Aaaway Soomaalinimadii..?

                              Aaaway Soomaalinimadii..?

                                                   Qalinka: Mowliid Xaaji Cabdi


Su'aashan waxaan ula danleeyahay, maalin maalmaha ka mid ah ayaan galay dukaan ku yaal xaafad ka mid ah xaafadaha magaalada London oo ay Soomaalidu ku badan tahay, hawlo ayaan ugu socdey dukaanka, intii aan sugayey dadkii iga horeeyey ayaan isha la raacay meel ka mid ah dukaanka oo ay surnaayeen calammo aad u fara badan oo ah kuwa yar yar ee gawaarida la surro ama miiska la saarto, waan sii eegayey waxaa iiga soo muuqdey calamada Jibuuti, Somaliland, Puntland, dhulka Soomaalida ee Itoobiya hoos taga, Jubbaland, Awdal State, waxaan ninkii dukaanka gadayey waydiiyey calamadan kii Soomaaliya kuma jiro miyaa...?, isagoo si fiican ii soo eegaya aana filayo in uu ila yaaban yahay ayuu la soo booday "Saaxiib waxaan Shiinaha hadda ka dalbadey kii Galmudug, Hiiraan State, Ximan & Xeeb, Maakhir State, Ahlu Sunna, Mareeg State iyo kuwa kale oo fara badan marka anigu waxaan eeganayaa waxa macaamiisu iga doonayso".


Ninkii su'aal kale ayaan waydiiyey waxaan ku iri Kan Soomaaliga lagaama gadanayo miyaa maxaad u keeni wayday..?

Wuxuu iigu jawaabayaa isagoo hadalkeyga aad moodo in uu dhibsanayo, "saaxiib Soomaali calankeeda doonaysa iima muuqatee hadii aad dan leedahay ii sheeg iska daa warkaasi".

Mahadsanid ayaan ku iri hawshii aan ka lahaa markii aan dhameystey ayaan galey fakar kooban, waxaan niyadda iska leeyahay 50 sano ka hor bulsho mideysan oo hal ujeedo leh ayaynu aheyn, cakuye ciil badanaa muxuu cadow inagga faa'ideystey, muxuu dalkeennii baylah noqdey, maxaa bulshadeennii kala irdhowday oo kala qoqob iyo goboleysi ka fiicnaatay Soomaali weyn.

Waxaan niyadda iska leeyahay in ka yar 100 qof ayaa Soomaali isku dayey inay mideeyaan oo xoriyad gaarsiiyey, calan iyo sharaf u soo hooyey, maxaa haddaba 10 milyan ka badan damiirka ka qaaday oo tafaraaruq iyo cuqdad baday, talow maxaa loogu abaalguday halgamayaashii & dadkii xoriyadan u soo halgamay, maxaa lagu abaalmariyey, kuwii dhiigooda, naftoodii & maalkoodii u horey Soomaali weyn.

Sameysashada callamo kala gooni ah, xafladaha qaarkood oo laga waayo calankii Soomaali weyn ka turjumayey & midnimo diidnimo salka ku haysa kala qoqob intuba ma ahan kuwa u hiilinaya rajadii Soomaali weyn.

Maalintii aan bilaabay Iskoolka waxbarashadda waxaa la igu bilaabay Soomaali weyn, xornimo, guumeysi, qaranimo, wadaniyad & ereyo kale oo qiimo iyo qaayo leh, wali maskaxdeyda kama go'in taariikhdii ay soo mareen halgamayaashii Ummadda Soomaaliyeed u soo halgamay.

Jeneraalo, siyaasiyiin, Ganacsato, Madaxweyneyaal,Wasiiro, xildhibaanno, dhakhaatiir, aqoonyahanno wax ku soo bartey canshuurtii dalka ama dhaqaalihii wadanka ayaa maanta qayb weyn ka ah kala qoqobka iyo kala fogeynta ummadda Soomaaliyeed, halka wiilal yar yar oo aqoon badan aan laheyn, dhaqaale badanna aan haysan ay marrada dhexda ugu xirteen in Soomaali la gaarsiiyo xoriyad iyo dawladnimo, ogowse akhrsite waxa kaliya ee ay kula duwanayeen waxay aheyd Damiir wadanino iyo iyagoo ay ku waynayd in aanay shisheeye ka talo qaadan oo ay Soomaali yihiin islanna qab weyn yihiin oo ay damiir iyo dhiig leeyihiin aynna ka go’an tahay Soomaali weyn.

ILAAHAY SOOMAALI QALBIGEEDDA HA ISKU SOO DUWO: AAMIN...AAAMIN

Comments

Popular posts from this blog

Qaybtii 1-aad: Dhaawicii Qalbiga !! ( Sheeko ku saabsan qiimaha samirka & xanuunka qiyaanada)

About Mowliid Haji Abdi

Dalkan & dadkan ayaa la isku haystaa (Yaa u maqan oo aynnu sugaynnaa ?)