Posts

Showing posts from 2015

Summad ma isku yeelnaa ? (Sheeko dhexmartey Warfaa & Warsame) Kaftan siyaasadeed:

Image
                                                        Qalinka: Mowliid Xaaji Cabdi Warfaa & Warsame waxay hoos taagan yihiin geed Higlay ah harkiisa waa goor barqo ah oo cadceeddu falaaro kulul cirka ka soo daynayso, waxay ka sheekaysanayaan xaaladaha siyaasadeed ee uggu dambeeyey ee dalka gaar ahaan doorashooyinka madaxtinimmo ee noqday tusbax afka laga furay, samaysashada callamo goboleed, dhismaha maamul goboleedyo & khilaafyo siyaasadeed oo ay Idaacadaha ka dhageystaan kana daawadaan telefishinada. Warsame oo ul bakoorad ah uu watay ku satiicsan ayaa go’ii uu watey garabka midig inta ka qaaday kan bidix isagoo saaraya wuxuu leeyahay; “Warfaayow intaan tuuladan taagnayn ee aan Geel baxsaday iyo col aan ka sheekaynaynay raggii asaageen ahaa futushaariyo ayay inta tosheen waxay noqdeen dibutaati (xildhibaan), ee ninyahow s...

Imaaraadka & abaabulka dagaal ee uu ka wado Soomaaliya

Image
Doraaad Puntland & Dawlada Dhexe, Shalay Jubba, Maanta Somaliland Berina Galmudug & Koonfur Galbeeed.   Hadda ka hor deegaan ka mid ah gobalada dhexe ee dalka ayaa laba nin oo Geeljire ah oo maalinkii oo dhan siday geel u raacayeen daal iyo hurdo badani hayo waxay isku tureen Golihii geella meel geestiisa ah oo bawd ah, cunto karis lagama gaarin   oo nin walba gacantiisa ayuu barkaday isagoo madaxa go’ ku duuduubtey, waa rag daalan’e hadal iyo hawraar la iskuma hawlin oo hurdo ayaa loo hamuun qabaa. Haddii in mudo ah ninba uu quuro la dhacay ayaa mid ka mid ah gaajo qabatay , wax kale oo afka la saaro umma diyaarsana aan ka ahayn caano ugu jiray dhiil yar 8 koombo qaad ah, inta dhiishii uu aabuurka ka qaaday ayuu haruubka ka buuxsaday caano dhay ah oo galabtii ay soo liseen, markii uu laba jeer ka laaca ayuu saaxiibkiis eegay waa xilli dayax 15-aad ah cirka bartankiisa joogo wuxuu u jeedaa saaxiibkiis oo bogga iyo beerku isku dhegan yihiin illeyn go’a iyo maca...

Qaybtii 10-aad Dhaawicii Qalbiga !! ( Sheeko ku saabsan qiimaha samirka & xanuunka qiyaanada)

Image
                                  Waxaa Qoray: Mowliid Xaaji Cabdi Qaybtii 10-aad ee ugu dambaysay: Gudoomiyaha Gudiga Isbitaalka ayaa ka codsaday inay fariisato Caaliyo iyadoo xooggaa yaab ahi ka muudo hase yeeshee iska dhigaysa qof dhoolo cadeynaya ayaa salaan iyo mahadcelin ka dib kursigii loogu baaqay fariisatey waxaa hadalkii qaatey Gudoomiyaha gudiga Isbitaalka oo ah qof ka mid ah saamilayda wuxuu leeyahay “Caaliyo maalin wanaagsan aad bay farxad inooggu tahay inaad maanta halkan kula kulanto intan oo qof oo ah tiirarka Isbitaalka adigunna aad ka mid tahay, waxaan halkan kuugu yeernay inaad kuggu wargalinno inka dib markii aan qiimaynnay shaqo wanaagaagga , asluubtaada, dad la dhaqankaaga, mudada aad shaqadan ka soo shaqeynaysay, aqoontaada iyo qibrada durugsan ee aad u leedahay hawshan in laguu magacaabo Maamulaha Guud ee Isb...

Qaybtii 9-aad Sheeko: Dhaawicii Qalbiga !! ( Sheeko ku saabsan qiimaha samirka & xanuunka qiyaanada)

Image
                          Waxaa Qoray: Qoraa Sare Mowliid Xaaji Cabdi Qaybtii 9-aad Ducaale wuxuu u mahadceliyey Caaliyo sida ay u qaadatey go’aanka geesinnimada ah, unna samirtey wuxuu sheegay inaannu garan karin wax uu uggu abaalgudo balse wuxuu u soo qadimay in uu diyaar u yahay in uu furo Zakiya uunna Caaliyo ku qanciyo sidaasi, haddii ay ku tahay raali. Caaliyo go’aankaasi way ka hortimid waxay sheegtey in aanay guriga ku imaan in la furo Zalika oo ilamahaasi meel cidlo ah ku soo dhacaan waxay xustey in ILAAHAY dartiis ay samir u qaadatey aynna diyaar u tahay in ay ku taageersto Ducaale nolashiisa, Zakiya-nna tahay qof lala qabo oo ay ixtiraam iyo wanaag u hayso si kasta oo aanay isku aqoon. Ducaale inta istaagey oo uu labada gacmood kaga qabtey dhabadhanada Caaliyo ayuu wajiga ka dhunkaday wuxuu ku leeyahay “ Ma garan karo wax aan kuuggu abaalgudo, waxaan ahay qof dambi kaa galay oo nolashaada ...