqdaa nin gabi ahaanba jabay, haddii uu xoogaa aamusnaa ayuu gacamaha oo katiinad kaga xiran tahay wuxuu ku bixiyey tilmaan, wuxuu tilmaamaya meel u jirta ilaa 5 feet halka uu taagan yahay, waxaa meesha ku dedan roog, mid ka mid ah ciidamada ayaa ku taagan Rooga isagoo yaaban ayuu hoos u fiiriyey.

Al-Musslit, wuuxu si hoose u yiri “Kani waa dhufayska” Kani waa godka aad ku taagan tihiin, ciidankii si yaab leh ayay u eegeen Al-Musslit oo leh “halkan qoda, qod wuxuu ku tilmaamaya caftiisa.

Roogii ayaa la qaaday, mid ka mid ah askarta ayaa bilaabay in uu qodo dhul jilicsan, ilaa 15 baac markii uu socday ayuu joogsaday, waxaa ka horyimid laba xarig oo ka soo horeeya god hal nin uu gali karo.

Samir oo ka hadlaya waxa habeenkaas maskaxdiisa ku soo dhacay ayuu yiri “Waxay ila noqon wayday run, waxaynu ka arki jirnay Sadaam Telefishinada, wuxuu ahaa geesi, nin awood badan, nin laga baqo, si kastaba ha ahaateen iimma ahayn dhab inuu ku jiro godka aan dul taagannahay, kaasi oo ahaa mid aad u yar oo wasaq badan”.

Godku wuxuu hoos u qodnaa 6 ilaa 8 feet ama 2.46 meter, xagga ugu hooseysa waxaa jiray albaab ciriiri ah oo ah halka laga galo dhufayska ama dhuunta taasina ma ahayn halka uu ku dambayn karo 66 jirka awoodda badnaa waa Sadaam.

Mid ka mid ah ciidamadda ayaa rasaas godka ku aadiyey furay, ka dibna waxaa ka soo baxay cabaad argagax leh.

“Samir", sidaa waxaa ku qayliyey askari wuxuu leeyahay “Kaalay la hadal, u sheeg in uu bannaanka u soo baxo, inta aan la dilin”.

Samir wuxuu galay godkii isagoo bilaabay uu u durko qayb mugdi ah, waxa kaliya ee iftiimayey waxay ahaayeen iftiinka tooshka ee qoryaha ku rakiban.

Samiir wuxuu ku hadlayaa af Carabi isagoo leh “waxaan doonnayaa innaan arko gacmahaaga, gacmaha kor u taag “. Godka waxaa ka soo baxay cod jawaab ah oo af Carabi ah oo leh “Ha i dillin, ha i toogan, ha i dillin”.

Saddam ma awoodin inuu fahmo amarka la siinayo ee ah in uu gacmaha kor u taago, markii hore wuxuu kor u taagay gacanta midig, ka dibna ciidamadda ayaa iyagoo hadalka u marsiinaya turjubaanka waxay leeyihiin “waxaan doonnaynaa innaan aragno gacantaada kale” ka dibna Sadaam gacantii midig ayuu inta dajiyey wuxuu haddana kor u qaaday gacanta bidix oo wuxuu u qaatay inaan doonnayno inaan aragno gacantiisa bidix”.

Samiir wuxuu leeyahay “Waxaan u sheegay in labada gacmood uu kor u qaado”, ka dibna laba gacmood oo gariiraya ayuu kor u taagay, waxaa inoo xaqiiqowday in aanu hub sidan oo aannu doonayn in uu innaga nagu dilo ama uu isagu istoogto, waxaa kaloo laga cabsi qabay in uu gacanta ku haysto qalab uu ku qarxin karo dhufayska”.

“Uma haysan qofka aan la hadlayo inuu ahaa Sadaam, ninkii nolashayda burburiyey, haddii uu ahaana waxaan doonayey inaan godka ka soo bixiyo oo aan arko in uu isaga yahay” ayuu yiri Samiir.

Samiir wuxuu ku booday gacmaha Sadaam, ka dibna ciidamadii ku hareeraysnaa ayaa ku soo biiray oo Sadaam dharkii ka siibay, waxay bilaabeen inay jiidaan garkiisa aadka u baxay iyo timihiisa sida wayn ugu baxay, ciidankii waxay bilaabeen inay kor u qaadaan xagga godka afkiisa ka bixiyaan ka dibna dhulka ayay ku tureen.

Markii uu dhulka lagu tuuray uma muuqan nin bahdilka iyo qoryaha ku soo foorara cabsi ka qaba hal erey ayuu yiri oo ahaa “Ameerikaanow sabab?” taas oo la macno ah sidaa maxaad ula jeedaan isagoo yaab ka muuqdo .

Muuqaalkiisu wuxuu ahaa mid da’a ah, wuxuu ahaa nin daalan meel kasta oo jirkiisa ka mid ah tinta ku taal aad ayay u baxday, tinta madaxa way isku dhagdhaganayd lamana qiyaasi karin inta maalmood ee aanu qubaysan.

Samir wuxuu leeyahay “Si caro leh ayaan dareenkeyga u qarinayey, aad baan ugu caraysnaa, marmarka qaar xaqiiqdii, xaqiiqdii waali ayaan ku dhawaa”.

Intii ay ciidanku ay katiinada gacmaha ugu xirayeen Sadaam ayna baarayeen Samir dhagaha ayuu uga qayliyey isagoo leh “Wadankeennii ayaad burburisay, aaway balanqaadkii aad ka sameysay Telefishinka ee aad ku tiri ‘waan dagaalami doonaa ciidamada xulufada’, taas ma aadan samayn, axmaq ayaad tahay, aaway ciidankaagii, aaway ilaaladaadii, aaway dadkii kuu dagaalami lahaa, ma jiro qof kuu dagaalamaya, waxaad ku dhuumanaysay godkan sida dooligii”.

Saddam isagoo ka jawaabaya hadalka Samir ayuu si la yaab leh oo aan casbi ku jirin wuxuu ku jawaabay “Waxaan haystaa dad ii dagaalama” intaas kuma ekaan’e wuxuu isagoo Samiir af carabi kula hadlaya yiri “Geesiyaasha Ciraaq, Ciraaqiyiinta sare ayaa la dagaalamaya Ameerikaanka, waxaan ahay Sadaam Xuseen, waxaan ahay madaxweynaha. Sidaa iilama hadli kartid, ma ogtahay inaan ahay Sadaam Xuseen”.
Waa socotaa......

Tusmo:Xuquuqda Sawirka: Google, waxaa ka muuqda Sadaam markii la qabtay.
Tixraac: Buugaagta & Jaraa’idka;

Debriefing the President: The Interrogation of Saddam Hussein Waxaa qoray John Nixon oo ka tirsanaa ciidamadda CIA-da ahaana ninkii ugu horeeyey ee Sadaam ku sameeyey wareysiga qabashadiisa ka dib.

Saddam Hussein: A Biography (Waxaa qoray Shiva Balaghi).

From Dictatorship to Democracy: An Insider's Account of the Iraqi Opposition to Sadam (waxaa qoray Hamid al-Bayati).

Flight from Saddam (Waxaa qoray Qasim Albrisem)

Wareysyada Al-Quds Al-Arab, Sunday Times iyo Sydney Herald.

Comments

Post a Comment

Popular posts from this blog

Qaybtii 1-aad: Dhaawicii Qalbiga !! ( Sheeko ku saabsan qiimaha samirka & xanuunka qiyaanada)

About Mowliid Haji Abdi

Dalkan & dadkan ayaa la isku haystaa (Yaa u maqan oo aynnu sugaynnaa ?)