Saxaafadii Rwanda miyeynnu ku soconaa?

Qalinka: Mowliid Xaaji Cabdi

Saaka waaberigii salaada subax markii aan tukuday, ee aan isku diyaarinayo hawlmaalmeedkii shaqo ayaan ku yara nastey inaan eego wararka iyo wixii ku cusub Dunida, Tv-ga goor aan cabaar isha ku hayey oo aan eegay wixii ka socdey wadanka aan ku sugannahay, waxaan ka dib u talaabay kuwa Soomaalida ee Satellite -ka ka buuxa, badankood waxay siideynayeen barnaamijyo la duubay (recorded) ama kuwa ku celis ah, waxay inta badan ka sinaayeen baahinta wax isku mid ah qaarbaa moodaa in ay isku yihiin hal Station, war cusub ma hayn oo kii xalay ayaa Station kasta baahinayey, balse wax wanaagsan ayay ummada u hayaan dhaliilba ha jirtee.

Markaas ka dib ayaan is iri "ALLEYLAHE website-yada bal eeg armey ka yara horeeyaan oo wixii cusub ka heshaa, tirro ka mid ah ayaan isha mariyey, qaar baa yara cusboonaysiin (update) sameeyey waxayse ka duwanaayeen Tv-yada oo warar xaley galinkii dambe ayaa qaarkood ku jira.

La yaabkii iigu darnaa wuxuu ahaa markii aan eegay in ka badan 10 website waxaan ka dhuuxay in mid kasta uu qabiilkiisa u hadlayo uunna kuu so gudbinayo waxa qabiilkiisu aaminsan yahay siyaasad ahaan iyo mabda'ahaan, kaaga sii darane mid kasta wuxuu eedeyn iyo warxumaatashiil dusha ka saarayey beello ama qabaa'il kale oo Soomaaliyeed.

Qaar baa run iyo been isku qasay, kuwaa caaddifad iyo qurmoon ka buuxay, kuwaa iska walaaqday dhiiqo iyo cuqdad qabiil, kuwaa maqlay waxaa lagu sameeyaa propagando cidii kaa soo horjeeda oo xoriyadda hadalka si qaldan u fahmay, kuwaasi oo shakhsiyaad iyo ummad kale tunka ka qaniinay, kaaga sii darane beenta iyo naxliga ay soo gudbinayaan iska daa in qof weyn uu aaminee ilmo yar xitaa ma qaadan karo, warku wuxuu ku wanaagsan yahay in dadka aad u sheegayso uu ka daadigi karo amaba liqi karaan, mase aha in aad gacanta afka kula galiso.

Dal burbursan, dhibaateysan, bulsho isnacdey, dagaallo iyo colaad la degtey,qabiil iyo qurun caloosha dhexfadhiyo, mariid iyo sun la isugu dhiibay, dantooda aan garanneyn, maan guran iyo garasho jaan ay ka taagan tahay, is-aaminaad iyo kalsooni meesha ka baxdey saxafiga ay sugayaan waa kan saaka aan arko, waa kan aan garan masuuliyada ka saaran dalkiisa, waa kan aan kala garan Qaran & Qabiil, waa kan ay iskaga qasantahay in siyaasadda qabiilkiisa uu durbaan u tumo iyo in uu wadaniyad ka shaqeeyo oo uu xumaanta ku badalo wanaag, waa kan afka la furta had iyo goor been iyo xishood la'aan, waa kan Soomaalinimada & kala weyn tahay in uu qabiilkiisa wax u qoro oo uu halgamo, waa kan maskax iyo miyir caafiamad qabo goor hore ugu dambeysay.

Markaas ayaan niyada iska irir, "Hadmaa dhibkan laga bixi, oo kuwan ummada u ah isha wardoon warkooda lagu kalsoonaan"?, waxaa ii soo baxdey in aan ku socono Saxaafadii Rwanda, ogow Raido Rwanda & RTLM wixii ka dhacay Rwanda ee xasuuq iyo gumaad ahaa wali dadka wadankaasi qalbigooda kama tirmin.

Wariyeyaal xiligaasi ka hawlgalayey saxaafadii Rwanda gaar ahaan sanadkii 1994-kii ayaa sida xayeysiismaha loo sameeyo waxay dadka u xayeysiinayeen in dadka la laayo beeshiisa cid kasat oo ka soo horjeeda, kaaga sii darane waxay hagayeen maleeshiyo cawaan ah oo qalbi naxa aan laheyn halka ay ka heli karaan dadka ay doonayaan inay xasuuqaan.

