Posts

Showing posts from 2017

Ku darso intaad ka ogtahay: Dhufayskii Saddam Xuseen Qaybtii 6-aad

Image
                                                 Diyaarinta: Mowliid Xaaji Cabdi Waa Kuma Samir? Samir wuxuu dalka Ciraaq isaga baxay sanadkii 1991-kii, isagoo ka tagay waalidkiis, afar wiil iyo sadex gadhood oo la dhashay. Samir wuxuu ka mid ahaa kumanaan dhalinyaro Shiico iyo Kurdiyiin ah oo ka dib dagaalkii Gacanka qayb ka noqday kacdoon ka dhan ah Saddaam Xuseen ka dib balanqaad ay ka heleen xulufada Mareykanka uu hogaaminayey. Wuxuu galay wadanka Sacuudiga oo qoxootinimo uu ku joogay sadex sano ayuu halkaasi joogay ka hor intii aanu tagin wadanka Marenka wuxuu ka shaqeyn jiray shirkad farsamaysa haamaha Gaaska bishii March 2003 ayuu ka warhelay ogaysiis ku aadan in loo baahan yahay qof tujumaan ahaan ula shaqeeya ciidamadda loona qaadi doono dal dibada a...

Ku darso intaad ka ogtahay! Dhufayskii Saddaam Xuseen Qaybtii 5-aad

Image
Diyaarinta: Mowliid Xaaji Cabdi Samiir waa nin isku hallaynaya ciidamadda Mareykanka ee dul dhooban Saddaam inta ku booday oo uu garka labadiisa gacmood uga jiiday oo uu ruxay ayuu indhaha isagoo uga qaylinaya wuxuu yiri “Waxaad leysay Kurdiyiinta, waxaad gumaaday Shiicada, waxaad burburisay wadanka”, ka dibna wuu ku candhuufay. Samiir oo fasiraya waxa uu ula jeedo candhuufta iyo hadalkaas ayaa yiri “Waxaan doonayey in uu dareemo innaanay jirin wax uu yahay, taasi oo ahayd habkii uu inoola dhaqmi jiray sanooyin badan”. Sadaam mar kale ayuu si kulul inta u eegay Samir wuxuu ku iri hadallo shakhsi u taabanaya isagoo leh; “Wax aad tahay ma leh, waxaad tahay Khiyaanoole, waxaad tahay Jaasuus, Ma tihid reer Ciraaq”, Samaad cdka ayuu inta kor u qaaday isagoo qaylinaya wuxuu yiri; “Wadanka anigu ma burburin, Ameerikaanka ayaa burburiyey, waxaan ahay Saddaam Xuseen, Ciraaqiyiinta sharafta leh, Ciraaqiyiinta wanaagsan, aqoonso midka uu yahay Sadaam, adigu ma tihid mid fiican, w...

Ku darso intaad ka ogtahay: Dhufayskii Sadaam Xuseen.Qaybtii 4-aad

Image
                                               Diyaarinta: Mowliid Xaaji Cabdi. Ciidankii way aamuseen waxaa la wada sugayaa hadalka wuxuu u muuqdaa nin gabi ahaanba jabay, haddii uu xoogaa aamusnaa ayuu gacamaha oo katiinad kaga xiran tahay wuxuu ku bixiyey tilmaan, wuxuu tilmaamaya meel u jirta ilaa 5 feet halka uu taagan yahay, waxaa meesha ku dedan roog, mid ka mid ah ciidamada ayaa ku taagan Rooga isagoo yaaban ayuu hoos u fiiriyey. Al-Musslit, wuuxu si hoose u yiri “Kani waa dhufayska” Kani waa godka aad ku taagan tihiin, ciidankii si yaab leh ayay u eegeen Al-Musslit oo leh “halkan qoda, qod wuxuu ku tilmaamaya caftiisa. Roogii ayaa la qaaday, mid ka mid ah askarta ayaa bilaabay in uu qodo dhul jilicsan, ilaa 15 baac markii uu socday ayuu joog...