Summad ma isku yeelnaa ? (Sheeko dhexmartey Warfaa & Warsame) Kaftan siyaasadeed:
Qalinka: Mowliid Xaaji Cabdi
Warfaa & Warsame waxay hoos taagan yihiin geed Higlay ah
harkiisa waa goor barqo ah oo cadceeddu falaaro kulul cirka ka soo daynayso, waxay
ka sheekaysanayaan xaaladaha siyaasadeed ee uggu dambeeyey ee dalka gaar ahaan
doorashooyinka madaxtinimmo ee noqday tusbax afka laga furay, samaysashada
callamo goboleed, dhismaha maamul goboleedyo & khilaafyo siyaasadeed oo ay
Idaacadaha ka dhageystaan kana daawadaan telefishinada.
Warsame oo ul bakoorad ah uu watay ku satiicsan ayaa go’ii uu
watey garabka midig inta ka qaaday kan bidix isagoo saaraya wuxuu leeyahay;
“Warfaayow intaan tuuladan taagnayn ee aan Geel baxsaday iyo
col aan ka sheekaynaynay raggii asaageen ahaa futushaariyo ayay inta tosheen
waxay noqdeen dibutaati (xildhibaan), ee ninyahow sidan xal ma ahan Geellan
baas ee aad ilaallinayso ee wiilashii kaaga dhamaadeen inta xaraashto innaga
keen meesha oo ha nalaga daawado Filimaanta ( wuxuu ula jeedaa Telefishinada ama
idaacadaha la iska arko)”.
Isagoo hadalkii dhamayn ayaa Warfaa oo Ookilyaal madow oo
madaxa qayba hore u saarnaa oo uu 10 sano kahor ka soo iibsaday magaalada Cadan
inta soo qabsaday cimaadada geesteeda ku tirtiraya wuxuu hadalkii ka qaatay
Warsame isagoo leh;
“Warsamow war lagu sii, adigu waxaad ka sheekaynaysaa inaan
tuuladan inta ka tagno dibutaati noqono xaggee caqligu kaa jiraa? Yaa innaga xil iyo darajo inoo dhiibanaya rag
iyo dumar England & Paaris iyo meelo kala oo Mareykankan ka mid tahay ka
soo yaacay oo Diyuusbaro (qurbo-joog) ayaa darajo kasta qabasaday’e maxaan xil
doonaannaa ma suuqa xoolaha ayaan ka noqonayaa dullaaliliin”.
Warfaa saameyn ayuu ku yeeshay hadalka Warsame oo wuxuu la
socdaa wiil uu adeer u ahaa oo beri dhexe u dhoofay England oo hadda dalka inta
ku laabtay dibutaati noqday ka dibna isu sharaxay Madaxweyne, isagoon hadlin
ayuu wuxuu bilaabay inuu kaligiis hoos isula hadlo, dhulka isagoo fiirinaya
labada lugoodna is-dhaafinaya wuxuu qalbiga iska leeyahay;
“Haddaan warka Warsame u dhagraariciyo oo aan ka qayb ka
qaato oo kaligay inta golihii geella dhex tago oo anniguba sameysto maamul
goboleed maxaa ii diidaya, oo waliba maan ula baxo Golle-geel state of Somalia”.
Isla sheekaysigii isagoo dhamayn ayaa Warsame wuxuu leeyahay “Maxaad
ku fakaraysaa oo dhulka la fiirinaysaa ?”, geeso lo’aad kulaylkaa lagu gooyaay’e
go’aan innoo keen”.
Warfaa hadal uu la yaabay ayuu ku leeyahay Warsame isagoo si
fiican indhaha ugu soo eegaya ayuu yiri “Waa
yahay’e aniga I dhagayso laga bilaabto manta waxaan ahay madaxweyne adigu
dibutaati ayaadba ka hadlaysaay’e annigu madaxweynaha Golle-geel State of
Somalia ayaan sameysanayaa adiguna haddaad doonto Golle-geel land state of
Somalia samayso, laakiin sharuud waxaa ah inaadan igu qabsan calanka aan
samaysan doono”.
