Posts

Showing posts from November, 2013

Dalkan & dadkan ayaa la isku haystaa (Yaa u maqan oo aynnu sugaynnaa ?)

Image
Qalinka: Mowliid Xaaji Cabdi Soomaaliya waxay leedahay xeeb dhirirkeedu dhan yahay 3333 KM waxaannaa ay leedahay baddaha Badweynta Hindiya & Badda Cas waa dhul Istaraatiiji ah oo kullaala marin biyoodka muhiimka ah ee Bab el Mandeb kaasi oo ay maraan gaadiidka ka gudbaya Suez Canal, badda intaasi la’eg cid ma jirto waardiyeyso, wixii la doono ayaa lagga sameeyaa ciddii doontaan sida ay rabbto ayay uggu gooshtaa. Sanad kasta baddaha Soomaaliya waxaa si sharci daro ah looga kaluumaystaa kaluunka nooca qaaliga ah ee Tuna & Aargoosatada, Soomaaliya halkaasi waxay ku waydaa 300 milyan oo doolar oo sanad kasta ay ka heli laheyd kaluumaysigaasi. Sida ku cad warbixin dhawaan ay baahiyeen quburo baaritaan ku sameysay kaluumaysiga sharci daradda ah, Maraakiibta xeebaha Soomaaliya loogu kaluumaysto waxaa ka mid ah kuwa dunida mamnuuc ka ah in lagu kaluumaysto waxay jiidaan shabaag qaarkood la’egyihiin afar garoon kubad ciyaareed cabirkooda ama 13 diyaaradaha Jumbo Jet cabirko...

Aaaway Soomaalinimadii..?

Image
                              Aaaway Soomaalinimadii..?                                                    Qalinka: Mowliid Xaaji Cabdi Su'aashan waxaan ula danleeyahay, maalin maalmaha ka mid ah ayaan galay dukaan ku yaal xaafad ka mid ah xaafadaha magaalada London oo ay Soomaalidu ku badan tahay, hawlo ayaan ugu socdey dukaanka, intii aan sugayey dadkii iga horeeyey ayaan isha la raacay meel ka mid ah dukaanka oo ay surnaayeen calammo aad u fara badan oo ah kuwa yar yar ee gawaarida la surro ama miiska la saarto, waan sii eegayey waxaa iiga soo muuqdey calamada Jibuuti, Soma...

Khilaafka Madaxweynaha & Ra'isalwasaaraha:

Khilaafka Madaxweynaha & Ra'isalwasaaraha:                                                   Qalinka Mowliid Xaaji Cabdi Saggaaro saw ima barato: Nin reer miyi ah oo aad u ugaaran jiray Sagaarada ayaa maalin isagoo la yaaban sida sagaarada uu u xasuuqo oo uu leebka ugu dilo waxaa ka soo fakaday hadal meel maray oo uu ku yiri "Sagaaro sow ima barato" wuxuu ula jeedaa isagoo falaartii iyo laabkii isku saaran yihiin oo uu soo kallahay ugaarsi ayaa sagaaro ordeysa hortiisa ka soo boodaa, hal mar ayuu leebka ku qabtaa sidaasina ku dilaa, hadaba waxaan ula jeedaa sheekadan Soomaalidu sow ma barato raggan siyaasiyiinta ah ee sanad kasta inta mashxarada iyo alalaska loo tumo marka la doorto iyadoo looga fadhiyo waxqabad iyo dawla...