Ku darso intaad ka ogtahay! Dhufayskii Sadaam Xuseen Qaybtii 3-aad

                                                Diyaarinta:Mowliid Xaaji Cabdi

Qaybtii labaad waxay inoo joogtay ciidamada sirdoonka Mareykanka oo Mohammed Ibrahim Omar al-Musslit lagu naanayso “Ninka Shuluqa ah” ahaana ninka labaad ee kaliya ee ogaa godkii Sadaam Xuseen ku jiray la geeyey magaalada Baqdaad gaar ahaan qasriyada Sadaam uu lahaa mid ka mid ah halkaasi oo loogu gaystay baaritaan sida muuqatana “jirdil huwanaa” waayo, markii hore wuxuu u sheegay ciidamada been oo wuxuu yiri “Sadaam waxaa iigu dambeysay xilli hore”.

Turjubaankii ciidamada Mareykaka ee Sadaam qabtay oo lagu magacaabi jiray Samiir wuxuu ku sheegay wareysi uu siiyey wargeyska Sunday Times in Al-Musslit uu yiri “Fadlan ha idillina, waxaan idin gaynayaa halka uu joogo Sadaam inta goor goor tahay oo Sadaam aannu ogaan in la i qabtay, marka inna dadajiya hadda aynu dhaqaaqno”.
Qolkii lagu wareysanayey al-Musslit waxaa la tusay qariirada Tikrit, waxaa la waydiiyey halka uu joogo Sadaam wuxuu tilmaamay magaalada Ad-Dawr gaar ahana dhul beeraley ah oo uu leeyahay nin ka mid ahaa kuwa daacada u ah Sadaam.
Xubno ka mid ah ciidamada Task Force 121 waxay wadeen al-Musslit iyagoo u qaaday goobtii uu sheegay in Sadaam ku dhuumanayo, markii goobtaas loo dhawaaday waxaa la saaray baabuur nooca ay Ciraaqiyiintu isticmaalaan oo muraayadihiisu madow yihiin oo bac lagu dhajiyey, iyadoo taas looga dan lahaa in uu ku tago meesha uu sheegay aqoontiisa.
Qoraxdu markii ay dhacday ciidamadu waxay xireen dhul gaaraya 2km iyagoo sidoo kale sameeyey xayndaab 4km oo kale, waxaa kale oo aagaas dul heehabayey dayuuradaha khumaatiga u kaca nooca loo yaqaan Apache.
Saacaddu markii ay ahayd 8-dii fiidnimo waqtiga Ciraaq cutub gaar ah oo ka mid ahaa ciidamada hawlgalka fuliyey waxay u daateen laba dhisme oo la aaminsanaa in Sadaam Xuseen uu ku jiray, laakiin dhismayaashaas waa lagu hungoobay oo waxay ahaayeen kuwa cidlo ah oo haawanaya.
Laakiin al-Musslit wuu ogaa taasi ina ahayd xeel dagaal oo waxaa jiray goob qarsoodi ah oo dhulka hoosiisa ah oo halkaas ku tiil, ciidamadu waxay isku dayeen inay goobta ku sameeyaan baaritaan, iyagoo isagana kaxeystay, laakiin wuu dhumay maadama ay ahayd gudcur dhulkuna wuxuu ahaa mid dhiiqo ah.
“Wuxuu had iyo goor lahaa, Kan, maya, maya, mid kale, may, midkan, mid kale, laakiin iyadoo ay caawinayso ookilyaasha habeenkii wax laga arko ayuu ugu dambeyn al-Musslit wuxuu helay dhismihii” ayuu yiri Samir oo ahaa Turjubaanka ciidamada Mareykanka oo waregyska Sunday Times uu ka waraystay dhacdadaas.
Ciidamadu waxay qabteen laba nin oo beeraley ah oo watay laba qori oo AK47, laakiin ma jirin wax muujinaya inay ahaayeen Sadaam ka dibna waxaa lagu hayey goob ku dhow wabiga Tigris si aannay u bixin wax sir ah inta lagu jiro hawlgalka.
Gudaha labada dhisme waxaa jiray qol yar oo jiif ah iyo Jiko, qolka jiifka waxaa yiil dhar iyo kabo, jikada waxaa tiil cunto, waxaa kale oo ka muuqday dhar la dhaqay oo ku warnaa laba geed oo timir ah dhexdooda.Laakiin halkaasi lagama helin Sadaam Xuseen iyadoo waliba Eeyaha wax uriya aanay waxba tilmaamin.
Ciidamadii waxaa ku cadaatay xaalad adag oo waxay garan waayeen wax ay sameeyaan, labadii nin ee beeralayda ahaa oo ahaa walaalo ah ayaa la soo waday, ka dibna waxaa lagu sameeyey cabsi galin sida in Eeyo lagu soo daayey, handaddaad ayaa loo gaystay oo waxaa loo sheegay in la xiri doono oo nolashooda inta ka dhimanna xabsi ku jiri doonnaan, waxaa xitaa Samiir uu sheegay in marmar uu gacanta u qaaday isagoo ku leh; “Waan ognahay in Sadaam halkan joogo, waynnu ognahay in halkan uu ku yaal dhufays ee sheega meesha uu yahay”.
Laakiin wiilashii oo da’da labaateemayada ku jiray waxay muujiyeen inaannay ogayn meel uu joogo Sadaam, laakiin Samiir wuxuu sheegay in uu dareemayey in wiilashu ay been sheegayeen oo ay diidanayeen in ay Sadaam sheegaan oo ay qiyaamaan. Wiilasha si kasta oo loogu gaysan karo cabsi galin wax hadal ah kama soo bixin xitaa inta lakala waday ayaa mid kasta geestiisa su’aalo iyo cago-jugleyn loogu gaystay.
8:25 daqiiqo fiidkii ciidamadii waxay keeneen goobta al-Musslit oo gacmaha ka xirnaa, waxaa markiiba ku soo yaacay ciidamada kuwa ka mid ah oo aad u caraysnaa iyagoo qoryahooda ku liishamaya waxay si carol eh u lahaayeen “Ninkan shuluqa ah, waxaad noo sheegtay in Sadaam halkan joogo, waxaad noo sheegtay in uu jiro god dhulka ku hoos yaal, hadda sheeg, aaway dhufaysku”, Hadalka waxaa u turjumayay Samiir.
Ciidankii way aamuseen waxaa la wada sugayaa hadalka al-Musslit wuxuu u muuqdaa nin gabi ahaanba jabay, haddii uu xoogaa aamusnaa........Waa Socotaa.......La soco qaybta 3-aad sheekada oo xiiso leh kuna saabsan markii la qabtay Sadaam Xuseen, wixii lagu arkay, siduu u dhaqmay, hadaladii yaabka lahaa ee uu ciidanka qabtay uu ku yiri sida "Waxaan ahay Madaxweynaha Ciraaq", markii la arkay isagoo cirka fiirinaya oo loo qaatay in uu xidigaha eegayo hadalkii yaabka lahaa ee uu ku jawaabay, iyo macluumaad kale oo muhiim ah....Waa Socotaa....

