Saado Cali ma qabiil bay ka geeriyootay mise Qaran ?
Qalinka Mowliid Xaaji Cabdi
![]() |
Xuquuqda Sawirka: Amin Arts |
Geerida Marxuumad Saado Cali Warsame
ILAAHAY ha u naxariistee waxay aheyd mid naxdin ku ah dhamaan shacabka
Soomaaliyeed dal iyo dibad, waxay ku soo aaday xilli xasaasi ah oo wadanku ku
jiro marxalad cuqdada iyo is-nacaybku uu marayso darajada hurdigga ama jaalaha
oo ah darajada labaad ee ka hooseysa tan cas ama gudduudan, waxay dhimashada
Saado ku soo aaday xili madaxbanaanidda iyo hanaanka dawladnimo ku jiro mugdi
oo aan la aqoon waxa dhici doona 2016-ka marka uu dhamaado waqtiga dawlada uu
madaxweynaha ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuu ku soo aaday xilli khilaafka
dhinacyada siyaasadeed ee dalka uu marayo heer aad u sarreeya, xilli dalka ay
soo buuxdhaafiyeen ciidamo ajanabi ah oo ujeedooyin kala duwan leh, xilli
Baddaha Soomaaliyeed muran iyo qiil-qiil ku jiraan, xilli ugaarsiga cid kasta
oo hami dawladeed iyo mid siyaasadeed ku jiraa oo noqday tusbax afka laga
furay.
Dilkan iyo kuwii kale ee ugu
dambeeyey wuxuu ku soo aadayaa xili propaganda dagaal, is-eedeynta nacyabka
qabiil salka ku haysa, hadallada cadowtinimo ee qabaa’ilku uu gaaray heer
xishoodkii laga tagey, kuwaasi oo intooda badan ka imaanaya qurbo joog la
filayey in wixii qibrad ahaa ee ka heleen dalalkii ay u soo hayaameen dib ugu
celiya dalkooda balse taasi badalkeedii hadda qayb ka ah damqinta nabarada
colaadeed haaraha qabiil ee diiftu weheliso ee dagaaladu badeen shacbiga
Soomaaliyeed.
Dilku wuxuu ku soo aadayaa xilli
rajada shacabku ka qabtay isu soo dhawaansho, dib u heshiisiin, is-cafis nabad
ku wada noolaansho ay hadda gabi dheer ka laadlaado taasi oo ay ugu wacan tahay
siyaasiyiinta maanta Soomaalida hogaaminaysa oo ay ku yar tahay karti
hogaamineed, tanaasul, wadaninimo, magac iyo sharaf ka tag kuwaasi oo wax isku
quurid la’aantooda, xishood la’aantooda iyo shisheeye kalkaalnimadoodu dhalisay
dilkan, kuwii ka horeeyey lagana yaabo inay sii dhaliso kuwa kale oo hor leh
illeyn cid kasta waxay ka faa’ideysanaysaa fursadahan kor ku xusan oo khayr
laawaasha qayb kasta ka kooban fursadooda tahay.
Haddii aan u soo daadago dulucda maqaalka
Saado Cali Warsame tan iyo markii uu soo baxay warka naxdinta leh ee geerida
Saado Cali waxaa kordhay hadalada nacaybka iyo dano qabiilka huwan ee loo rogay
geerida marxuumada, kuwaasi oo badankoodu ku soo biyo shubanaya siyaasadaha
is-diidan ee ay horseedka ka yihiin kuwa fashilmay oo doonaya in ay wali
shacabka sunta iyo waabayada qabiilka ku habaan 24 sano ka dib.
Dadka fidno hurinta wada ee maanta
Saado Cali qabiilka ku saleynaya dilkeeda waxaanay ogeyn in Saado Cali qabiilka
lagu riixayo iny u dhalatey maamul dawladeed oo uu hogaaminayo inay 24 sano ka
hor iyadoo cidi ku dhiirikarin inay dareenkeeda cabirtay suugaan liddi ku aheyd
maamulkii xiligaasi jirey, iyadoo dad badan oo ka soo jeeday beelihii
mucaaradka ku ahaa xukuumaddaas waxay xilal ay ku qanacsan yihiin ka hayeen
tawradaas halka kuwa kale ay af iyo adin ku difaacayeen.
Dadka maanta Saado Cali qabiilka ku
riixay maalinkaasi waxay u arkayeen qof liddi ku ah dannaha beesha, waxay u
arkayeen inay qiyaano ku kacday oo ay mucaarad tahay, laakiin fikirkeeda iyo
sidii wax ula muuqdeen sax ama qalad ayey soo bandhigtey, dadkii caynkaasi ah
ayaa maanta Saado Cali kaaga horreeya oo doonaya in ay ka xigsadaan Soomaali oo
dhanna garabka ku riixaan.