Warsame yaab ayaa ka soo haray! Ma aannu filayn in uu sidaasi
ilbax u yahay Warfaa oo inta tuulada ka tago, dibutaatina ka talaabsado
madaxeyne isu caleemo saaro, su’aal deg deg ayuu ku soo tuuray wuxuuna
waydiinayaa;
“Maba xuma damacaaguy’e waxaan ku su’aali lahaa maxaan calan
uga baahan tahay maad kii Soomaaliya ee laga kala yaacay adigu iska qaadatid oo
golaha geella dhexdiisa ka taagatid?”
Warfaa wax uusan ka filayn ayuu ugu jawaabay Warsame wuxuuna
yiri “Ninyahow waxana kaaga yaabay ma kaa doqonimaa mise waa qalbi la’aan , war
hadda miyaadan ogayn in Geelleennu uu lahaa sumad lagu garto oo uu kaga soocnaa
geella kale, hadda waa sidii oo kale oo sida Geellii ayaan la doonayaa in dadka
reer kasta sumad loo sameeyo, marka maxaa aniga iilla soo aadaysaa calanka
buluug ah illayn sumadeyda lamaba yaqaan’e,
waa inaan suuqa inta tago dhawr maryood oo midabo kala duwan leh
harqaanka la tagaa oo la ii tolaa, markaas tolkeygu waxay yeelan doonaan summad
lagu garto oo ay uga duwan yihiin dadka kale”.
Warfaa oo hadalkii dhamayn ayaa waxaa qosol la dhacay Warsame
dhag…dhag..dhag, qax…qax…qax…qax…qix…qix…qix…qix isagoo qosolkii wali baaqi ku
sii yahay ayuu yiri “Oo hadda ma sida aan xoolaha u suntan jirnay oo Geella aan
sumad qoorta iyo dhinacyada dab ugala dhici jirnay ayaad leedahay dadka aan
sumad u sameynno si loogu kala aqoonsado?, war ninyahow nin qatar ah ayaadba
tahay’e sidee ku keentay fikirkan?”.
Warfaa wuxuu ugu jawaab celiyey Warsame “Anigu ma keenin ee
in la is sunto ayaa keentay ee sumadaada gees ula bax adigoo is-cadeynaya,
haddii kale meel aad ku abtirsato lama yaqaan oo sumad laawe ayaad waligaa
ahaanaysaa.
Warsame wuxuu u jawaabayaa Warfaa “Haddii aad garatay inaan
summadayda sida Geellii la igu garto dadkeygaan dhinac ka raacayaay’e waa inaan
aniguna Madaxweyne isku magacaabaa calan ka taagtaa Balligii reerku deganaa
ogownna hadda dhururuq biyo ah iima soo doonid kartid iskaba daa cantoobo
sonkor ah’e.
Sidaa ayaa lagu kala tagay iyadoo balantu noqotay in summad
la sameysto !!
Sheekadan waa kaftan siyaasadeed oo ka turjumaya xaalka siyaasadeed ee dalkeenna ka jira, ha u qaadan mid ku socda qoys, qof ama bulsho waa wax taagan oo aan la iska indho intiri karin u fahan, haddii aad ka xanaaqdo adiga ayaa toosha isku shiday annigu kugma shidin.
Sheekadan waa kaftan siyaasadeed oo ka turjumaya xaalka siyaasadeed ee dalkeenna ka jira, ha u qaadan mid ku socda qoys, qof ama bulsho waa wax taagan oo aan la iska indho intiri karin u fahan, haddii aad ka xanaaqdo adiga ayaa toosha isku shiday annigu kugma shidin.
Fikirta xorta & dooduhu waxay dhisaan garaadka, waxay horsed
u noqdaan in loo dodo si cilmiyan ah.
Mahadsanidiin:
Comments
Post a Comment