Tusaale ahaan waxaa ka mid ahaa wixii ay baahin jireen "Maleeshiyada beesheenna dagaalyahaniinta balladu ka dhacdey, ee danteenna difaacaya, goobtaasi (meel inta la magacaabo) waxaa ku sugan dad fara badan, kuwaasi dhiigooda aan aragno socda dhaqsada, haye hadda geesiyaasha".

Tusaalaha kale wuxuu ahaa in qaar ka mid ah warbaahinta sida Hutu-ga ay baahin jireen ereyo ay ugu baaqayaan maleeshiyadooda inay kufsadaan haweenka tutsiga, xayeysiismihii iyo dhiirigalintii colaadeed waxaa ka mid ahaa "You Tutsi women think that you are too good for us" (Haweenkiinan Tutsiga, u fakara inaad inagga nagu wanaagsan tihiin) macnaha nin kale oo marada idinka qaadi karaa ma jiro, waxaa kale oo ka mid ahaa iyagoo ku dhiirigalin jirey maleeshiyadooda "Aynu aragno sida ay u dhadhaam haweenka Tutsiga (Let us see what a Tutsi woman tastes like),macnaha in la kufsado habadato.

Cadaalad ayaa timid:

Wixii dhacay 1994-kii Ciidamadii, saraakiishii, saxaafiyiintii anigu saxafi uguma yeereen waxaan ugu yeeri lahaa "Afku dhiiglayaashii" maanta qaarkood xabsiyo ayay ku jiraan, kuwa waa baxsad, kuwa cadaalad ayay sugayaan in la horkeeno, kuwaa dhintey kuwana ciil iyo murugo waxaa ku haysaa masuuliyadii ummada oo ay ku noqdeen gafane iyo dhiqle dhiigooda jaqay.

Reer Rwanda maanta way ka soo kabteen dhibkaasi waxay noqdeen ummad heshiis ka gaartey wixii dhacay, ogow arintaasi waxaa nabad ahaan uga shaqeeyey dad kala duwan oo ay ka mid yihiin saxafiyiin qalinka u qaatey inay ummaddaooda badbaadiyeen.

Gunaanadkii Soomaalidu yey sugaysaa, ma inta saxafiga ibtilada iyo fidnada faafinaya uu garto wanaagga iyo qiimaha nabada, wadaniyadda, & in uu bulshadiisa u hiiliyo, mise in ay timaado cadaalad oo qof kasta wixii uu geystey laga abaalmariyo loona diiwana galiyo hogaamiye, siyaasi, madaxweyne, wasiir, xildhibaan, wadaad, maleeshiyo, ganacsade, saxafi, Dhakhtar iyo qof kasta oo ka mid ah qaybaha bulshada wax kasta oo xumaan ah, qubxi ah & kadeed ah ee ummada u gaysto.

Waan filayaa in saaxiibo badan oo aan isku sheed (mihnad) nahay ay qoraalkan ka qaadi doonaan xajiin iyo is cuncun, laakiin ogow saaxiibkeygiyow hadii aynnu is-toosin salkeen waa hoog, inaan ummada wax ka sheegno oo xag-xaganno, yooyootan iyo waa la yiri aan ka baahinno ma qasab baa...? inaan inaggu is daawanno is ilaalino sida culimo kitaab afka ku haysa 24 saac aynan ka hadal qaladkeenna iyo xumaheenna ma lcalool timo ka soo baxeen baa mise waa habeen tagey oo lama taabtaan.....?, JAWAABTU WAA MAYA, INDHAHA WAA INAAN ISKA SAARNAA RUNTA HADIIBA AY KA QARAAR TAHAY DACAR IYO WAABAAYO.



Xusuusin: Waxaan kugu soo dhaweynaynaa inaad si xor ah u cabirto fikirkaaga hadii aanu ku xadgudbeyn shaqsi, bulsho, ama aanu u muuqan mid asluub ahaan lidi ku ah diinta iyo dhaqanka:

Comments

Popular posts from this blog

Qaybtii 1-aad: Dhaawicii Qalbiga !! ( Sheeko ku saabsan qiimaha samirka & xanuunka qiyaanada)

About Mowliid Haji Abdi

Dalkan & dadkan ayaa la isku haystaa (Yaa u maqan oo aynnu sugaynnaa ?)