Durbaanka qabiil ee la tumayo lama
oran karo waa arrin qabiil balse waxay u muuqataa inay ka soo maaxanayso maskax
dad dano gaar ah wata oo doonaya in ay ummada cuqdada iyo shiddada ku sii
fogeeyya, waxayna salka ku haysaa xifaaltan siyaasadeed oo loogu raad gabanayo
magac qabiil waana halka ay Soomaali ka tiri “Reerka meelaan loo hubsan looma
haatiyo”.
Saado Cali wadkeedii baa galay,
dhiiggeeda ku daatey Muqdisho wuxuu sidii maqaalkii hore aan ku xusay ku yahay
dharbaaxo ceebeed dadka sheeganaya Muqdisho kuwaasi oo looga baahan yahay inay
laba kala saaraan Muqdisho waa caasimaadii oo waxaan doonaynaa inaan Soomaali
hogaamino iyo dilka hal doorka maalin kasta dhiigiisa hadda loo warayo,
inkastoo gacmaha wax dilaya meel kasta ka imana karaan.
Ogow Saado markii ay dhimanaysay
waxay aheyd xildhibaan Soomaaliyeed oo mataleysay shacabka Soomaaliyeed har iyo
habeenna calanka madaxa ku sidatey, haddii ay u dhimatey qodax siyaasadeed,
mu’amaard kale iyo haddii ay u dhimatey maamulka ay ka midka aheyd
xubanimadiisa waxaan dood iyo shaki ku jirrin inay aheyd qof Soomaali oo dhan
ka geeriyootey, Soomaali oo dhan tabi doonto, Soomaali oo dhan xusuusan doonto
oo qalbigooda ka go’i doonin shakhsiyadeedii iyo qaabka foosha xun ee dilkeedu
u dhacay.
Siyaasiyiin danahooda guracan eeganaya oo xiiso iyo hillowga u qaba inay shacabka sii kala fogeeyaan ayaa doonaya in ay dilkan u sababeeyaan arrimo qabiil isla markaana awr ku kacsi kaga dhigtaan ficiladooda qabyaaladda ku subkan, halkii ay ummadan colaadda iyo rajo beelka ku sugan ugu gurman laahaayeen aqoontii ay ka dhaxleen canshuurtii wadanka ee ay waxkubarteen.
Baaqyada dhanka qabiilka ku saleysan ee ku aadan in xildhibaanadda iyo dad kale ee xubnaha ka ah dawlada ee gobolada dalka ka yimid ay isaga baxaan Muqdisho waxay qayb ka yihiin dib u damqinta boogta qabyaaladda, waxaase lagu kala aragti duwan yahay arinkaa waayo dooda ay qabaan dadka Muqdisho ku dhaqan waxaa ka mid ah xildhibaan ama wasiir aan gobolkiisa hal askari ka keeni karin sababta ay u joogaan caasimada isla markaana ay u biilannayaan dhaqaalaha dekadda iyo garoonka Muqdisho halka aanay canshuur ka keeni karin deegaanadoodda fikirkan ama doodan oo ku saleysan kala qoqob iyo kala fogeyn umadeed wuxuu la mid yahay fikirka ah "Muqdisho ha ka baxaan dadka gobolada ka soo jeeda", waana fikrado dhamaantood u hiilinaya danaha cadowga, midnimo la'aanta iyo kala fogeynta shacabka Soomaaliyeed.
Uggu dambeyntii dadka doonaya inay
turub siyaasadeed u adeegsadaan dilkan oo ay danno siyaasadeed uga
faa’ideystaan iyo kuwa danaha qabiil u durbaan tumayow ogaada “waa la doogiye
yaan la dacaroon”, waxaa kaloo calaamad su'aal adag saaran tahay dawlada Soomaaliya
sida ay u wajahdo baaritaanka iyo xaqiijinta in cadaalada la horkeeno dadkii ka
dambeeyey dilkan iyo kuwa la midka ah, iyadoo hay'addaha amaanka looga fadhiyo
arinkan haddii kale ay cadeeyaan inaanay awood u laheyn sugida amaanka iyo
xaqiijinta dadka dawlada ka tirsan, ileyn waxaynu marqaati ka nahay karti
xumida dhanka amaanka ee gaartey in xitaa hal askari aanu la socon xildhibaankan shalay Muqdisho lagu qashay.
Marxuumada ILAAHAY ha u naxariisto,
Soomaalina ILAAHAY qalbigooda ha isku soo duwo.
Comments
Post a Comment