Qalinka: Mowliid Xaaji Cabdi
 |
Marxuumad Ex-fanaanad Saado Cali Warsame (Sawirka Google) |
ILAAH ha u raxmadee Marxuumad Xildhibaan Saado Cali Warsame ayaa saaka lagu dilay Muqdisho, rag hubaysay ayaa weeraray iyadoo saaran baabuur ka dibnna rasaas oodda ugga qaaday waxaa geeriyooday Saado iyo wadihii gaarigga.
Uggu horreyn marxuumadda geerideeda waxaan uga tacsiyeynayaa qoyskeeda iyo ehelada ay ka baxday, marka xiga geeridda Saado Cali iyo dad badan oo bulshada Soomaaliyeed qiimo u lahaa waa qayb ka mid ah fashilka siyaasadeed ee wehelka u ahaa maamuladii dalka soo maray iyo kuw haatan jira gaar ahaan wuxuu dharbaaxo ceebeed ku yahay Dawlada Soomaaliya guud ahaan hay'adaheeda kala duwan, dawladaas oo Wasiir, kuxigeen, xildhibaan, taliye, gudoomiye, sarkaal, ciidan iyo xubin kale har iyo habeen lagu qalanayo magaalada Muqdisho.
Dilka Saado Cali ee maanta ka dhacay Muqdisho ma ahan kii ugu dambeeyey mana noqon doono kii ugu dambeeyey wuu socon doonnaa illaa iyo inta la la'yahay nidaam maamul iyo dawladeed oo si wadaninimo iyo feejignaan uga shaqeeya Muqdisho, inta hay'adaha amaanka habacsanaanta iyo fadhiidka ka baxayaan, inta la la'yahay haykal dawladeed oo dalka ka saara jid iyo jiho la'aanta, inta askariga amniga loo xilsaaray uu aaminsan yahay inuu qabiilku kala qiimo badan yahay qaranka oo aanu oggeyn in uu hellayo mushaarkiisa lagguna hanuunnin dal, diin iyo dad jacayl, inta khilaaf siyaasadeed, isqabqabsi siyaasiyiin, xukun jacayl, iyo shisheeyuhu gacan ku leeyihiin hogaanka, amniga iyo mustaqbalka dalka.
Ceebta,naxdinta iyo fadeexada Muqdisho taal waxaa kaloo sabab caasimad laba dhinac oo isdirirsan ku wada sugan yihiin waa Dawlada iyo Al-Shabaab, inkastoo aan la hubin in dhamaan dilalka iyo mu'maradaha Muqdisho ka dhacaya ay 100% Shabaab kuwada dambeeyaan haddana dawladu ama Shabaab hala heshiiso oo nidaamka dawladeed hala qaybsato ama yaanay dugsan oo caasimada qolo ha u harto illeyn sidan cidna kuma badqabtee.
Iggama ahan dhaliil, igama ahan inaan necbahay caasimadda dalkeyga laakiin Muqdisho waxay u baahan tahay sidan si dhaanta dadka deggan magaaladda waxaa iyagana loogga fadhiyaa inay la yimaadaan xalka koowaad oo ah sugid amni aynna ka sugin dawlada maadama ay ku guuldaraysatay amnigii caasimada oo la helaa nidaam gobol oo bal horta amniga iyo adeegyada bulshada la wareega dawladuna ku taageerto.Haddii sidan la isku dhex qasan yahay, la isku eeganayo, la isku dhigayo sirriqda iyo dabinka waxaa halis gali doonta inta ku nool Muqdisho, maqaamkii caasimadda iyo hanaankii dawladnimo lagu hiigsan lahaa.
Waad mahadsantihiin.
Fikirkaaga si xor ah u soo gudbi.
ReplyDelete