Dalkan & dadkan ayaa la isku haystaa (Yaa u maqan oo aynnu sugaynnaa ?)

Qalinka: Mowliid Xaaji Cabdi Soomaaliya waxay leedahay xeeb dhirirkeedu dhan yahay 3333 KM waxaannaa ay leedahay baddaha Badweynta Hindiya & Badda Cas waa dhul Istaraatiiji ah oo kullaala marin biyoodka muhiimka ah ee Bab el Mandeb kaasi oo ay maraan gaadiidka ka gudbaya Suez Canal, badda intaasi la’eg cid ma jirto waardiyeyso, wixii la doono ayaa lagga sameeyaa ciddii doontaan sida ay rabbto ayay uggu gooshtaa. Sanad kasta baddaha Soomaaliya waxaa si sharci daro ah looga kaluumaystaa kaluunka nooca qaaliga ah ee Tuna & Aargoosatada, Soomaaliya halkaasi waxay ku waydaa 300 milyan oo doolar oo sanad kasta ay ka heli laheyd kaluumaysigaasi. Sida ku cad warbixin dhawaan ay baahiyeen quburo baaritaan ku sameysay kaluumaysiga sharci daradda ah, Maraakiibta xeebaha Soomaaliya loogu kaluumaysto waxaa ka mid ah kuwa dunida mamnuuc ka ah in lagu kaluumaysto waxay jiidaan shabaag qaarkood la’egyihiin afar garoon kubad ciyaareed cabirkooda ama 13 diyaaradaha Jumbo Jet cabirko...