Boqorkii Jaahilka ahaa & labadii nin musaafurka ahaa (Sheeko kaftan dhable siyaasadeed)

Qalinka: Mowliid Xaaji Cabdi Sheeko aan ku saleeyey siyaasada xiligan ka taagan Soomaaliya waan kaftan dhable dhanka siyaasada ah. Laban nin oo saaxiibo ahaa ayaa maalin maalmaha ka mid ah waxay isku afgarteen inay cilmi aduun iy oo mid aakhiro baadi goobaan si ay noloshooda wax ugga badalaan, labada nin waxay ku gaareen go’aan xitaa haddii ay safar dheer ku qaadato doonista cilmiga inay ubbada(buraashada) u biyeystaan oo ay cagta maalaan, socod ayey bilaabeen wax ay socdaanba waxay maalinkii dambe ku soo dhaceen degmo uu maamulo nin Boqor dah oo lagu tiriyo in uu yahay nin Jaahil ah oo xukun jaceyl oo qofkii xukunkiisa soo faragaliya qoorta u dheereeyaa. Labada nin waxay habeenkii ku hoydeen degmadii waagu markii uu baryey waxay dadkii degmada su’aaleen meel cilmi diin laga barto iyagoo u sheegay inay yihiin cilmi doon, dadkii ay...