Posts

Showing posts from September, 2014

Nabadda Mudug mudnaan bay leedahay !!

Image
Qalinka: Mowliid Xaaji Cabdi Maalmihii la soo dhaafay xiisad colaadeed, hanjabaad, cirka oo Isbaaro la dhigto, mid kale oo lagu hanjabo, hub urursi, ciidan diyaarin, habar wacasho, hadalo xanaf leh oo aan nabadda u hiilineyn, guluf colaadeed oo loo xusul duubanayo oo aan aheyn danta maatada, ilowsho foolxumadii colaadda, daan-daansi qabyaaldeed, daneysi qabiil iyo qabqable, u fiiro la’aanta inta wiil ku le’day colaad aan dan iyo horumar lagu gaarin, sacabo tummid dad badan oo qaybaaladu indho tirtay, olole qiimaha nabada laga sare mariyey dhiig daata,iyo bawdo qaawis  laga qoomameeyo aakhirkii ayaa ka soo yeeraya gobolka Mudug, tiiyoo siyaasiyiinta maamulada Puntland iyo Galmudug garabka Cabdi Qaybdiid u xiiso qabaan inay dhiiga labada shacab si macno la’aan ah ku daato. Gaalkacyo waxay ku naaloonaysay wada-deganaasho nabadeed oo dhinacyadaasi ku heleen heshiiskii nabadeed ee Gaalkacyo colaadeedii lagu soo afjaray ee ay garhayeenka ka ahaayeen Jen. Caydiid iyo Col.C/...

Soomaalidu cashar fiican ayay ka qaadan karaan go'aankan (FAALO QIIRO XAMBAARSAN)

Image
Qalinka: Mowliid Xaaji Cabdi Todobaadkan waxaa dunidu si weyn uggu dhegtaagay dhawaaqa ka soo yeera dadka gobolka Scotland ee dalka Boqortooyada UK, kuwaasi oo u codeynayey in Scotland ku sii ahaato baaqi ka mid ahaanshaha midowga UK iyo inay noqoto dal madaxbanaan oo ka go’a dalkaasi intiisa kale, xiisaha arintan laheyd waxa weeye go’aanku ma aheyn mid dadka reer Scotland dibadda looga keenay wuxuu ahaa mid iyagu go’aanka aayo ka talintooda gacantooda ku jiray oo haddii ay ku gaaraan inay midnimada UK ku sii jiraan go’aan lagu xushmeeyo, haddii ay diidan oo ay dalbadaan dal madaxbanaan lagu ixtiraamo go’aankaasi ayna qaadato xukuumada Westminster ee ku dhisan boqortooyada midowday ee jirey in ka badan 300 oo sano. Maalimadii shalay dadka reer Scotland waxay u dareereen goobaha codbixinta waxaa markii ugu horeysay taariikhada UK la sharciyeeyey in ay codeyn karaan dhalinyarada gaar ahaan kuwa da’doodu tahay 16-ka sano kuwaasi oo madaxa loo saaray inay go’aan ka gaaraan aaya...

Amisom ma kufsi haween ayay u timid mise kaalmo nabadeed ?

Image
 Qalinka: Mowliid Xaaji Cabdi Fadeexo ceebeed, dambi culus, mahadho aan harrin, yax-yax, dullinimo, bah-dilid, gaboodfal, jirka ganacsi dumar iyo inkaar culus ayaa todobaadkan ka soo yeertey Soomaaliya, waxay qaylo dhaan ka timid hay’ad u dooda xuquuqd aadmiga oo lagu magacaabo Human rights watch, tiiyo qaylo culus ka soo saartey kufsiga ay ku kacayaan ciidamada Afrika ka socda ee Soomaaliya ku sugan kuwaasi oo haween caruur dhaley, kuwa gashaanti ah iyo saqiiro isugu jira dharka ka dhigay ka dibna xoog iyo xeelad ku kufsaday. Dhaqanka Soomaalida kufsigu wuxuu ka joogaa heer foolxumo oo reero isku baabi’i jireen tiiyoo colaada ka aloosanta gabdho abaahiska ay socon jirtey mudo aad u fog. Kufsiga hadda la soo wariyey wuu ka duwan yahay kufsigii iyo xoog ku galmoodkii ka dhex dhici jirey Soomaalida hadda waxaa ceeb iyo dambi dusha u saaran yahay ciidamada Afrikaanka ee Soomaalida aan lagala tashan imaanshahooda kuwaasi oo falalkooda dhaqanka xun ee cudurka iyo fasahaa...

Dooda barnaamijka Isir-raaca Afka Soomaaliga ee Cabdi-Good jeediyo:

Image
Qalinka: Mowliid Xaaji Cabdi Run haddii la eego oo ALLE laga baqo in wax la dhaliilo wax ceeb ah ma ahan, oo waxaa ku dhisan dunida dhaliil iyo amaan, waxaanse hubaa in Cabdi-Good uu daaha ka rogay dhako cusub oo ah in la isku dhaliilo qolooca, kufaa-kaca, turaanturada, hawltal-hamaga, doc-wareenka, gefka, maskax gadoonka, qoorsagaarada, suxulka, jilibka, teestada iyo haraatida lagu hayo fanka Soomaaliyeed gaar ahaan heesaha. Dhaqan doorsan ka daran ma jiro haddii bulshada laga galo afka oo uu ugu horreeyo fanka, waxaa Soomaalida ku habsadey qaran jab meel kasta saameeyey kaasi oo asiibay qayb kasta oo ka mid ah hiddaha, dhaqanka, nolasha ijtimaaciga ah ee bulshada, kaasi oo si gaar ah xididdada ugu siibay maqaamkii iyo quruxdii fanka Soomaaliyeed uu lahaa. Shaki kuma jiro in loo baahan yahay in la helo hannaan faneed oo badala fanaantii iyo fankii hore oo dabar go'a ku dhaw oo dadkii hal-abuurka iyo ku-luuqaynta caanka ku ahaa badankood noqdeen wax dhintey iy...