 La soco qaybta 4-aad

Tusmo:Xuquuqda Sawirka: Google, waxaa ka muuqda askari Mareykan ah oo ku sugan qolkii uu deganaa Sadaam ee dhulka hoostiisa ku yiil oo ah halkii laga soo qabtay.
Tixraac: Buugaagta & Jaraa’idka;
Debriefing the President: The Interrogation of Saddam Hussein Waxaa qoray John Nixon oo ka tirsanaa ciidamadda CIA-da ahaana ninkii ugu horeeyey ee Sadaam ku sameeyey wareysiga qabashadiisa ka dib.
Saddam Hussein: A Biography (Waxaa qoray Shiva Balaghi).
From Dictatorship to Democracy: An Insider's Account of the Iraqi Opposition to Sadam (waxaa qoray Hamid al-Bayati).
Flight from Saddam (Waxaa qoray Qasim Albrisem)
Wareysyada Al-Quds Al-Arab, Sunday Times iyo Sydney Herald.

Comments

Popular posts from this blog

Qaybtii 1-aad: Dhaawicii Qalbiga !! ( Sheeko ku saabsan qiimaha samirka & xanuunka qiyaanada)

About Mowliid Haji Abdi

Dalkan & dadkan ayaa la isku haystaa (Yaa u maqan oo aynnu sugaynnaa ?)