Xildhibaanadda Baarlamanka Soomaaliya hala dhaar celiyo

Qalinka Mowliid Xaaji Cabdi Xildhibaanada oo Kitaab gacmaha saaray (Sawirka VOA) Sanadkii 2012-kii ayey aheyd markii duqeyda dhaqanka beelaha Soomaalida soo xuleen 275 xubnood oo ka mid noqonaya baarlamanka cusub ee Soomaaliya, xiligaasi oo loo jihaysnaa in dalka laga saaro nidaamkii kumeel gaarka ee soo taxnaa laga soo bilaabo 1991-kii markii ay meesha ka baxdey xukuumadii Military-ga, iyadoo wixii sanadkaas ka dambeyey la qabtey kuwaad 10 shir oo midba si kala duwan loogu soo dhisay xukuumaddo ay soo dooranayeen madaxdooda xubnaha Baarlamanka. Baarlamanka cusub oo laga sugayey in uu wax badan ka duwanaan doono kuwii hore maadama uu ku soo aaday waqti dunidu si weyn ugu soo indho taageyso arimaha Soomaaliya, lana go’aamiyey in dalka lagu jiheeyo dhabbe cusub oo ah dawlad rasmi ah, waxaa kale oo uu baarlamankan kaga duwanaa kii hore marnaanta gacmo shisheeye oo baarlamanadii hore go’aanka uggu dambeeya xubnaha iskalahaa kuwaasi oo cidii ay u arkaan in ay dadka a...