Ku darso intaad ka ogtahay! Dhufayskii Saddaam Xuseen Qaybtii 5-aad



Diyaarinta: Mowliid Xaaji Cabdi

Samiir waa nin isku hallaynaya ciidamadda Mareykanka ee dul dhooban Saddaam inta ku booday oo uu garka labadiisa gacmood uga jiiday oo uu ruxay ayuu indhaha isagoo uga qaylinaya wuxuu yiri “Waxaad leysay Kurdiyiinta, waxaad gumaaday Shiicada, waxaad burburisay wadanka”, ka dibna wuu ku candhuufay.

Samiir oo fasiraya waxa uu ula jeedo candhuufta iyo hadalkaas ayaa yiri “Waxaan doonayey in uu dareemo innaanay jirin wax uu yahay, taasi oo ahayd habkii uu inoola dhaqmi jiray sanooyin badan”.

Sadaam mar kale ayuu si kulul inta u eegay Samir wuxuu ku iri hadallo shakhsi u taabanaya isagoo leh;

“Wax aad tahay ma leh, waxaad tahay Khiyaanoole, waxaad tahay Jaasuus, Ma tihid reer Ciraaq”, Samaad cdka ayuu inta kor u qaaday isagoo qaylinaya wuxuu yiri;

“Wadanka anigu ma burburin, Ameerikaanka ayaa burburiyey, waxaan ahay Saddaam Xuseen, Ciraaqiyiinta sharafta leh, Ciraaqiyiinta wanaagsan, aqoonso midka uu yahay Sadaam, adigu ma tihid mid fiican, waxaad jeceshay Mareykanka, waxaad tahay Jawasiis”.

Hadalkaas wuxuu Samiir ku noqday waran laabta laga suray, isagoo ka hadlaya dareenkiisa yuu yiri;

“Wuxuu igu abuuray niyad jab, ka dibna wajiga ayaan feer kaga soo qaaday dhawr mar ilaa dhiig ka yimid afka, ka dibna ciidankii hayay ayaa dhulka ku tuuray, aniguna waxaan bilaabay inaan haraati u galiyo”.

Laakiin intaas kuma dhamaan xaaladii dhextiil Saddaam iyo Samir oo ahaa turjubaanka ciidamada Mareykanka ee qabashiisa gaystay, intii la sugayey diyaarada helicopter-ka ee lagu qaadi lahaa Saddaam, Samir wuxuu u jeedaa Saddaam oo cirka fiirinaya, ka dibna wuxuu ku yiri “Ka waran quruxda cirka, ma u jeedaa xidigaha, oggow mar dambe ma arki doontid xiddigahaas, waxaad ku noqon doontaa maxbuus Cuba, halkaas oo aad ku jiri doonto ilaa iyo inta aad ka dhimanayso, taaasi waa waxa aad heli doontid , waana mida aad istaahishid”.

Sadddaam oo si wanaagsan u dhagaysanayey hadalka jees jeeska ee Samir ayaa ku jawaab celiyey “Xiddigaha ma eegayo, waxaan eegayaa awooda ALLE”.

Laakiin Saddam oo hadalkii wali aan dhammayn ayaa waxaa ka dhexgalay Samir wuxuuna ku iri “Ma taqaanid xitaa ereyga ALLAH, haddii aad ALLE taqaanid ma aadan samayn lahayn waxa aad ku samaysay wadanka, waxaad dishay Ciraaqiyiinta, waxaad laysay caruur, waxaad gumaad dad waayeel ah, ALLE ayaad ka soo horjeeda”.

Saddaam hadalka Samir isagoo ka jawaabaya ayuu isagoo aad u qaylinaya wuxuu yiri “ALLE waa i jecel yahay, waxaan ahay Sadaam Xuseen waxaan ahay nin wanaagsan, dadkuna way garanayaan midka uu yahay Saddaam”.

Iyadoo hadalkii weerarka iyo weerar celiska ahaa ee u dhaxeeyay Saddaam iyo Samir ayaa waxaa soo degtay diyaaradii helicopter-ka ee la doonayey in lagu qaado, markii ay ciidamaddii damceen inay u dhaqaajiyaan xagga diyaarada ayuu Saddaam ka gilgishay isagoo ka biyo diiday in uu raaco diyaarada, laakiin looma joojin oo inta ay ku soo yaceen tobaneeyo askar ah ayaa diyaaradii lagu tuuray ka dibna la amray inay u dhaqaajisyo goobta loogu gala galay in la geeyo”....Waa Socotaa


Tusmo:Xuquuqda Sawirka: Google, waxaa ka muuqda Sadaam oo kor u haya Bistoolad intii uu xukunka hayay.

Tixraac: Buugaagta & Jaraa’idka;

Debriefing the President: The Interrogation of Saddam Hussein Waxaa qoray John Nixon oo ka tirsanaa ciidamadda CIA-da ahaana ninkii ugu horeeyey ee Sadaam ku sameeyey wareysiga qabashadiisa ka dib.

Saddam Hussein: A Biography (Waxaa qoray Shiva Balaghi).

From Dictatorship to Democracy: An Insider's Account of the Iraqi Opposition to Sadam (waxaa qoray Hamid al-Bayati).

Flight from Saddam (Waxaa qoray Qasim Albrisem)

Wareysyada Al-Quds Al-Arab, Sunday Times iyo Sydney Herald.

Comments

Popular posts from this blog

Qaybtii 1-aad: Dhaawicii Qalbiga !! ( Sheeko ku saabsan qiimaha samirka & xanuunka qiyaanada)

About Mowliid Haji Abdi

Dalkan & dadkan ayaa la isku haystaa (Yaa u maqan oo aynnu sugaynnaa ?)