Khilaafka Madaxweynaha & Ra'isalwasaaraha:

Qalinka Mowliid Xaaji Cabdi
Saggaaro saw ima barato: Nin reer miyi ah oo aad u ugaaran jiray Sagaarada ayaa maalin isagoo la yaaban sida sagaarada uu u xasuuqo oo uu leebka ugu dilo waxaa ka soo fakaday hadal meel maray oo uu ku yiri "Sagaaro sow ima barato" wuxuu ula jeedaa isagoo falaartii iyo laabkii isku saaran yihiin oo uu soo kallahay ugaarsi ayaa sagaaro ordeysa hortiisa ka soo boodaa, hal mar ayuu leebka ku qabtaa sidaasina ku dilaa, hadaba waxaan ula jeedaa sheekadan Soomaalidu sow ma barato raggan siyaasiyiinta ah ee sanad kasta inta mashxarada iyo alalaska loo tumo marka la doorto iyadoo looga fadhiyo waxqabad iyo dawladnimo hal sano ka dib iyagii isku soo jeestaan oo is xag xagta ka dibna ku soo dhamaato iscasil iyo adigu is casil.
Qoraalkan waxaa igu dhaliyey inaan qoro markii ay soo baxday warbixinta ku aadan in khilaaf ka dhexqarxay Xasan Sheekh & Saacid Shirdoon, iyadoo khilaafku hadda marayo in uu iscasilo Ra'isalwasaaruhu ka dib markii culeys uu ka yimid dhanka Madaxweynaha.
Haddaba ka soo bilow C/qaasim Salaad & Galeyr ama Xasan Abshir, C/laahi Yuusuf & Cali Geedi ama Nuur Cadde, Sheekh Shariif & Cumar C/rashiid, Farmaajo ama Cabdiwali Gaas, sow ma muuqato in la la'yahay madax daacad ah oo dadkooda u naxa ama dalkooda dhibka saara kuwaasi oo sanad kaliya marka ay xilka hayaan is qabqabsada oo iyagu isku soo jeesta.
Waa wax dhici kara in la iskhilaafo oo siyaasayada la isku fahmi waayo, maxaase diidan in si quman oo biseyl siyaasadeed & tunaasul ku jiro xal loo gaaro oo ninkii wax dhibsada isagoo danta ummada eegaya si geesinimo & tanaasul ku jiro isku casilo ama kan kale ku raaca waxa la isku qabto mise Shacabka Soomaaliyeed ayaa lagu ciyaarayaa oo waxay maraysaa ninkii ugaarsadahaa sheekadiisii aheyd "Sagaaro saw ima barato".

Comments
Post a Comment